Dab xooggan oo saaka ka kacay magaalada Garoowe.

Puntlandtimes (Garoowe)-Faahdaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dab xooggan oo saaka barqanimadii saaka ka kacay mid kamid ah wershedaha ganacsiga magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Dabkaan ayaa waxaa uu ka kacay  Shirkadda Isbuunyada Tabaarak, waxaana ku gubanaysa hanti badan oo Shirkadda laheyd oo ku jira gudaha.

Kooxaha gurmadka deg deg ah iyo gawaarida dabdamiska re Garoowe ayaa goobta gaaray, waxaana ay ku howlan yihiin sidii ay u damin lahaayeen dabka.

3 Comments

  1. Aduunka oo dhan, warshadaha meel gooniyaa laga dhisaa, maxaa magaalada dhex geliyey warshadda isbuunyada? waana warshadaha dadku cudurada sida kansarka ka qaado, hade hadii meesha maamul ka jiro waa in wax laga qabtaa, warshadaha yar yar ha u qaadanina in aaney waxyeelo laheyn, arrinkaas dadka ay khuseysaa wax haka qabtaan.

  2. Shicib ismaamulaya waa caruur ismaamulaysa oo kale.. Kala daranoo kii maamuli lahaa ee magac (wasir) dawladeed watay ayaaba waxna dhaamin shicibka ismaamulaya oo isagaaba u baahan in la maamulo.

Comments are closed.