Maxay Muuse Biixi kala hadleen waftigii Midowga Yurub iyo UK ee gaarey Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda midowga reer Yurub iyo dalka UK oo Somaliland u tegay indho indhaynta doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee maalintii shalay qabsoomay.

Ugu horrayn madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha wefdiga uga mahadnaqay imaan shiyahooda Somaliland iyo muhiimadda ay siiyeen inay kormeeraan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay shacabka Somaliland ku soo dooranayeen goleyaashii meteli lahaa, waxana uu tilmaamay inay Somaliland tahay meel ay si buuxda uga hanaqaadday Dimuqraaddiyaddu.

Madaxweynuhu waxa uu xubnaha Safiirrada iyo Diblomaasiyiinta isugu jira u caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay inay sii waddo isku filnaanshaha, jidka Dimuqraaddiyadda iyo horumarka, si loo xaqiijiyo hammiga shacabka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wefdiga u sheegay in shacabka Somaliland yihiin shacab bislaaday oo dhawraya nabaddooda iyo deggenaanshaha qarankooda, islamarkaana ay taasi ka muuqatay hannaankii nabadgelyada lahaa ee ay codkooda ku dhiibteen iyo sidii lex jeclada lahayd ee ay u weeleeyeen dardaaranadii kala duwanaa ee uga soo yeerayey madaxdooda maalmihii doorashada ka horraysay.

Madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay shacbiga Somaliland ee muujiyey bisaylka iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin doorashooyinka qof iyo codka ah ee caalamku inagu majeerto, hay’adaha amniga oo xil weyn iska saaray in doorashooyinkii shalay inoogu qabsoomaan qaab nabadgelyo ah, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqay xisbiyada Qaranka oo kaalin muhiima ka qaatay in ay inoo dhacdo Doorashooyinkii wakiillada iyo deegaanka.

Kulanka waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirka arrimaha gudaha, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaagashiga caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka iyo taliyeyaasha ciidamada Militeriga, Booliiska, Asluubta iyo Sirdoonka.

Xubnaha safiirrada iyo Diblomaasiyiinta isugu jira ee uu madaxweynuhu qaabilay, ayaa waxa kamid ahaa, Safiirka Denmark Ambassador Ole Thonke, Safiirka waddanka Finland Ambassador Erik Lundberg, Safiirka Sweden Ambassador Valentin Zellweger , Ku-xigeenka safaaradda Talyaaniga, Mr. Massimiliano Bertollo, Ku-xigeenka safiirka safaaradda Norway Mr. Stian Christensen, madaxa xafiiska safaaradda Ingiriiska ee Somaliland Mr. Stuart Brown, Johan Svensson oo ka socda safaaradda dalka Sweden, Oliver Unverdonben oo ka socda safaaradda dalka Germany, Josefine Jensen oo ka socda safaaradda dalka Denmark iyo Tomas Kirchener oo ka socda xubnaha ku bahoobay midowga Yurub.

18 Comments

  1. @@Abdullahi Elmi & Inta La-Maanka ah,

    Waa jawaaabta hadal aad bog hore iidhigtay. Horta, horumar maxaad utaqaannaan? Kalmaddan Soomaali badan ayaa qalad weyn kafahamtay oo ufasiratay in reer Galbeedka wax walba lagaga taqliido ilaa sida ay yihiin la isu-ekeysiiyo. Waxaasu horumar ma aha ee waa maangaabnimo iyo liidnimo aad uxun.

    Dalaabidda ajnabiga ee waddamada Galbeedka waxaa kasoo ifbaxay inay Soomaalidu tahay qowmiyadda dhulqabadka iyo dhaqan-zuulka uugunugul. Inkabadan 70% qoysaska Soomaaliyeed dhallaankoodu Soomaalinimada iyo Islaamnimada way kazuuleen; inkabadan 60% haweenku waxba dhaqankooda kama yaqaanniin. Xabsiyada waddamada Galbeedka waxaa ugubadan qowmiyadaha madowga ah; 70%-na waa Soomaali.

    Qowmiyadaha kale dhammaantood dhaqamadooda way xejistaan oo kuna adkeystaan – sida Hindida, Shiinayska, Bakistaanta, Afrikaanka iwm. Xarumo dhaqameed iyo jaaliyado adag ayay sameystaan oo carruurtooda kuxakameeyaan.

    Dimuqraaddiyaddu waa aydiyoloojiyad diinta Kristanka salka kuhaysa ee uu hadafkeedu yahay in dadyowga kale lagu dhaqan-zuuliyo. Ujeeddadeedu waa in dadka oo dhan sooyaalkooda laga tirtiro oo iyagana lagu firgooyo. Waa falsafad iyo qaddiyad caqiidatir iyo caadatir kusaleysan oo kutaagan sideedaba. Galangalkeeduna “doorasho” ayay kabillaabantaa oo qaabkaasna bulsho ugub ah uguxidideysataa, aakhirkana kudhalanrogtaa.

