DAAWO-Muxuu maanta madaxweynaha Puntland kala kulmay imaanshihiisa Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, safar ugu maqna dalka dibadiisa ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay Garoowe.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaarada ee Garoowe kusoo dhoweeyay, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan , Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal , Kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa intaas kadib loo soo gelbiyey aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe inkastoo uusan faahfaahin dheeraad ah ka bixin socdaalkiisii dibadda iyo qaabka maanta Garoowe loogu soo dhoweeyey.

6 Comments

  1. waa dadaalaysa dhulkii nabad ayaa ka dhigtay lakiin waxaa dhibtu ka jirta shilinkii hadaad rabtiid inaad tijaarta ka guulaystii dowladu rashinga qutu daruuriga ha keento beero same askataan fraha badan ku shaqee qaar kalumeys utababar qaar utababar beera si loo tacbo qaar sida digaaga looga shqeeyo markii dagal yimaado qorigooda hala soo boodeen

  2. Madaxweyene siisocodkiisa iyo soosocdkiisa dariiqyada loosafto oo loosacabbiyo ama heeso lagu amaano waa shuqul Afrikaan iyo dhaqan dibjirnimo ah ee uu casrigiisii waahore idlaaday; waayadan cusub waxaas oo kale waa wax lagawiswiso ee aan habboonayn.

    Madaxweyne Puntlander ah oo inta Puntland xaqeeda ay miisaaniyadda Soomaaliya kuleedahay Xamar ugasoodhiciyay oo dhallaankeenna ay meherad-la’aantu mukhaadaraadka iyo balwadda xun badday kumaalgeliyay oo xayaatadooda kuwacneeyay ayaa calal-aqal mudnaan lahaa in amaantiisa lahadalhayo.

    Safarrada farahabatay ee madaxweynuhu waa inay isbeddel dhaqaale oo lataaban karo degelka kusookordhiyanayaan oo qorshe maalgeshineed iyo mid waxsoosaar oo la dareemi karana dhulka kahirgelinayaan. Puntland jiilkeeda dambe aayabeel ba’an ayaa soowaajahay, welina ma aragno xukuumad iyo madaxweyne kadhiidhiyaya oo waxqabad kamuujinaya.

    Villa Garoowe ma waxaa loodhisay inay shacabka Puntland mustaqbalka uwacneyso mise inay Villa Muqdisho waqtigeeda qaaliga ah kulumiso?

  3. puntland/ ” waxaan ahay nin gob ahoo guni rifaysaaye!
    –=====—===============
    I am very proud of puntland em and I am proud that it is connected that as a country it is

  4. Madaxweyne mise Ra’iisal Wasaare waa aabbe oo kale; markasta oo uu suuqa aado, waa inuu bac yar carruurta iyo xaaska wax ugusidaa oo reerka wax kusookordhiyaa.

    Bal kawarrama carruur aabbahood oo suuqa kasoonoqday marwalba oo ay bidhaantiisa arkaan “aabbo, yooyah!” kusoodhoweynaya aan haddana xabbad nacnac ah sacabka loosaraynin; madaxweyneyaasheennu aabbaha noocaas ah ayay shabbahaan oo iyaga oo faramaran ayay Puntland kusoolaabtaan.

    Aabbaha caynkaas ah, aakhirka dambe waa laga niyadjabayaa oo lagaxiisadhacayaa!

  5. musibada sacbtunka waxaa lagabartay kacaankii lakiin dowladi 60 dhalatay waxaas majirin waxaa lagu dhaqmaayay nidam demogaratic xataa waa laishortaagii jiray madaxweenuhu haduu damco inuu aado meel shacbigu rali ka ahayn Adan cade shacbi ku yiraade No BOON NO BOON ma aadikartiid Boon (casimada jarmalka) waagaas thank awlal shacbkii baa barida ayeey uwayneeyeen markaasuu dadkii layaradeen kursgiina layaraaday

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*