DEG DEG+AKHRISO: Jadwalka Doorashada Soomaaliya oo lashaaciyey, Xiliyada Doorashooyinka

MUQDISHO(P-TIMES) – Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaciyey Jadwalka rasmiga ah ee doorashada Soomaaliya, ka dib 11 bilood oo ay jireen murano hareeyey nooca doorashada & Fulinteedaba, waxaana hadda la sugayaa in Madaxweynayaasha dawlad gobaleedyadu dadajiyaan magacaabida xubnaha Aqalka Sare.

Jadwalka Guddiga, waxaa lagu calaamadiyey maalmaha ay dhici doonaan dhammaan Shaqooyinka Doorashada ee laga sugayo guddigan oo ay wehliyan xubnaha Guddiyada Heer Dawlad gobaleed.

 

4 Comments

  1. Haddee jadwalku ha inoo danbeeye e, walaalkay, MADAXWEYNE Saciid-Deni luuqii maka soo baxay?

    Taa marka laga yimaaddo, waxa aan ku baaqayaa in beesha FIQI-SHINI la siiyo xubinta ay ku leeyihiin aqalka sare. Wax la aqbali karo maaha in beesha Isaaq ay wax walba isku darsato iyaga oo aan DAACAD ka ahayn xasillooni ka dhacda koonfurta Soomaaliya.

    Waxa ay horay u dhaceen Dirtii koonfureed, oo ay si xishood la aan ah uga qaadeen dhammaan wixii jago ahaa. Sida guddoomiyaha maxkamadda sare, kan aqalka sare, kan bangiga dhexe iyo ra’iisal wasaare ku xigeenkii. Reer Fiqi-Shinni iyaga ayaa uga lexajeclo badan koonfur ee kursigooda hallooga soo celiyo nimanka soo shaqo tagay.

    Waxa aan malqayey Xaliimo-yareey oo lahayd, “ina Qaalib waxa uu iska dhiibay Hargaysa, markaas buu haddana wiilkiisa Xamar u soo diray!” Aad bay gabadhaasu u xanaaqsanayd. Waxa aan Xaliimo Ibraahim u sheegahayaa in aan ku taageersanahay aniga oo ah MADAXWEYNAHA mandaqadda SSC. Adiga oo LAANDHEERE ah haddii IIDOOR futaxumi uu Muqdisha kugu boobo, dee Hawiye danbe ha sheegan.

    Haddee wax aan ku siiyana mahayo oo Daraawiishta ayaamahanba foodh-bal baa lagu cayaarayey. Waa halkii uu astaadkii ka yidhi, “Allahayoow nin goba baan ahay oo guni rifaysaa.”

    Gunaanadkii, wax kale aan garan maayo e, waa soo dhoweynahayaa jadwalka isku aadka kooxaha. Walaalkay Saciidna waxa aan ka codsan lahaay in uu luuqa ka soo baxo. Xaliimo Ibraahim iyo beesheedana waa in la siiyaa xubintooRa aqalka sare. Haddaan gafayna halla iga raalli ahaadho.

  2. @@Hilaac- aflagaaddo iyo xasidnimaa kaa burqanaysa. Marka hore anagu waxba uma aragno waxa Xamar yaalla. Reer Fiqishinina goormay Dir noqdeen illeen reer Xamarku 4.5 bay wax ku qaybsadeene? Mida kale gebigooduba hal tuulay degaane maxay wax ku raadinayaan? Ma Hawiyey leeyihiin kuraasta Isaaq noo booba? Weligayba Fiqishini waxa aannu u naqaanay Ajuuraan, maba garanayo goorta ay Hawiye noqdeen. Hadaadse wax la jeclaatay waa reer Soole siiya kursi.

  3. Muddadii aan duulinayay talada ah inay Soomaalidu hannaan sooyaalkeeda iyo habdhaqamkeeda u gaarka ah laga unkay oo kusaleysan yeelaalato, dad badan baa igu layaabbanaa maadaama ay iyagu aalaaba waxa ay reer Galbeedku jideeyaan iska caadeystay oo uhaysta xadaaradda iyo ilbaxnimada kamadambeysta ah.

    Runtuse waxay tahay inay dadyowga kale ee dunida kudhaqan hannaanyadooda iyagu kasoo fikireen oo hindisteen, sida dhaqamadooda iyo sooyaalkooda waafaqsan oo katarjumayana uhabeysteen iyaga oo aan cid kale wax kasoo amaahanin amase taqlidiin. Laakiin dadka ayaa ukalaqaybsan qaar gumeysi maskaxeed kusugan sida muslimiinta badankooda, iyo qaar inay dadka ugu fiicanyihiin isuhaysta oo waxooda iyagu soo hindista sida reer Galbeedka.