    Shiinayskuba sooyaalkooda asalka ah ayay siyaasaddooda iyo dawladnimadooda kusaleysiisteen oo dimuqraaddiyadda Galbeedkana hangool dheer iskagaqabteen, waana kuwaas maanta aad ugunajaxay oo kusoobaxay imberatooriyadda dunida uguweyn ee uguna awood-badan. Yahuudda asalraaca ah dalkooda Israa’iil sooyaalkooda Towraadka kusaleysan ayay dawladnimadooda kuqotomiyeen, waana kuwaas maanta dalkooda Bariga Dhexe uguyar kasoosaaray kan ugu awoodda-badan ee lagudhici kari waayay.

    Marka, xaqiiqooyinkaas aan tusaalaha usooqaatay waxay daaqadda katuureen andacoodka badownimada lagusuntay ee ah “dimuqraaddiyadda” reer Galbeedka ayaa horumarka fure u ah. Haddii ay Shiinaysku iyo Israa’iiliyiintu sooyaalkooda heerkaas sare iskugusoosimeen maxaa annaga nagamaanacaya oo heeryada qalaad naguraray?

    • Hadal badan oo munaafaqad ah!

      1. Marka laga hadlayo dimuqraadiyeynta Puntland Iyo Soomaaliya waxaad Ku faraxsantahay geedi-socedkeeda Iyo taabo-galkeeda laakiin marka Somaliland aad aragto sida ay uga horumarsantahay dhinaca dimuqraadiyada ayey bahashu noqotaa xaaraan Iyo camalu Shaydaan.
      Ninka dimuqraadiyada xaaraan Ku sheegayaa waa ninka Farmaajo Ku eryanaya inuu dimuqraadiyada af-duubtay, Denina Ku dhiiri gelinaya aasaska dimuqraadiyada!

      2. Dimuqraadiyada Giriiga Iyo Islaamkaa ugu horeeyay. Diinta Islaamkaa amraysa in muslimiinta xukaamta ay doontaan doortaan.

  2. Sitaha “Man”,

    Nin inuu magaciisa kuciilbaxo kabaqay umaxumid, hayeeshee “doorashada” Islaamiga iyo tan kufriga inaad isbarbardhigto ayaaba dembi kuugufilan. Tan Islaamku waa mid aan musuqmaasuq, laaluush, ballan-beenaad, eex-qabyaaladeed, iyo xaaraan oo dhan kusaleysnayn oo kanadiifsan.

    Tan Galbeedkana xaaraan oo dhan ayay salka kuhaysaa oo dawladnimadeeduna kushaqeysaa sida lawada ogsoonayahay. “Somaliland” sanado badan ayay “doorasho” kaqabsoomaysay, haddana wax aan diif iyo darxumo ahayn shacabka kunool kamadheefin muddadaas oo dhan; waxaana ka-taajiray kuwa “madaxda” iskagadhigaya oo xaaraanta kunool oo xalaashaday.

    Puntland iyo Soomaaliya inteeda kalena marka ay “doorashadan” xaaraanta kusaleysan usoohirato waddadaas un bay iyaguna qaadayaan oo wax wanaag ah shacabku kama-calfan doono.

    • Mr, Awlal,

      Inaad munaafaqad waddo si yar oo fudud naan kuugu cadaynayaa.
      Cinwaanka labaad ka hoseeya kami wuxuu ka hadlayaa madaxweynahaaga Puntland oo Ku hawlan hirgelinta dimuqraadiyada Puntland isna diiwaangeliyey maanta.
      Iyadoo arrinkaasi uu adiga si gaar ah kuu taabanayo maadaama oo uu gobolkaagii Iyo dadkaagii khuseeyo, waxaad haddana Isha ka meerisay inaad dhalaceeyso dimuqraadiyada Puntland oo waxaad ka door biday inaad ta Somaliland xaaraan ku sheegto.
      Su’aashu waa, Maxaad dadkaaga Iyo madaxweynahaaga uga waanu weyday dimuqraadiyada hadii ay xaaraan tahay we aad dad kale u dhalaceeynaysaa?!
      Charity begins at home. Sadaqada gurigaaga ayaa Laga bilaabaa.

      2. Ma ogsoontahay in macnaha dimuqraadiyadu ii yahay ” The government of the people, by the people, for the people”
      Ama, ” Dawladii dadku lahaa ee ay iyagu yagleesheen, iyagana U adeegta”
      Mabda’aasi waa Islaami we libinta Islaamka gaalada ha siin.
      Doorashada xalaasha ah asxaabtaa ugu horeeyay.

