Somaliland oo Puntland ugu hankabtey inay tallaabo qaadayso.

Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa war kasoo saartay warkii dhawaan kasoo baxay maamulka Puntland ee ky aadana in imtixaanka Somaliland laga mamnuuco gobolka Sanaag, Somaliland ayaana ku tilmaamtay mid xagjirnimo ah hadalka kasoo yeeray Puntland ayna tahay waxa laga xumaado.

Warka kasoo baxay Somaliland ayaa siddaan u qornaa:

Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Somaliland waxay u xilsaarantahay in bulshada aqoontooda iyo garaadkooda la kobciyo si horumar waara loo gaadho. 25kii sanadood ee u danbeeyey imitxaanaadka shahaadiga ah waxaa si habsami ah looga qaadayey dhamaan ardayda wax ku barata gobolada iyo degmooyinka dalka.

Waxaan baraha bulshada ku aragnay warqada sumadeedu tahay W/W/W/TS/211/2021, kana soo baxday maamul goboleedka Puntland ee dalka aanu jaarka nahay ee Soomaaliya, nuxurkeeduna yahay khalkhal galinta goobaha Imtixaanaadka shahaadiga ah ee qaybo ka tirsan dalka JSL.

Wasaarada Waxbarashada JSL waxay u aragtaa qoraalkaas hadal xagjirnimo ah oo aan sharciyad ku dhisneyn, oo habayaratee aan wax saameyn ah ku yeelan karin howlaha qaadista Imtixanaadka shahaadiga ah ee ardayda JSL.

Waxaanu maamulka Gobolka Badhan la socodsiinaynaa inay indho dhow iyo feejignaan u yeeshaan hadalkaa xagjirnimada ah, si aan waalidiinta iyo ardayda loo gelin dareen aan jirin.

Ugu danbayn Wasaaradda Waxbarashada JSL waxay uga digaysaa cidkastoo isku dayda ama ku fikirta khalkhal gelinta habsami u socodka imtixaanaadka qaranka.

11 Comments

  1. Hee sheego lees waaye taas pland canabooro maha. TiVi aas ka argay pland koronofirus wax Baroosa. Afirka numero uno aas galey. Abaaba!
    pland hada saxibkey aas yahay madexweyn barekeesan as xishmeeyey

  2. Suuliland sow tii kal hore saqiirtay oo uu Muuse haahil qafulay, Sanaag oo dhan gacanta Puntland ayay ku jidhaa ceerigaabo xutaa indirect ayay Puntland uga mid noqotay. Sool waxaa socda wadahal ini Canbaashe iyo Puntland ayadana maalmaha soo socda ayaad arki doontaan InshAllah suuliland way ka hayaami doonaan dhulka Hartiga Burco iyo Hargaysa ha iimaansadeen hadii kale lafo badan waa lasoo fagi doonaa. Suuliland marna inay catow iyo calaacal iyo lafo waa hore bakhtiyay soo qufaan oo yiraahdaan waa nala waxeeyay waa nala kufsaday marna ay hanjabaad diraan isma qabato waxaanse is leeyahay murqaanka ayaa ka keenay.

  3. BAL IBNU ZINAHAAN WATA MAGACA MUBARAIK EEGA QORAALKIISA.
    WAAD U JEEDAA IN XAARAAN IYO MARFASH LAGU DHALAY.
    SOMALIDA KA DHEX BAX DHIIQAYAHAY.
    DADKA HA NIJAASEYN.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*