Muuse Biixi,”Dowladda Somalia cunaqabatayn dhaqaale ayey nagu soo rogtey”.

Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland oo ka qeyb galay munaasabadda 26-ka Junne ayaa sheegay in muddadii ay jirtay Somaliland ay ku guuleysteen in la qabto Toddoba doorasho oo ay saddex madaxweyne  isku beddeleen si nabadgelyo ah oo qof iyo cod ah & laba gole oo Baarlamaan, isaga oo sheegay in aNabadgelyada Soomaliland dadaal farabadan lagu bixiyay.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay arrmaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in looga taag la’yahay kolba  shir ay u qabtaan dawlado shisheeye, kaas  oo uu sheegay in lagu soo magacaabayo dad faro-ku-tiris ahi inay madaxweyne iyo Baarlamaan doortaan.

Dhanka kalena, Muuse Biixi ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliy ay dagaal qaawan kusoo qaadday Somaliland, dhinaca dhaqaalahana cunoqabatayn ka saartay, kana xayirtay 60 Milyan oo dollar, islamarkaana ay dagaal kale ka gashay horumarka Somaliland u soo kordha oo ay safka hore kaga jirto ballaarinta dekedda Berbera sida uu hadalka ku dhigay.

Horay ayaa Madaxweynaha Somaliland waxaa uu siyaabo kala duwan Goobo fagaaro ah eedeyn ugu jeediyay Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo sababtay in uu sii xoogeysto khilafka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya.

12 Comments

  1. Marka hore, labadooda kan madaxweynaha rasmiga ah ee ay duniduna sidaas u aqoonsantahay waa Farmaajo – walow uu yahay mid sixun ufashilmay ee aan hadda dalka laga jecleyn. Runtuna waxay tahay inuusan Farmaajo maamulka jabhadda SNM waxba kaxayirinee ay sidaas kallifayaan shuruucda, xeerarka, qawaaniinta, iyo baratakoollada dawliga iyo diblumaasiyadda ee caalamigu. Qaranka dawladnimadiisa waa laazim in la iskudubbarido oo aan cid gadoodsanna loojoojinin.

    Dabcan, qayladhaanka noocan ah waa mid sida loogabartayba been iyo borobagaan loogu adeegsanayo hurinta xiisadda qabyaaladeed ee ay SNMtu muddo dheer kuqaraaban jirtay, haatanse waa laga ilbaxay oo waa dhawaaq aan cod lahayn maadaama uu waaqiciga dhabta ahi qaalib noqday oo runtana la istaabtay. Hogeysigii hantida maatada ee Hargeysa laga caadeystay ayaa hadda la isaga dabayimi oo cabaadka kakeenay.

    “Doorashada” ay SNMtu kuhalqabsato duniduba way ogayd inay tahay riwaayad ay jabhadi caalamka ku indhasarcaadinaysay ee aan shacabka geyigaas iyo dawladnimadooda kusaleysnayn oo toosna umatalaynin. Sababta keliya ee uu caalamku ugusii guubaabinayay waxay ahayd in la ogaa inay tahay khayaal haddii ay ugu badato ay Isaaqu dhexdooda kukalabedbaadayaan oo ay beelaha kale ee geyigana sharka SNM kaga nabadgelayaan.

    Maadaama ay kooxdii yarayd ee ay jabhaddan iskusookoobtay haatan qummaati udhaadday inay talo faraheeda kahaadday mar hadii ay beelaha geyiga ee Somaliland-diidka ahaa awoodda siyaasadda lawareegeen oo iyada toos loowiiqay, misena uu Dahabshiilkii qaddiyaddaas naasnuujin jiray Muqdisho udigarogtay, waxaa keliya oo usooharay inay ciilkaa iyo caradaa dad kale kala duldhacdo oo ay marba eedeysato – ama Farmaajo ama cid kale oo ay tahayba.