      Ta kale, Hadii dadku xukaamtooda doorteen ma diintay ka baxeen?!

      Waxaad tiri, doorashadu waa musuq laakiin adigu xaq Uma lihid inaad sidaad tidhaahdo waayo maad ahayn qofkii vodka tirinayey. Waxa Keli ah ah ee aad odhaahdaada Ku salaynaysaa waa warka aad maqashay.

      Waxa kale oo aad sheegtay inaan doorashooyinka waxba Laga faa’idin.
      Tani waa been kale oo aad jeebada kala Soo baxday.
      Dawladnimada, kala-dambeynta Iyo horumarka Somaliland Lagu majeertaaba waa doorashooyinka xalaasha ah awgood.
      Waa sababta loogu qadariyo looguna macaamilo sidii wadan xor ah.

      • Sitaha “Man”,

        “Su’aashu waa, Maxaad dadkaaga Iyo madaxweynahaaga uga waanu weyday dimuqraadiyada hadii ay xaaraan tahay we aad dad kale u dhalaceeynaysaa?!
        Charity begins at home. Sadaqada gurigaaga ayaa Laga bilaabaa.”

        Jawaabta waxaad kahelaysaa bogagga cinwaannada Puntland lagusootebiyay ee intaad booqato, ookiyaalaha madoowna iskasiibto, deeto soo akhri waxa aan isla baabkan kaqoray.

        Maahmaada “charity begins at home” iyana sida aad ufasirtay macnaheedu ma ahee dib iskaga-sax. Nin gumeystihii soo bahdilay heeryadiisa iyo dhaqankiisa kufriga ah dib iskuguraray annaga agteenna sharaf kumaleh. Awalna annaga ayaa heeryadaas gumeysiga kaaridnay oo gaaladana kaaxoreynay.

        • Mr.Awlal,

          Waan akhriyey articleka Ku saabsan Siciid Denni oo isku diiwaan-geliyey doorashooyinka Puntland Ku Soo fool leh.
          Markii aan akhriyey comments ka kumaad lahayn wax contribution ah.
          Hadii aad Imika xagga dambe Laga dartay comment ma ogi.

          Waxaad tidhi maahmaahda Si khaldan ayaan U isticmaalay laakiin adigaan Malaga fahansanayn sida loo isticmaalo maahmaahda.
          Kalmada fiican sida waanadu waa sadaqo. Sadaqadana gurigaaga ayaa Laga bilaabaa.
          Sadaqadu ma aha Keli ah lacag ama raashin.

          Waxaad tidhi inaad idinku guumaysi naga xoreyseen, waxa la yaab leh in qabiilkaaga MJ uu kana Soo horjeeday Daraawiishta halka iidoorku uu markii hire qayb laxaad leh ka ahaa Daraawiishta laakiin markii uu Sayidku qabyaalada bilaabay looga dareeray daraawiishtii.

          Mida kale Sayidka waxa la jebiyey 1921 xornimadana waxaanu qaadanay 1960, sidee ayey markaa suura gal U tahay in nin la jebiyey 1921 U codeeyaa iidoorka?
          Xaqiiqdu waa arrinka oo dhinaca kale loo gediyey.
          Iidoorka halgamayaashoodii sida Sh.Bashiir, Afqalooc, Faarax iwm ay ahaayeen kuwan heeryada guumeysiga ka qaadeen dhamaan reer Somaliland oo ay ku jiraan qabiilada Daarood ee uu Sayidku ka baxsaday 1921

          • Sixida spellingka:

            Mr.Awlal,

            Waan akhriyey articleka Ku saabsan Siciid Denni oo isku diiwaan-geliyey doorashooyinka Puntland Ku soo fool leh.
            Markii aan akhriyey comments ka kumaad lahayn wax contribution ah.
            Hadii aanad Imika xagga dambe kaga dartay comment ma ogi.

            Waxaad tidhi maahmaahda si khaldan ayaan U isticmaalay laakiin adigaan malaha fahansanayn sida loo isticmaalo maahmaahda.
            Kalmada fiican sida waanadu waa Sadaqo. Sadaqadana gurigaaga ayaa laga bilaabaa.
            Sadaqadu ma aha keli ah lacag ama raashin.

            Waxaad tidhi inaad idinku guumaysi naga xoreyseen! waxa la yaab leh in qabiilkaaga MJ uu ka soo horjeeday Daraawiishta halka iidoorku uu markii hore qayb laxaad leh ka ahaa Daraawiishta laakiin markii uu Sayidku qabyaalada bilaabay looga dareeray daraawiishtii.

