Ganacsato reer Puntland oo sheegay in hantidoodii looga dhacay Somaliland ayaa farriin u diray M/weyn Muse Bixi.

Puntlandtimes (Boosaaso)-Qaar kamid ah ganacsatada reer Puntland ayaa cabasho xoogan ka muujiyey ganacsato iyo shirkado laga lee yahay deegaamada Somaliland oo ay sheegeen inay ka dheceen dhaqaalihii ka soo geli lahaa badeeco ay ka iibsadeen.

Ganacsatadaan oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Boosaaso ayaa sheegay in maamulka shirkadda Asal Meydi ee laga lee yahay Somaliland ay kaga maqan tahay lacag tiro badan oo muddo sanad ah ay badeecooyin kaga iibsanayeen.

Waxa ay shegeen inay wafti u dirsadeen deegaamada Somaliland haseyeeshee mulkiilaha iyo maamulka shirkaddaasi ay ka dhuunteen isla markaana diideen inay yimaadaan miiska wada hadalka si labada dhinac uga wada hadlaan cabashada ay qabaan.

Ugu dambayntiina ganacsatada ayaa waxa ay farriin u dirsadeen madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi oo ay ka codsadeen inuu sharciga horkeeno ragga ay xuquuqdu kaga maqan tahay ee ku sugan deegaamada Somaliland.

6 Comments

  1. Arinkaas haduu jiro waa in la xaliyo xuquuqda iyo xaqa dadkana lala dhuuman waana khalad.
    Dowlada Barakaysan ee somaliland iyo odeyaashuba waa inay arintaa xaliyaan.
    Somaliland caado iyo dhaqan uma laha bililiqo iyo dhaca dadka cidwalba oo yihiinba markaa waa in dadkaa cabanaya ee somalida ah xaqooda iyo waxa maqan loo dhameeya sifo sharci ah hubsiimana ay ku jirto.

  2. Qof waliba waa oyahay inaan ISAAQ qofna Ku xadgubdin xaqiisana dhacsan…ee malaga yabaaa in ninkaan xoolahiisu xaraan ahayeen xataa inyar oo ka mid ah.

    Maxaaa yeelaay xooleee xaaraaan ah meelnaba ma gaadhi karaan.

    Wali maaan arag ISAAQ laga cabanaayo oo LA leeyahay hanti bay naga haystaaa!

    Waanaa waxaaan maantaaa Ku caano maalnay..THANG GOD!

  3. Nasiibwanaag, labada shacab ee Woqooyi Bari iyo Woqooyi Galbeed dhaqan soojireen ah ayaa kadhexeeya oo dhibaatooyinka noocan ah markiiba laguxalliyaa. Siyaasad uun baa lagu kala duwanaaday, walow ay bahashu qolodaas Woqooyi Galbeed sixun ula simbiririxootay oo ay godobbo aan lagafiirsan galeen.

    Sidii aan dhowr goor oo hore kadhawaajiyay, labadan geyi ee woqooyiga Soomaaliya sina uma kalamaarmi karaan oo qaab dabiici ah ayay siyaabo badan iskaga xiranyihiin – gaar ahaanna xag ganacsi, xag dhaqaale, xag bulsho, iyo xagga hiddaha iyo dhaqanka. Ehelnimo iyo xididnimo qotodheerna way wadaagaan.

    Haddii ay qoloda galbeedka xigta waaqiciga dhabta ah ee dalka iyo mandiqadda Geeska Afrika oggolaadaan, waxaysan kafursan doonin inay duudduub uliqaan taladii ay min waagii SSDF diiddanaayeen oo ah inaysan siyaasad ahaan meelna gaari doonin haddii aan heer WOQOOYINIMO bahasha lagasoo abbaarin oo la iskugu gacansaaranin.

    Waxaanan si dhab ah urumaysnahay in haddii hadda lafteeda ay labada woqooyi dhan keliya isulasaftaan ay Soomaaliya iyo qarannimada Soomaaliyeedba riyo dhabowday noqon lahayd oo weliba soo degdegi lahayd.

    Faa’iidooyinka lagadheefi lahaa waxaa kamid ah in sharciga iyo maxkamadeynta labada jaanib la islasimo ( ama xataa la mideeyo) oo qaabkaas xuquuqda labada shacab si caddaalad iyo sinnaan leh loogudhawro. Waxayna taasu toos uxakameyn lahayd dhacdooyinka dulmiga iyo damaca salka kuhaya ee ay kalaqaybsanaanta labadan geyi daalimiinta kusii dhiirrageliso.

  4. Ninka leh shirkadda Asli Maydi oo Ła yidhaahdo Barkhad Jibriil Hassan, waa shakhsi dhaqan celis oo ka yimid cariga Ingiriiska halkaas oo maxbuus ku ahaa muddo 7 sano ah isaga oo ahaa dadka ka baayac-mushtara Daroogada oo Somali badhan ugu xidhan tahay wadamada Europe. Barkhad waxaa Illaahay u qarxiyey ganacsi uu ka galay geeska Africa oo ahaa Mukhadaraad laga dhoofiyo Dekedaha geyiga oo loo dhoofsho Europe, halkaana waxa lagu dhex daraa Mukhaadaraadka container laga buuxiyey Beeyo, Beeyada ama Fooxa waxa ay dilatan urta qurmuun ee mukhadargadka iyo Xashiishadda, eeyda looga talo-galay inay uriyaan kamą soo dhex saari karto xashiishadda fooxa marka lagu dhex qarsho. Barkhad beeyada dan kale kama laha ee Xashiishadda buu ku dhex qaraiyaa. Beryahan waxaa iska taagay khadkii xashiishadda oo dadka dhoofshaa marba gobol cusub ayey u guuraan oo meel uun ma joogaan, West Africa, North Africa, Aisa, Madagascar, taasi waxay keentay in Barkhad ay iska taagto lacagtii daadka ahayd ee uu ku kala fasaxi jiray madax dawladda Somaliland ka tirsan iyo gangsters uu haysto. Barkhad ma jelca inuu wax dhaco waase la gashay meesha, qolodan reer Qardhoodka ah ee Karkaar ka yimid, sidee isaga aminen qof aanay aqoon u lahayn oo xataa hal warqad ka qaadan Beeyo chan 171 kun oo kilo oo u dhiganta $1700,000.

  5. Allow sahal amuuraha, Alle ayaa og sida wax u jiraan in la hubsaddo ayey tahay, midda kale ninku maxuu cidduu ka dhashay ama maamul ka uga dacwoon waayey Somali waa in is tagaane ee Camara da uga dacwooday ma i maqlaa illeen inuu hantiddiisa meelkasta u marro ayey tahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*