AKHRISO: Madaxweynaha maamulka Galmudug oo war cusub soo saaray.

Puntlandtimes (Galkacyo)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee cGalmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa war kasoo saaray natiijadii kama dambaysta ahayd ee imtixaanka shahaadiga ah oo ay shalay ku dhawaaqday wasaaradda waxbarashada xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa lagu soo dhoweeyey natiijada oo lagu sheegay in Ardayda degaanada Galmudug ay guul aad u weyn ka keeneen Imtixaanka, isagoo si gaar ahaan u bogaadiyay Seddexda arday ee kasoo muuqday kaalimaha 1-aad, 3-aad iyo 10-aad ee Guud ahaan ardaydii imtixaanka galay dalka oo dhan.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Galmudug Mudune Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa bogaadiyay 10-kii iskuul ee magacooda kasoo muuqday 30-ka iskuul ee Soomaaliya ugu wanaagsan imtixaanka sanadkaan.

“Waxaa sharaf ii ah inaan farxadda guusha la qeybsado dhammaan ardayda reer Galmudug ee ka gudbay imtixaankii Fasalka 12-aad ee sanadkan, gaar ahaan 3da arday ee kasoo muuqday kaalimaha 1-aad, 3-aad iyo 10-aad ee Guud ahaan ardaydii imtixaanka galay dalka oo dhan, Waxaan bogaadinayaa 10-kii iskuul ee magacooda kasoo muuqday 30-ka iskuul ee Soomaaliya ugu wanaagsan imtixaanka sanadkaan, Waxaa bogaadin iyo hambalyo udiraya guud ahaan shacabka reer Galmudug gaar ahaan bahda waxbarashada Galmudug iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Galmudug oo juhdi iyo dadaal ku bixiyay in la xakameeyo tirada ardayda iyo tayada dugsiyada sare” ayuu yiri Madaxweynayha Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*