            Mida kale Sayidka waxa la jebiyey 1921 xornimadana waxaanu qaadanay 1960, sidee ayey markaa suura- gal U tahay in nin la jebiyey 1921 U xoreeyo iidoorka?
            Xaqiiqdu waa arrinka oo dhinaca kale loo gediyey.
            Iidoorka halgamayaashoodii sida Sh.Bashiir, Afqalooc, Faarax Oomaar iwm ay ahaayeen kuwan heeryada guumeysiga ka qaaday dhamaan reer Somaliland oo ay ku jiraan qabiilada Daarood ee uu Sayidku ka baxsaday 1921

  3. Ha waal waalato marba gidaar halaysku qaado cuqdad iyo xigdi hala Afuufo marwalba, somaliland Waxay tuseen somali iyo aduunkaba inay wax qabsan karaan iyadoo cidina waxba tarin wayna ku guuleysteen iyagoo Alahood tala saartay kalsooni weyna isku qabo waayo waa dad isku kalsoon.
    Dadka iyo Dowlada Barakaysan ee somaliland waxaa heerkaa gaadhsiiyey waa Alah aamin iyo kalsooni iyo ku dhaca inay waxa ay doonaan ka midho dhaliyaan wayna u hirgashay inta badan ILAAHna waa u fududeeyey mashalah.
    Waxaan hanbalyo iyo bogaadin hawada u marinayaa shacabka somaliland ee wanaaga iyo horumarka jecel kana shaqaynaya danahooda.
    Geediga wadaay guushuna way dhawdahay.
    Hanbalyo Hanbalyo Hanbalyo.

    Qolada xinka iyo hinaasaha wadoow waar qofka somaliga ah wanaaga samaynaya hakala bakhaylin Hanbalyada cadceed sacab laguma qarin karo, somaliland waxa usoo kordha waa wax qofkasta somali ah usoo kordha yaan laga masayrin oo sidii dumarka yaan la xintamin.

    @@@ Awlal.
    Sxb sowdigii halkan ka xayeysiya Waxa koonfur iyo puntland lagu dhoodhoobo goormay doorashada somaliland xaaraan noqotay ta koonfurna lala cajabey Waar Ileyn Tanoo Kale.
    Sxb aniguba galbeedka warkooda si fiican ayaan u hayaa waxay yihiina cidi iiga sheekeyn mayso laakiin doorasho Islaamka ayaa kaga horeeyey oo lagaba bartay inkastoo shinbirkii Islaamku hada yara liicsan yahay.
    Sxb Diinteena ayaa ina faraysa in xitaa hadaad 3 qof dhul saxara ah ama Eeri go’an ah la joogo in 3da qof ee wada socdaa HOGAAN Iska doortaan,, bal ka waran umad dhan Xaalkeeda iyo hogaankooda inay doortaan?
    Waxkasta inaad caadifad iyo laablakac iyo ismaqiq haku salayn.

    Mid si weyn ayaan kuugu raacsanahay oo ah sida Somalidu qurbaha ugu fashilmeen dhinac walba waana qoomiyad si sahala Dhaqankooda u bedela xaga dhaqankoida iyo luqadoodaba.
    Somalidu Qadhaadh iyo Macaan meel kuwada yaal qaar badan oo fiicana way jiraan qaar lumay oo daadku qaadeyna way jiraan markaa taana haysku wada qaadin Si jamac ah.

    GUNAANAD.
    MR Awlal, waar hanagala bakhaylin Hanbalyada Intay kulushahay Daawaha Saar oo haba kugu Adkaatee Bal maanta Asxaabta Reer somaliland usoo Hanbalyee Koley Suldaan AHMED SHIINE isna dushu kala socdaa Arimahaa dhacaya.
    Have nice day body
    NABADIINO

  4. @@JAMAAMU,

    Saaxiib, fadlan eeddan aad igusoogantay dib ugafiirso, waayo sax ma aha xaqiiqdii:

    “Sxb sowdigii halkan ka xayeysiya Waxa koonfur iyo puntland lagu dhoodhoobo goormay doorashada somaliland xaaraan noqotay ta koonfurna lala cajabey Waar Ileyn Tanoo Kale.”

    Anigu sidii baabkan “doorashada” loobillaabay gebigeedaba liddi ayaan ku-ahaa, bogag badan oo wararka Xamar iyo Puntland lagusootabiyayna si kulul ayaan uguraddiyaa – sida laga markhaatiga yahay.

    Waxaydin hambalyo iyo bogaadin dhab ah muteysan doontaan marka aydin hannaankii saafiga ahaa ee CADAL dib wax ugusaleysiisaan oo doorasho Islaami oo xalaal ahna hoggaankiinna kuxulutaan. Idinka ayaaba geyigaas taariikhda dahabiga ah dhaxlay oo uu waajibkiinnu ahaa inaydin sooyaalkaas xariirta ah dib usoonooleysaan oo Soomaalida inteeda kalena kucasuntaan oo uhorseeddaan.

