AKHRISO: M/weyne Lafta-gareen oo ku dhawaaqay liiska musharixiinta aqalka sare & senatoradii mucaaradka oo iska dhex waayey.

Puntlandtimes (Baydhabo)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo saaray liiska Tartamiyaasha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya.

Boosaska uu liiskooda soo saaray madaxweyne Lafta-gareen oo ah shan kursi ayaa waxa aku tartamaya 10 musharax iyadoo labo ka mid ah kuraastana ay yihiin kuwo ay ku tartamayaan haween.

Senator Ilyas Ali Hassan oo ka mid ah Madaxada sar sare ee Xisbiga Himilo Qaran iyo Senatar Hussein Sheikh Mohamud oo ahaa Xoghayaha Xisbiga UPD ayaa is ka dhax waayay Liiska Magacyada Maanta la soo gudbiyay ee u tartamaya Aqalka Sare .

2 Comments

  1. Kkkkk Dulmigii uu wadada u furay Axmed madoobe waa taa natiijadeeda.
    54-19=34 kkkk Puntland iyo Jubaland 19 hasoo xarxariiqdaan.Ilmo gardenia 34.
    Labaduba waa dulmi,dhibka ugu yar ee doorasho dadban,maamul goboleed wax laga weydiinayo MP Somali waa xoolo.

    • Maandhe Hanuuniye,
      Miyaad ku walacday Jubbaland iyo Puntland. Yaa ku soo qoray edeb darrada aad soo qortay?!!!!!

Comments are closed.