DAAWO+XOG: Ardaygii Puntland kasoo jeeday ee lagu dilay Boorama, Xaggee ku dambeysay Dhacdadiisa?

BOORAMA(P-TIMES) – Todobaadkii u horeeyey bishan July, magaalada Boorama gar ahaana Afaafka hore ee jaamacadda Camuud ayaa lagu dilay Marxuum Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim oo ahaa Arday dhiganayay jaamacaddaas, waxaana dilkaas fuliyey Askari katirsanaa ciidanka Somaliland, gaar ahaana qeybta ilaalisa Jaamacadda, si weyn ayaa dhacdadan ay saameyn ugu yeelatay dhinacyo kala duwan oo ay u horeeyaan qoyska Ibraahin oo ay soo gaartay geeri xanuun badan.

Maamulka gobalka Awdal & Maamulka Jaamacadda Camuud waxay daqiiqadihii u horeeyey ee dhacdada isku raaceen in askari uu dilkan u geystay si aan kas aheyn, waxay kaloo is xijiyeen Marxuumka geeriyooday & Askari dilka geystay, oo ay heybta ama deegaanka wadaajiyeen, taas oo ay dad badani sheegayaan in laga maarmi karay isku xirka dhacdadan oo ay hoos u dhigta maqaamka filashada jawaabtii laga sugayay dhinacyadan.

Waxaan ogaanay in uu jiray wada hadal dhexmaray Somaliland, Qoyska askariga falka geystay, Jaamacadda Camuud & Qoyska Ibraahim,  taas oo looga hadlay sida ay muhiim u tahay in Cadaaladda lamariyo Askariga dhibka geystay, waxaana ay Somaliland xooga saartay in nidaamka cadaaladda loomarayo uu noqdo mid ay iyagu garwadeen ka yihiin, gaar ahaana maxkamaddaha ciidamada.

HALKAAN KA DAAWO FAAHFAAHINTA

Laakiin ehelka Marxuumka ayaa diiday talaabo kasta oo garab-marsan hanaan aan aheyn Shareecada Islaamka iyo kii Askarigu katirsanaa, waxayna sheegeen in ay ku qanacsan yihiin oo kaliya in Shareecada islaamka lamariyo geystaha dilka oo isba qiraal u ah in uu fuliyey dilkan.

Cabdirashiid Ibraahim Haaji Siciid oo ahaa masuulkii qoyska Marxuum Ibraahim ku matalayay wada hadalkan oo aan la xariiray ayaa ii sharaxay cadaaladda ay doonayaan nooca ay tahay & Filashadooda.

7 Comments

  1. Mubarak walal fahan kaa kugu yar mise waxad Ka soojeda Somaliland
    Waxaa mesha kuqoran waxa weye case kii wiilkee xaguuu kudanbeye micnaha kadanbeeyo waa wiilka Wuxuu kasoo jeeda Puntland Marka kiiskiisa waa in ay dowlada wax kaqabato .

  2. Jaamac khuuriye.
    mid aan kuu sheego. Ardayga dhintay waa Somalilander Askariga xabada kaga dhacdayna waa somalilander, dawlada Somaliland ayaa gacanta ku haysa arinkaa Askariga oo ah maxkamad suge. Aradayga eheladiisuna dawladaa ayay wax ku lee yihiin. meesha dhabayco waxba ugama banaana. waan aqaan dhaqankooda qabyaalad xun oo aany cidna waxba ugu tarin karayn ayay la meeraysataa Pinti- girl. bal is waydii maxaad ka qaban kartaa adigu ? yaa majeerteenay.. waxba dheh.

    • Mubaarak Khaniis Khaniis dhalay oo futada caqliga laga geliyay. Waxaas guddaafadda ah ayaa magaca soomaaliyeed iyo islaam kula sheeganaya. Ka dhexbax dadka soomaaliyeed mujrimyohow mujrimku dhalay waxba ummadda kusoo kordhinmaysid adiga iyo SIILANDKA aad sheegaysaaye

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*