    Ma aydaan yeelinee isla gumeysigii sharaftaas idin kadilay oo taajkiinnaas dhulka ladhacay ayaydin haddana heeryadiisii barakeysateen oo aqoonsigiinii dhammaa ee kafacweynaa oo kana karaama-badnaa kusaleyseen oo kusookoobteen. Aad bay idiin kahoostay xaqiiqdii saaxiib.

  5. @@@Ahmed Shiine
    Re: jawaabtaadii shalay.

    Waxaa fiican qofku markii uu qof u jawaabayo inuu naqdiyo qodobbada qofku ka hadlay laakiin waa nasiibdarro inuu qardajeex iyo ihaano miciin bado.

    Mar kasta oo aad halkaan wax kusoo qorayso waa inaad xusuusnaataa inaad la hadlayso dad Soomaali ah oo aan gu’, garaad, ama aqoon kaa yarayn isla markaana og oo xogogaal u ah waxa Somaliland ka jira sida aad adiguba xogogaal ugu tahay waxa Puntland iyo Xamar kajira. Waa nasiibdarro in qofkii naqdiya Somaliland aad shaabadayso ‘qabyaalad’, ‘cuqdad’, ‘xaasadnimo’….. Immisa ayaad halkaan ku aragtay anigoo Farmaajo naqdinaya oo xitaa si shakhsiyan ah u caayaya? Ma qabyaalad baan ula jeeday?

    Anigu waa kasoo horjeedaa goosashada Somaliland laakiin xasad kuma ahi wixii horumar iyo wanaag ah oo ay gaareen. Ujeeddadaydu waxay ahayd inaan naqdiyo doorasho ku salaysan in la iska gado shisheeye oo ictiraaf lagu raadiyo iyadoo ragga Somaliland hoggaamiyaa gabeen dadkoodii oo u kala eexdaan; oo dhallinyaradoodii tahriib ku dhammaadeen; oo reer Somaliland afkooda ku sheegayaan musuqa iyo maamulxumada jirta. Inta aan tusaale soo qaatayba waxaa yiri dad Isaaq ah oo weliba ah hoggaamiyeyaal iyo aqoonyahanno. Matalan, waxaan daawaday wareysi uu Dr Buubaa ku sheegayo in qolo gaar ahi isa siisay oo ay aamisan yihiin in Somaliland iyagu leeyihiin. Waa kuma qofka Isaaqa ah ee ka aqoon iyo waayo-aragnimo badan Dr. Buubaa? Mise Somaliland wuxuu ka yahay second-class citizen? Waa run in Buubaa lasoo shaqeeyey xukuumaddii C/llaahi Yuusuf sababtoo ah waa Soomaali dhab ah oo aamminsan Soomaalinimo, wadaxaajood, iyo iscafis.

    Anigu waxaan aaminsanahay in ugu yaraan 50% beesha Isaaq aaminsan yihiin midnimada Soomaaliyeed, markaas marka lagu daro beelaha kale — dadka ku nool dhulkii kahor 1960 la oran British Somaliland aqlabiyaddoodu waxay aamisan yihiin midnimada Soomaaliyeed. Adigu waxaad doonto aaminsanow; labadeenna midna ma qaadin afti iyo opinion polls laakiin qof walba khibraddiisa ayuu wax ku qiyaasaa.

    Ugu dambeyn, waa xiiso leh inaad qiratay inaad tahay qoladii aan sheegay in Somaliland u afduuban tahay. Sideed u hadashay! Waxaan kugula talin lahaa markii aad qof naqdinayso iska daa adeegsiga erayada wasakhada ah — sida ‘xaar’ iwm.