    • Haramacadku marna marna ma bedelo midabyada barbar ta ah, Awlal ninbka la baxay, tolow ma sabiyo ayuu la hadlayaa, hadalka Awlal waa naceyb huuray, xin iyo xaasidnimo, been iyo propaganda, hafrid, oohin, baroor, muraaradillaac, naceyb, isu tegay, cid ka rumeysanaysa ama ka dhegaysanaysaa ma jirto, wuxuu annaga na sii gelinayaa inaan ku sax sannahay wadada aad ku soconno> Awlal waa hunqaacay, wuu isku xaaray, wuu isqaawiyey, wallaahi inaan mid ka run ahi jirin wuxuu soo malmaluuqay, waxaan ku tilmaami karaa nin waalan oo ciilqab iyo cadho ku weynaatay. Waxaa innoo kala markhaati furi kara wakhtiga, 10 sanno ka dib bal aan aragno, meesha beentaadu ku geysto. Ma meteshid cidna , doofaar qudhmay baad tahay, qabiilna ma meteshid

  2. dowlad aan islaaam ahay kheer maleh sabaatu qofka islamka ah baqdin ayaa ku jirta ilaahiya. ku shabaab sheekta yiraada diin ayaan udagalameyna waxy dilaan haldoorka kii cilmaanga ahaa iyo kii diin baa difacya hadeey xas iyo cadaawaad ku jirto xagee lo baxsada bixii wuu yiri lacg 60 malyan lanka xayiray, dani wuxuu yir 30 malyan aya layga xayira,hirshabele gudlawee 35malyan baa laga xayiray,jubland iyo konfur waalamid haday dhabtahay maxaa logu falin dowlad xasida oo duli ah midkasta niikteen xun intuu isku giiyo oo lugaha isdhaafsodo buu sidi fircoon aan rabukum oo raan war somalid isuuxuma south afrika tijarta mesheey is gacn qablahayee iya isugaarsda kenya waalamid.Malaayin hidi, pakistaan,arab ayaa degan uki ,amerika,south afrika, kenya cebtooda lama maqlo.Somalida qurba joogta sida daka kale umabadna hadana wax xabsyada buxiyeey waa dhalinyaro somali meshii lo soocelin laha watas lacgii wax lagu qabla ladiidayo

  3. @ Mustafe Hasan

    Sxb hala faqan kaasi waa ciilqabe Warsangeli ah oo cadho, hinaase iyo ciil iskugu darsantaye. Puntland iyo Daaroodism oo meelna weli gaadhin. Dawladihii Muqdisho soo marey oon dhankiisaba soo eegin. Labadii Madaxweyne ee u danbeeyay, Xasana SSC wuxuu si cad ugu sheegay innaay Maamul Goboleed u ogeleyn, Farmaajona wuuba diiday inuu wax jawaab ah siiyo. Kkk SSC oo Khaatumo ugu tuktuk badneyd Somaliland bey u gacan gashay. Puntland waxa Keli ah ee ay u isticmaashaa waa iyada oo kuraas sadbursi ah kaga hesha Muqdisho. Xamarna waataasba.

    Markuu xamili kari waayay waxaas oo guuldarooyin ah oo sidii uu rabey ay noqon weydey ayuu ugu danbeyntii Qabiilkiisii WARSANGELI iska bedel is yidhi ayuu MAJEERTEEN u digo rogo. Nasiibdaro’se, wey u geli la’dahay.

    Kolkii hore, Somalilandtiisii buu ka cararay, Soomaaliyana wuu gaadhi waayay, imikana Warsagalina ka Bax, Majeerteena geli kari waa. Waa dacawadii socodkeediina ka tagtay kii Nabigana gaadhi weyday. Kkkkk

    Waa sababtaas sababta uu badhaadhaha Somaliland uga gubto oo waxaas uu xab iyo dacar ah uu usoo hunqaacayo.

  4. Inuu qaran jiro waxaa kahorreeya inuu dal jiro. Inuu dal jirana waxaa kahorreeya inuu dhul iyo dad u go’an leeyahay. Inay dawladi jirto iyana intaas oo dhan ayaa kahorreeya.

    “Somaliland” sababta aysan u jiri karin waa inaysan shuruudahaas dhammaantood oofin karin. Geyigaasi magacan abid laguma aqoon, Soomaalida wadaagtana si wadajir ah oo wadar-oggol ah ulama aysan bixin. Sidaas ayuu magac bug ah ee aan jirin kuyahay.

