XOG-Madaxweyne Deni oo isbedel ku sameeyey warbaahinta dowladda iyo cidda loo dhiibey

Puntlandtimes (Garoowe)-Madaxweynaha dowladda Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wada qorshe uu wax kaga qabanayo dhibaatada kajirta xarunta warbaahinta dowladda Puntland oo muddooyinkii ugu dambeeyey cabashadeedu cirka isku sii shareeraysay.

Madaxweyne Deni oo dhowaan warbixin ka dhegaystay guddi uu u xil saaray ka soo talo bixinta dibu habaynta warbaahinta dowladda ayaa waxa uu qaadayaa tallaabooyin la xiriira talooyinkii guddiga iyo mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland.

Xog ay heshay Puntlandtimes ayaa sheegaysa in madaxweynuhu uu go’aamiyey in dhammaan warbaahinta dowladda si rasmi ah loo hoos geeyo wasaaradda warfaafinta ee dowladda Puntland iyo mas’uuliyiinteeda.

Warbaahinta dowladda ayaa waxaa shaqadeeda loo xil saari doonaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta si loo dardargeliyo shaqada xafiiska ka socota oo madaxweynuhu sheegay inay tahay mid aan ku habboonayn.

4 Comments

  1. Warkan faarax Geylaan waa markii labaad ee soo qoro ilaa shalay, weliba waa FABRICATION waayo wareegto weli lagu sheegay ma jirto.
    Kooxdii Farmaajo baa Mr. Geylaan si xun ugu adeeganaysa.
    Ilaahow soo hanuuni.

  2. Dawlaha wanaagsan ee hore u maray dimoqaraadiyada ku dhaqmaa maba laha Wasiir warfaafin , wasaarad warfaafin oo hadal uun ka shaqaysa waa wax ka soo horjeeda dawlad wanaaga waa meel lacag ama miisaaniyada dawlada lagu cuno borobogaandho uun ka shaqaysa, dawlahaasu waxay lee yihiin Afhayeenka xukuumada oo kali ah. wasaarada hadalka ii been faafinta waxaa samaysta dawladaha shuuciga iyo kali talisnimada ku dhaqma.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*