  6. @@ Mr Awlal.
    Sxb wax deelqaaf ah kuguma durin keliya waxaan bidhaamiyey inaad wax kasta ku jaan goyso Lana sugto Dal aan jirin oo magac u yaala Somalia,, taas bilcakiskeedana somaliland oo waxbadan dhinac walba kaga horeysa somalida kale in indhahaagu qabanin wanaaga iyo dedaalkooda intey doontaba ha noqotee.
    Waxaad ku dooodaa in dowlad caadila somalida wada deeqdo adigoo ku salaynaya in si xalaala doorasho u dhacdo waa halkan kasoo qaatey doorashada aad jeceshahay ama aad naawilayso.
    Doirashadu waa wax diinteenu ina fartay ilaa
    asxaabihii markaa inaad Gaal Ku maamuusto waxa diinteenuba ina fartay oo aad tidhaahdo gaalo ayaad kaga dayateen maaha munaasib wayna kaa hoos baxday taasu, laakiin waan dareemi karaa inaad isdiidsiineyso ama aadan waxba kasoo qaadin waxkasta oo reer somaliland usoo kordha,
    Awlaloow Ilaahay ayaa dunidan maamusho waxaase qarniyadii u danbeeyey Ku takrifala waa Gaalada hadii aadan indhaha iska soo rideyna Dunida muslimka marka laysku daro ayaana ugu tayo xun dhinwalba Xag siyaasad, xag dhaqaale, xaga Xuquuqda Aadanaha markaa armayba kuwaa aad anaga nagu dhajinayso wax dhaamaba lahayn hadii lagu daydo iyo hadii kaleba. Ogsoonowna kuwaa aad anagu nagu dhejineyso ayaa Gaal iyo muslimba laga daba gucleynayaa markaa sxb wax anaga noo gaara hanooga dhigin weeye macnahaygu.
    Tan hanbalyada way muuqataa inaad nagala bakhayshey Cadal iyo waxaan aad ka hadleyso waa laga soo gudbay today is today salaadba waqtigeeda la tukadaa waaqica maanta dhulka somalia/somaliland yaala ayaa u baahan in wax laga qabto taariikho tegey iyo duni lasoo maray wax micna leh oo ay Wiilka 1991 ama 2020 dhashay u samaynayaa ma jirto.
    Ninka waxa jooga aan garan waxa soo socdana ma garan karo, Awlaloow waqtigu wuu is gurayaa somaliland step by step ayaa ugu sii siqaysaa Hadafkeedii adiguna waayuhu wuu ku hayaa welina kuuma run sheegin waa ayaan daro inaad weli waxaan suurtoobeyn aad weli naawileyso. Waa tacab qasaar iyo Maskaxda oo lagu ciyaaro iyo waqtiga oo aan waxba laga baran.

    Mr A.Arar.
    Sxb inkastoo sheekada adiga iyo Ahmed shiine idin dhex martay aanan la socon waxaan ku darsanayaa tan aad tidhi 59/50 aad tifhi isaaq ma aaminsana Gooni istaaga waxaan taa ka leeyahay waa waxba kama jiraan. Waayo?
    Afti ayaa la qaaday 2001 waxay ku codeeyeen weliba hadaan kuu yareeyo 89% inay La soo noqdaan dalkoodii 1960 ku lumay Xamar iyo koonfur arinkaasu waa xaqiiq.
    Tan kale beelaha kale iyo inta midnimada aaminsan ayaa ka badan inta goonisutaaga aaminsan taasna waxba kama jiraan waayo haday midnimadu ku badan tahay intaaba mabay soo gaadheen.
    Any way waxa qofku jecel yahay iyo waaqiciga yaala yaan laysku tolin aakhirkana Runbay tegeysaa iyo sida dadka majority doonayaan,
    Waxaan aaminsanahay hada hadii afti kale la qaado waana la qaadayaa mar aan fogeyn in qabiilada aan isaaqa ahayn badankoodu u codeyn doonaan gooni isutaaga rep somaliland. Waxaan taa u leeyahay waxbadan baan ogahay.
    Sxb xor baad u tahay fikirkaaga waana kugu ixtraamayaa aniguna kayga ayaan dhiibtay labadeena ama somaliba waqtiga iyo waaqiciga ayaa inoo run sheegi doonaa inshalah wixii nool.
    NABADIINO

  7. @@JAMAAMU,

    Saaxiib, waad kumahadsantahay jawaabtaada waafiga ah. Jawaabtaada dulucdeedu waa:

    “Dunida muslimka marka laysku daro ayaana ugu tayo xun dhinwalba Xag siyaasad, xag dhaqaale, xaga Xuquuqda Aadanaha markaa armayba kuwaa aad anaga nagu dhajinayso wax dhaamaba lahayn hadii lagu daydo iyo hadii kaleba”.

    Waxa dullinimadaas baday barobbiyo waa inay sooyaalkooda Islaamiga ee heerka ugusarreeya gaarsiiyay kadigarogteen oo wax kasiiliita kubeddesheen. Waabaa Caalamka Islaamka lagudayan jiray oo xadaaradda uu ahaa loohanweynaan jiray, haddii aynu sooyaalkeennaas dib uhaybsannona darajadaas iyo mid kasiisarreysa ayaynu markale gaari doonnaa.

    Adigu waxaad is-lahayd kuraddi, laakiinse dooddaydii ayaad iladaaddihisay oo tusaalaha ugufiican usooxigatay, waana Eebbe mahaddii!

