AKRHISO-Shuruudaha laga doonayo musharixiinta xildhibaanada aqalka sare ee Somalia.

Puntlandtimes (Muqdisho)-Qoraal ka soo baxay guddiga hirgalinta doorashooyinka FEIT ee heer Federaal ayaa lagu soo bandhigay shuruudaha looga baahanyahay musharraxiinta donaayo in ay u tartamaan Baarlamaanka Aqalka sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyye in account-s gaar ah lagu bixin doono dhammaan khidmadaha laga qadaayo musharraxiinta seneterada dalka inay utartamaan doona.

Shuruudaha murashaxiinta laga doonayo waxaa ka mid ah;

 Inuu yahay muwaadin Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ah

In uu dhimirkiisu dhan yahay ama maskaxiyan caafimaad qabo

In uusan ka yaraan da’ahaan 25 sano jir In aanu xuquuqdiisa muwaadinimo maxkamad hakin shanti sano udambeysay

Inuusan ka tirsaneyn ama uusan wax xiriir ah la laheyn kooxaha argagaxisada ah sida shuruudaha lagu muujiyey

Inuu leeyahay aqoon dugsi sare ugu yaraan ama uu heysto waaya aranimo wax udhigma

Inuu heysto warqada dembi la’aanta ah CID-da heer maamul gobolleed ama mid federaalka ah.

3 Comments

  1. Cajiib! Shuruudaha kuma jirto diinta uu haysto. Sidaa darteed, sida muuqato xilkani waay u tartami karaan Gaal iyo Muslim, ama laga roone yaasha rag iyo dumarba leh ee uu asalkoodu Soomaali yahay!!
    Alloow ur u bixi!
    Waan idin salaamay.

  2. Shuruudaha laga doonayo musharaxa ee runta ah:

    1-Waa inuu taageersan yahay isku darka Somalia, Itoobiya iyo Ereteria
    2- Waa inuu u yaqaano Somali galbeed dal iyo dad Itoobiya leedahay
    3- Somaliland inuu u yaqaano dad iyo dal cadow ah
    4- Waa inuu yahay laaluush qaate, mooshin quute
    5- Qabiilkisa waa inuu ka adag yahay sida Wasiir Khadiija
    6- Waa inuu ka soo horjeedo demoqraadiyad, taagerona dictatorship
    7- Puntland iyo Jubbalanad waa inuu neceb yahay, una yaqaan Kismanyo dhul Sade oo la haysto.

  3. Wax xun kama muuqdaan, waa xulid reereed e waa inuu wax akhriyi karo reeruhuna hays maquunshaan sidaasay Somali du weligeydba ahayd. Gaaladii isu du’dayna waxii ay uga tageen way reereeyeen lagu na kale tegey marka way adagtay in waxa ay rabaan la hello!!.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*