    Geyigaas Soomaali badan ayaa wadaagta oo xuquuq simanna kuleh. Majiro qabiil mise beel xaq gaar ah uleh inay intooda kale uddowladeyso. “Somaliland” waxaa alliftay jabhad aan Soomaalida geyigaas wada matalin, qaddiyadda Soomaali-diidnimada ee lagusaleeyayna ma aha mid ay Soomaalida geyigaas shuqul kuleedahay.

    Haddaba, xaq iyo sax toona ma aha inay dawladda qaranku ku eegato jabhad aan igmasho rasmi ah shacabweynahaas kahaysanin magaca shacabkaas deeqaha iyo gargaarka loogutalagalay goonideeda uhambagto oo shacabkuna kaqatanaado. Shacabkaasna jaa matalaad buuxda ayuu dawladda federaalka kuleeyahay oo dawlad jabhadeed ee aan wada matalin waxba kumafalayo.

    Ilbaxdu waa “objective”, cawaantuna “subjective”, sida qoraalladan kore lagadheehan karo.

  5. Ciil qabe ilbax isku sheegaya. Kkkk

    Somaliland ma jirto, ma jirto, ma jirto afka uun laga yidhaa iyo madaxa oo dhulka gashadaa midina run taas ka dhigi meyso. Kkkkkkkkk

    Labada goorba barteedii ayay Somaliland soo taagan tahay. Haye weykan, oo hadana Wey kan. Weli waan joogaa. Kkk Mey, meelna Maan yara gaadhin xitaa.

    Awlal: Aaaiiiyyyy, maxaad dee la qarsoomi la’dahay oo u libdhi la’dahay?

    Simaliland: Haa iyara yara sug. Madaxa mar kale dhulka geli oo Somaliland ma jirto dheh.

    Awlal: Okay, Somaliland ma jirto. Aaaiiiyyyy. Sowdigan weli jooga maaha?

    Somaliland: Kkkkkkkkk hahahahah, hehehehehe waan kugu ciyaarayay. Bal mar kale maad isku yara deyi kkkkkkk

    Awlal: bif bif bif sankiibaa bood iga galay. Kolkan maad libdhi doontaa?

    Somaliland: Haa waa isku deyeyaa.

    Awlal: Somaliland ma jirto. Aaaiiy, sowdigan maaha?

    Somaliland: Kix Kix Kix Kix Kix… Imaad siin wakhti aan ki libdhi.

    Awlal: Okay. Inteed u baahan tahay?

    Somaliland: Illaa iyo kun jeer dheh. Kkkk…

    Awlal: 1. SL ma jirto. 2. SL ma jirto. 3 SL ma jirto. 4. SL ma jirto ….1000. SL majirto. Aaaaah sowdigan soo taagan maaha?

    Somaliland: kkkkk wax badan baad qaadatay. Kkkk

  6. Waar Waa wareey waar caawa Odeygii AWLAL biyihii iyo saliidii buu isku daray kkkkkk.
    Waar odeyga haloogu dhaarto in somaliland horeyna u jirtay jirina doontaa.
    Waar Awlaloow maanta waa 26 june markii somaliland xornimada qaadatay taana xitaa wax maku qaadan weydey.
    Dhalinta reer somaliland odeyga ka yara neefiya hayska nefisee ciil gaamuray iyo xigdi buu hunqaacayaaye.
    Nin aan quusan Naftiisaa quusa awlal waqtiga iyo waayaha ayaa u runsheegi doona mar aan sidaa u fogeyn inshalah.

  7. @@ JAMAAMU,

    Sida fadaljeerka caalamka kuxusan, suraabka Soomaaliya la isku yiraahdo qaybtiisa woqooyi weeye waxa uu Ingiriisku isticmaarkiisii kala dulkacay taariikhdan maanta ah. Waana taariikhda ay Soomaalinimadu xorriyaddeeda rasmiga ah soodhacsatay ee aanay cid si gaar ah usheegan karin.

    Waxaa taas daliil buuxda u ah shucuurtii Soomaalinimo ee Hargeysa lagamuujiyay markii calanka Ingiriiska tiirka lagadejinayay oo kan Soomaaliyeed ee buluugga ah lagubeddelayay. Soomaali oo dhan ayaana munaasabaddaas dhaxalgalka ah xaadir ahayd oo umushxaradeysay. Calankii cirka lootaagay kan bugta ah ee jabhadda SNM ma ahaynee wuxuu ahaa kan Soomaaliweyn ee buluugga ah.