  8. A.Arar

    Arrarow kolka walaalahaa wax wanaagsan sameeyaan waa loo hambalyeeyaa. Xitaa haday hambalyo ay kaasoo bixi kari weydo waa loo gambiyaa. Adna shalay halkan waxaad lasoo fadhiisatay xaqiraad. Adoo deedafeynaya Doorasha sida quruxda badanu dhacday ayaad u booday ta madaxweynaha. Waxaa tidi “Maalinka taasi Dhacdo ayaa la ogaan doonaa bisaylka siyaasadeed ee Reer Somaliland”. Sxb maanta ayaa la joogaa, bisayskuna imika ayuu muuqdaa oo sidii cadceeda inoo hayaa. Taasaad adoo ciidee is leh aad ta soo socota dadka quluubtooda u jeedi is tidhi. Shalaytoole ayay Hambalyadu kuu aheyd iyo inaad qirto in Doorasho isku sidkan oo taariikhi ah ay dadka Somaliland madax iyo mijobo qabsadeen.

    Karog oo labo saar. Hadana adoo nabada aanu aadka uga shaqeyno eenu kartidayada iyo dadnimadayada ku gaadhney deedafeynaya ayaad hadana kriditkii siisay deegaanka, wakhtiga iyo xitaa Puntland. Anagiina mar labaad ayaad hambalyo iyo bogaadin nagala bakhayshay.

    Wax qabadka dawlada. Malaha tanaad ugu yara rooneyd oo dhaliilo jira ayaad sheegtay. Laakiinse waad yara buunbuunisay. Dawlada inaanay kharash buuran heysan waad yara qiratay oonay wax walba qaban karin. Halkaas wax badan kaa odhan maayo oo anba gaabis inuu jiro waan arkaa. Hasee tabartaada ayaa la dhaqaaqaa. Dadaal intaas ka badan waa la muujin karayay oo woxoogay intan dhaanta la qabto.

    Adoo ugala jeeda inaad dadka reer Somaliland madaxa isku geliso ood iska horkeento ayad Habar ku mataashay inay Hostage ku heysato Somaliland. Beelaha kale ee Somaliland degena xuurto ku heysato waayo iyagaa Hargeysa ugu badan.

    Hambalyadii xitaa waad la bakhayshay.

    Adaan kuu daayaye maxaa waxaas lagu tilmaami karaa?

  9. @ A.Arar

    Dr. Buubaa waa muwaadin Somalilander ah. Xorna waxa uu u yahay inuu cabiro fikradiisa. Waanu wada naqaanaa oo waxa uu kasoo horjeedaa Somaliland. Isaguna ma qarsado. Kun jeer ayuu ku hadaaqay. Odeygu’se wuu jabay oo wuxuu waayay garab isaga la jira iyo taakulo toona. Xamar kolkuu joogeyna ee uu sanadaha meelahaas meehanaabayay ee uu waayay cid soo dhaweysata oo xitaa talo ayaa u yare weydiisata ayuu wadankiisii isaga soo noqoday. Cafis xitaa soo dalbaday. kkkkk Laangaab ma’ahan. Second-class citizen maaha. Laakiinse, waxa uu minority ku noqday fikradiisa.

    Midse maad fahmin. Kolka uu buubaa leeyahay, “Qolo gaar ah ayaa isa siisay oo is moodo ama aaminsan iney iyagu Somaliland leeyihiin” waxa uu ugala jeedaa garabka ay sida ba’an weligood isku hayeen ee SNM. Muuse Biixi iyo Ina Kaahin garabkooda. SNM ayuu ka hadlayaa ee Habar Awal kama hadlayo.

    Reer Somaliland hadaanu nahay anaga dhaqankayaga ayaa ah inaanan waxba qarin. Ama aan fool xumaano ama quruxbadnaano. Dhaliilahayagana toos ayaanu iskugu sheegnaa. Soomaalida kalena inay maqlaan dhaliilahayaga dan kama galno.

    Danka dhaqaale yarida, shaqo la’aanta, tahriibka iyo wax walba oo kale dee Soomaalida kale kama badsano. Soomaalida kale kama fiqiirsanin, kama xumin kamana tahriib badnin. Reer Puntland yaa ka tahriib badan? Yaa ka fiqiirsan? Ma wadooyinkooda iyo magaalooyinkooda ayaan dayac qabin? Miisaaniyadeedu waa intee? Miyaanay aheyn kuwa askartoodu ka gadoodo mushahar la’aah lixdii bilood mar? Madaxweynayaashoodu si caadi ah oo qayaxan so Sadex Maxamuud Saleebaan sidii hagbada iskuma badbadalaan? Puntland miyaanay aheyn ta maanta sadex meelood tirakood ka qabaneysa. Mey Labada Gobol iyo Badhka ay leedahay oo dhan ka qabato diiwaangelinta? kkkkkkk

    Si kastooy tahay, deegaanada Soomaaliyeed meesha ugu wacan ee ugu tugtugta badan waa Somaliland. Waxba eed saa’id ah oonaan laheyn hana saarsaarin.

