Axmed Karaash oo ku baaqay in laga feejignaado weeraro Alshabaab geystaan maalmaha ciidda.

Puntlandtimes (Garoowe)-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa munaasabadda Ciida Carafo ugu hambalyeeyay Shacabka Puntland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash, madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa Alle uga baryey dhammaan umadda Soomaaliyeed inuu sanadka sanadkiisa kale ku gaarsiiyo nabadgelyo, horumar iyo barwaaqo qalbiyadoodana isufuro.

Dhanka kalena, madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ugu baaqay shacabka Puntland inay feejignaan dheeri ah oo dhanka ammaanka ah muujiyaan maalmaha ciidul Carafa oo berri ka bilaaban doona.

Karaash wuxuu sheegay in Puntland dagaal xooggan kula jirto malayshiyaadka Alshabaab isla markaana loo baahan yahay inaan dagaalka lagu iloobin damaashaadka ciidda shacab iyo dowladna feejignaan dheeri ah la muujiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*