    Sidaas ajligeed, waa nasiibdarro weyn inaydin maalintaas Soomaaliyeed jabhadda SNM kunisbeysaan oo Isaaqana kukoobtaan. Kaaga daranee, Abwaankii weynaa ee Timacadde ayaa geeraarkiisii qaaliga ahaa ee ‘Kaan Siib, Kanna Saar’ waxaa kamid ahaa beydkan:

    “Kii soo saaray cadceeddow!
    Samada kii u ekaaye,
    Xiddigaa mid la siiyow!”

    Calankaasu kan Soomaaliyeed ayuu ahaa ee kan SNM xarxarriiqatay iyo wax u eg midna ma ahayn. British Somalilandtii la gumeystay Dhulbahante iyo Warsangeli kamatirsanayn, British Somaliland Protectorate oo kahorreysayna Saldanada Warsangeli ayaa lahayd oo katalinaysay.

    Hartiga iyo beelaha geyiga Puntland lamagacbaxay kulanool Ingiriis iyo Talyaani iyo Faraansiis midna ma isticmaarsanin ee dhiggooda ahaan ayay uladhaqmayeen maadaama ay ahaayeen saldanado iskood udhisan oo dawlado sugan ahaa.

    Haddaba, waa tuma Somalilandta ay SNM sheegato inay taariikhdan maanta ah xorowday, illayn labadaasu “British Somaliland” ayay ahaayeen oo “Somaliland” keliya looma aqoonee? Haddii ay tahay tii uu Ingiriisku idin ku gumeystay, maxaydin “British” uraacin waydeen oo ugareebteen? Bal carr noosheega!

    • Waxa foolxumo daada iyo inaad maangaban tahay cadaynaya waa marka hore cid aad rabto inay wax kula wadaagaan ayaad afxumayn, waa ta kale waxa aad soo daliishan hal abuurkoodii iyo waxii ay tiriyeen, yaa isku haya inuu ahaa calanka xiddigta cad lihii inuu ahaa kii Hargeysa laga taagay 26kii June 1960kii, waxa se hubaala in aanu maanta sudhnayn. Meel dawo u baahan baad dab ku sii shidi!!.
      Somali du horey u tidhi afxumo dagaalna wax kaagama tarto nabadna way kaa kaxaysaa.

  8. Geyiyada Soomaaliyeed markii ay gumeysteyaasha Yurubiyanku kalaqoqobteen, giddigood waxaa loogu magacdaray “Somaliland” – British/Italian/French iwm.

    Marka aydin “Somaliland” leedihiin, labadii “British”-ka ahaa miyaa? Ma tii “Italian”-ka ahayd baa? Mise waa tii “French”-ka ahayd? Intaba ma ahee waa middii ay SNM 1991 iska malmalluuqatay ee aan geyigaas matalin oo shuqulna kulahayn, ahna sababta aan “British”, “Italian”, mise “French” midna loogahormarinin.

    Magacan “Somaliland” ee keligii utaagan waa mid cillanaadan amase ah erey saleedan ee aan keli ahaantii wax macne ah sameynaynin. Fadaljeerka Soomaaliyeedna waxba kumalaha.

  9. Waryaaya, war golahani waa gole aynu marna kufadhidirirno, marna aynu ku dagaal-maskaxeynno. Neceyb iyo naxli toona ina madhexyaallaan xaasha!

    Anigu qaddiyadda keliya ee ii daran waa Qaran Soomaaliyeed oo mid ah ee aynu nacabka iskaga dugsanno, mandiqaddeenna kubedbaadsanno, kheyraadkeenna ku ilaashanno, jiritaankeenna kuxafidanno, oo jiilasheena dambena sii dhaxalsiinno.

    Ciddii iyo wixii intaas iskagakeen gudubta anigu col daahii go’ay ayaynu nahay – walaa jabhad, walaa cidkale. Gumeysi iyo heeryadiina la ima maqashiiyo sidaydaba. Belo kale majidho.

    • Shalay waxaan aragnay mashruuca dekeda Barbara berritana waxaan arki doonnaa mashaariic kale. Waar xishooda oo runta sheeg

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*