    Waxaad aaminsantahay adey ku jirtaa. Adigu hadaad aaminsantahay in Beesha Reer Sheekh Isaxaaq ay badhkood Somaliland aanay aaminsaneyn, waxa jirta qaar idinka mid ah oo aamin in 75% aanay aaminsaneyn. Qaarkaloo intaas kasii badiyaana wey jiraanba. kkkk

    Waxase cajiib ah sida inta yari inta badan Somaliland ugu heyso hadey sidaas tahay. Isaaq saaxiibow isma gumeysto, si kasta aanu wax u kala riixriixano, aakhirka dheriga ayaanu isku waxa nimaadnaa oo xeedho keli ah ayaanu wax ku wada cunaa.

    Qoladeyda weligay ma qarsan, qarsana maayo. Somalilander nimadayda weligay ma qarsan, qarsana maayo. Soomaalinimadayda weligay ma qarsan, qarsana maayo. Waxa kale oonan qarsan hadalkeyga oo dhayda ayuu weligiis ka cad yahay.

    Araroow saaxiib waxa kuu wacan inaand Somalialnd doorashadeedan ugu hambalyeyso. Hadii kalena aad naga hor leexato. Waxaad tidhi waxaan naqdiyayay doorasho ku saleysan in la’iska gado shisheeye oo ictiraaf lagu raadiyo. Inkastooy aheyd doorasho dadka Somaliland oo dhami wada rabeen, hadana sow kamaanaan faa’iideysan oo indhaha caalamka oo dhan iskumaanaan soo jeedin oo si wanaagsan umaanaan iibgeyn? Maxay naqdintaadu ka qaadi kartaa? Hadii lagaa guuleysto, waa la qirtaa. Imikaan kuugu celinayaaye wey kaa hoostay. Waxay aheyd inaad si ragonimo ku dheehan tahay noogu hambalyeyso.

  10. Dadka reer Puntland was dad gob ah, soo dhoweynta Martina ama wada noolaansho taqaana , ku fiican macaamilka ganacsiga, waxaa Puntland a dhashay iyana kuwa ugu xun Somali oo dhan, xaqiraad, isla weyni , isla toosnaan, Kelbrook wax yaqaan, xaasidnimo, selfish, oyo been iyo propaganda, dadka Somaliland ee halkan ka hadla ha isku dating inaad gar iyo garowsho ka heshaan ragga Awlal kow ka yahay ee halkan wax ku qora, wallaahi I ta ay ka nool yihiin inaanay toos u soconayn, Abwaan Makayte oo Ogaadeen ahaa baa yidhi ” Waa la qoray waddo aad garab marto ood wedidin roortaa” Winniq daaniq baa idin dhashay oo weydinaan garan.

  11. @@@Ahmed Shiine & Geelle Farah

    Doorasho in la qabto wax weyn ma aha laakiin waxaa muhiim ah isbaddelka ay keento. Shuuciyiinta, iyo kelitaliyeyaasha sida Siisi iyo Ismaaciil Geelleba way qabtaan kadibna in ka badan 90% inay ku guuleysteen ayey sheegeen. Sababta aanan wax uga soo qaadin doorashada Goloha Wakiillada iyo tan degaanka ee Somaliland — waa inay tahay foregone conclusion oo nin walba ina-adeerki ayuu ugu shubayaa. Magaalo kasta qolada leh amase u badan baa kasoo baxaysa; si kasta magac xisbi ha loo wato. Waa dhaqan Soomaali oo dhan ka siman tahay.

    Dhanka kale, xukunka iyo siyaasadda Soomaalidu waa madax-ka-nool; si kasta oo baarlamaan loo doorto, meeshu waxay u shidan tahay oo ku amarkutaagleeya si cad amase dadban hadba kii madaxweyne ah. Taa awgeed ayaan aaminsanhay in doorashada madaxweynaha Somaliland tahay tan muhiimka ah. Mar kale ayaan ku celinayaa: Muuse Biixi oo ah askari madax adag oo xaruuri ah haddii uu qabto doorasho daahfuran oo caddaalad ah kadibna haddii laga guuleysto uu kursiga wareejiyo, taas ayaa markhaati u noqon doonta bisaylka siyaasadeed ee reer Somaliland iyo mustaqbalkoodaba.

  12. @@@Geelle Farah
    ‘Makayte’ ma magac Soomaali baa mise mid Oromo? ‘Winniq Daaniq’ ma habar Oromaa? Kolley annaga sida awooweyaashayo nasoo gaarsiiyeen majirto naanays amase magaca ‘Winniq daaniq’ oo loogu yeeri jirey mid ka mid ayeeyooyinkayagii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*