Wasiiradda D/gobaleedyada ee jooga Gobalka Gedo, Maxay ka shaqeynayaan Dibu heshiisiin, Mise??

Arbacadii ay bishan
Luulyo ahayd 14 ayaa waxaa degmada Garbaharrey ee Caasimadda u ah Gobolka Gedo waxaa soo gaarey afar wasiir dawlad goboleed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawlad-goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, xubnana ay ka yihiin dhiggiisa Puntland Maxamed Dhabancad, Wasiirka Qorshaynta Koofur Galbeed Axmed Nuunnow iyo Wasiirka Duulista Hawada ee Galmudug Aadan Qoryooley.

Wasiirradan oo uu 29 Juun magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo laftiiso toddobaadkii tegay socdaal shaqo isla degmada Garbaharrey ku maray ayaa waxaa soo dhaweeyey maamulka Villa Soomaaliya taabacsan ee ku sugan degmada Garbaharrey iyo Siyaasiyiinta ku bahoobay Golaha la magac baxay Golaha Raadinta Jubaland Loo Dhan Yahay oo dabayaaqada sanadkii tegay looga dhawaaqay isla degmada Garbaharrey.

Sida aannu ka helayno saxafiyiin madax bannaan oo la socdaalaya weftiga iyo ilo-wareedyo goobta ku sii sugnaa, weftiga wasiirrada ah ayaa kulamo la tashi ah oo goos-goos ah la leh qaybaha kala duwan ee bulshada, maamulka hadda ka arrimiya degmada Garbaharrey iyo gobolka Gedo, odayaasha dhaqanka, iyo siyaasiyiinta heer qaran iyo heer dawlad goboleed ee degmadaa ku sugan.

Wararku waxay intaa ku darayaan in dadka degaanka deggan dhamaantood ay ka go’an tahay in ay xaqiijiyaan in ay doorasha 2021 ka dhacdo degmada Garbaharrey oo ka mid ah 11 ka goobood ee uu Heshiiskii 17-kii September u qoondeeyey in ay doorashada heer qaran ka dhici doono.

Maamulka Kismaayo ka arrimiya ee Jubaland, gaar ahaan madaxda u nasab sheegta Gobolka Gedo ayaa sida la sheegayo wada dedaallo ay khalkhal iyo walaac ku gelinayaan suuraggalnimada doorasho Garbaharrey ka dhacda.

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa la sheegayaa in ay weji gabax ugu muuqato in ay doorasho ka qabsoonto degmo ka mid ah Jubaland oo aan laga oggolayn maamulka uu madaxdiisa sare ka mid yahay. Sayid Aadan ayaa ku guuldarraystay abaabul lacagaysan oo uu beel hoosaaddiisa indhawaaleba ku abaabulayey in ay qalalaase ka tuuraan Degmada Garbaharrey oo ay ka mid yihiin beelaha wada deggan.

Si kastiba ha noqotee waxay u eg tahay in ay wasiirrada dawlad goboleedyadu laba maalin oo dambe ku soo gebaggebayn doonaan booqashadooda kuur-galka ah.

Ma cadda sida uu maamulka Axmed Madoobe u wajihi doono doorashada ku astaysan, aanay u badan tahay in ay ka qabsoomi doonto deegaan ay magac ahaan ka taliyaan, laakiin ay iska caddahay in ay adag tahay in uu amarkoodu ka socdo.

1 Comment

  1. WAR NINKII WASIIR DHABANCAD AHAA REER GARBAHAREY INAY IS FAHMEEN BAY U EGTAHAY. DADKA PUNTLAND IYO REER GEDO MALAHA WAXAA U KALA SHEEKEEYEY MD DENI/AHMED MADOOBE/ IYO FARMAAJO EE WAA WALAALO WAX DHIBA KAMA DHEXEEYO.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*