NISA oo Muqdisho ku xiratay mas’uul katirsan dowlad goboleedyada dalka & farriin uu soo diray.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo ugu magacaawnaa Dowladda Soomaaliya Cismaan Nuux Xaaji Macalimow ayaa sheegay in isaga iyo mas’uuliyiin kale ay dhibaato kala kulmayaan Hayadda NISA, wuxuuna xusay in Amniga dalka aan sirasmi ah loogu wareejin Ra’iisul Wasaare Rooble, isla markaana dhibaato xoogan oo hayada NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo

“ Waxaa nasiib daro ah anigoo ah masuul heer jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay dowladda, kusoo dhaweeyay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay haykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaankaygii, caruurtaydii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan  ogahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan madaxda hayada NISA ayuu yiri”

Hoos Ka Akhriso Farriinta Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji Macalimow.

FARIIN KU SOCOTO XAFIISKA RW ROOBLE

Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan gaar ahaan shacabka Jubaland waxaan u rajaynayaa guul barwaaqo, nabad midnimo iyo dooraaho xor ah.

Waxaan ka tacsiyaynayaa dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan shacabka Gedo iyo Soomaalida ku sugan Nayroobi oo ay u dambaysay dilal qorshaysan iyo qafaalashada dad shacab u badan, kenya ha ogaato in Soomaali tashan doonto oo iska caabin doonto gardaradooda haddii aysan joojin. Looma dulqaadan karo xasuuqooda, aduunkiina waa ka aamusay.

Dalku wuxuu galay jawi doorasho, waxaana Madaxwayne Farmaajo uu masuuliyadii nabadgalyada iyo doorashada gacanta u galiyay Raysalwasaare Rooble, balse waxaa muuqata in taasi ay beenowday oo amni la wareejiyay aysan jirin. Sababtoo ah waxaa jira dhibaato xoogan oo hayada NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo, sida Xildhibaanada, Saraakiisha, Wariyaasha, Odoyaasha dhaqanka iyo cid kasta oo rabta inay ka dhoofto garoonka aadan cade oo u socota gobolka gedo.

BAAQ = RW ROOBLE waxaan ugu baaqayaa in uu guddi baara u saaro dhibaatada garoonka Aadan Cade ay ka wado hayada NISA ee lagu dhibaataynayo waxgaradka iyo siyaasiyiinta jubaland ee gobolka Gedo kasoo jeeda.

Sidee garbahaaray doorasho uga dhici kartaa iyadoo aan laga dhoofi karin garoonka aadan cade ? Yaa masuul ka ah amniga dalka ? Gedo soo dalka la wareejiyay amnigiisa kama mid ahan ? Ma Raysalwasaare Rooble baa amniga dalka masuul ka ah ? Mise Cabdulahi Kulane ?

Jawaab baan ka rabaa xafiiska pm Rooble. Waxaana bixin doonaa waraysiyo dheeraad ah iyo macluumaad dherraad ah oo aan saxaafada la wadaagi doono maalmaha soo socda insha allah.

4 Comments

  1. War ninkaan lacag ayuu dhunsaday odayaal ayaa loo diray lacagtiina Nagayle ayuu hotel uga dhistay beer ay ku lahaayeen Dheeka oo gobolka Liibaan oo ay qosykiisa ka imaadeen 1982 ayuu cagafyo ugu iibiyay lacagta keen meeshaad doonto aad ayaa heshiisku ahaa.Wuxuu u fakaray waa kala guurkiiye Dolow ka gudub ankee xaaskiisii Nagayle ayay u guurtay.

  2. Gaafow dhibka Somalida haystaa ayaa ah qofka haday u marto waa Okay,haddiise line kaa qarxo so sax ma ahan in aad indho adayg la soo bixin.
    Over 1.5 million ayay dadka qaar sheegayaan.Odayaashiisii waxaa lagu yiri half ga iska soo celiyo.Isagoo diyaar u ah ayaa la yiri war waad waalan tahay kala guur ayaa lagu jiraa ee ka noqo walaahi ninkaas lacag buu diyaariyay inuu celiyo.
    Somali umad wada waalan dheh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*