    Mar haddiiba lagu adkeystay in hannaan qalaad lagu dhaqmo, sida saxsan xataa Soomaalidu uma aysan qaadan ee sida dabeecaddeeda qallafsan waafaqsan ayay uggurricisatay. Sida caadiga ah, xildhibaanku seejo ayuu matalaa ee hayb ma matalo. Matalaadda xildhibaannimo waa mid juqraafi salka kuhaysa oo goob degaan oo seejo looyaqaanno uqaabilsan – ama xaafad ballaaran mise dhowr xaafadood oo iskudhaf ah: dad issirkood, haybtood, midabkood, diintood iwm shuqulba kumaleh.

    Seejo kasta dadka kunool ayuu xildhibaanku xilku kasaaranyahay oo wada matalayaa sidiisaba. Haddaba, Soomaalidan wareersan ee lasootaagan in beel hebla kasta jago xildhibaan looqoondeeyo, xildhibaannimada iyo matalaaddeeda macnaha ay kufadhiyaan oo kushaqeeyaan ayay sixun uga arradantahay xaqiiqatan. Wayna iskulasii qummantahay kaagadaranka.

  4. Markii aan carruurta ahayn waxaan isku xujeyn jirnay erayo carrab-jalqin oo marka qofku ku celceliyo si boobsiis ah uu ku marganayo. Waxaa ka mid ahaa: taallo Fiqi Shirwac shalaa Fiqi Shinni degay. Fiqi Shinniga sidaas ayaan u maqlay, waxaan u maleyn jirey nin dadkii hore ka mid ahaa.

    Wixii ka horreeyey 1991, wadaaddadaas waxaa la oran jirey waa Hawiye laakiin qolo gaar ah laguma tirin jirin; wax kasta waxay la qabeen dadka Sool iyo Cayn ee ay ka ab ka ab is-dhaleen oo wada degganaayeen. Waa Soomaali iyo jirjirroolenimadeediiye, 1991 ayey hal mar lasoo baxeen inay Habargidir yihii oo weliba –illeen waa dad isqorayee — ay ku darsadeen mintidnimo iyo Hawiyenimo carcar qabta.

    Doorashadii ugu dambeysay ee Somaliland ayaa mid iyaga ka mid ah uu kusoo baxay kursi dadka Dhulbahante qaaddaceen oo uu cidla’ ka qaatay, markaasaa Xamar oo dhan mashxaradday,’Nin Hawiye ah aa kusoo baxay Baarlamaanka Somaliland ee Sool’.

    Arrinkaas labo waxyaalood uga dan lahaayeen: koow, inay dadka ka dhaadhiciyaan inuu jiro dad Hawiye ah oo deggan oo wax ka ah Sool. Macal asaf! Tan labaad, xaamaasad iyo caadifad ay u hayaan goonigoosiga Somaliland, taas oo ay kaga duwan yihiin Hartiga reer SSC. Irirism aan la hubin inay dhiig la wadaagaan ayey isku makmakaynayaan.

    Aqalka sare wuxuu ku salaysan yahay dowlad goboleed ee kuma salaysna 4.5, sidaa awgeed, haddii ay taageersan yihiin midnimada Soomaaliyeed — waxay ahayd inay saamiga ay doonayaan ku doodaan markii qoondadii SSC lagu qaybsanayey Garowe. Goormaa qoondada SSC ee Aqalka Sare lagu qaybsaday Burco amase Hargeysa? Waa maxay waxa ay weyddiisanayaan Somaliland? Taasi waxay mar kale muujinaysaa inay SSC u aqoonsan yihiin inay ka mid yihiin Somaliland oo ay goonigoosadka taageersan yihiin.

    Waan daawaday shirka ay Xamar ku qabteen ee ay ugu boolaxooflaynayeen guddoomye Cabdi Xaashi. Dadkii meesha fadhiyey amase ka hadlay, badankood waxay u lahjad iyo muuqaal ekaayeen reer Guriceel.

    Ugu dambeyn, wadaaddadaas reer Guriceel iyo reer Hargeysa midna meel gaarsiinmayee, armay cagta dhigaan. Nin aan kuu furi doonin yaanu kuu rarin.

    @@@HILLAAC
    Maanta ayaad si fiican isu caddeysay. Maalinkii ugu horreeysay ayaan kuu sheegay in haddiiba aad asal ahaan kasoo jeeddo Sool iyo Cayn aad qolodaas tahay ee aadan Dhulbahante ahayn. Colaadda aad Puntland u hayso inay cirqi fog ku salaysan tahay way muuqataa, maxayse colaadda wadaad magan ah ka qaadi kartaa Puntland?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*