Jubbaland oo sheegtay inay qabatay hub uu Kismaayo soo gelin lahaa lataliyaha Farmajo.

Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyey in ciidanka ammaanka Kismaayo ay qabteen hub sharci darro ah oo ay magaalada soo gelin lahaayeen koox uu hoggaaminayey nin lagu magacaabo Cabdi Cali Raage.

Taliyaha ayaa sido kale sheegay in ay maanta ciidammadu ka warheleen in Cabdi Cali Raage uu kasoo kicitimay magaalada Muqdishu isaga oo isticmalaaya magac aan kiisa ahayn si uu u yimaado magaalada Kismaayo, kaddibna ay ciidammu amreen in uusan kaso degi Karin garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo, si loo ilaaliyo nabadgaliyada iyo bad qabka shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Jubbaland .

Cabdi Cali Raage oo ah lataliyaha Madaxweyne Farmajo ayaa maanta warbaahinta u sheegay in laga soo celiyay magaalada Kismaayo, waxaana uu sheegay in uu ahaa Musharax u taagan golaha Shacabka.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu magaalada Kismaayo ku sugan yahay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Kudane Maxamed Xuseen Rooble.

8 Comments

  1. @ Laascaano oo gadoodsan kadib xarigggii afhayeenka Daarood, iyo carruurtii calanka buluugga ah

    Sida laga layaabo in qaarkiin daawadeen, odayaashii iyo waxgaradkii Laascaano oo aan u kalaharin ayaa qabtay shir ay kaga hadleen isla markaana digniin culus jeediyeen kadib markii la xiray ninka abwaanka ah ee aftahanka ah ee ah afhayeenka beelaha Daarood, C/Kariim Cali Nuur iyo dhallinyaro aad u da’ yar oo iyagoo jooga Laascaanood lasoo baxay calanka Somalia ee xiddigta cad bartanka ku leh. Dhallinyaradaas waxaa loo dhaadhiciyey xabsiga sumcadda xun ee Mandheera oo Hargeysa ka xiga dhanka Jibuuti.

    Afhayeenka Daarood oo ah nin aftahan ah oo abwaan ah isla markaana haya taariikh iyo suugaan badan, wuxuu isu xilqaamay arrin aad muhiim u ah, uuna u qalmo. Isagoo aan cidna aflagaaddayn ayuu ka hadlaa arrimaha qowmiyadda Soomaaliyeed guud ahaan.

    Dhawaan ayuu isagoo Laascaano jooga wuxuu ka hadlay Somaliland iyo dareenka dadka SSC. Waxayaalihii uu yiri qaarkood oo aan qoray intii aan la xirin ayaan idiin soo gudbinayaa.

    Isagoo la hadlaya Faysal C. Waraabe, wuxuu yiri:
    “Waxaa jirtay taariikh aan dameeraha iyo baqlaha loo oggolayn Cayn iyo Nugaal, haddii ay yimaadaanna aan qayladooda la oggolayn. Ismaaciil Mire oo Iimey kasoo noqday oo faras Xamar-qaayib la yiraahdo wata ayaa arkay Cayn dameero iyo baqlo ka ciyayaan. Wuxuu arkay faraskiisii oo arrinkaas ka muraaladillaacsan, kadibna wuxuu yiri:

    Darmaanaha waraabaha digliyo, loo dayacay haadda
    Baqlahaa dinaahyeynaya Ee dacaydu laalaaddo
    Dameeraha la badhi-siinayo
    Iyo diifta Xamar-qaayib
    Daa’imow maxay noqon
    Adduun waa isdabajooge

    Wuxuu sheegay in gabar
    ay Ismaacii Mire ku eedaysay inuu beeshooda xasuuqay, kadibna Ismaaciil wuxuu gabay ku yiri:

    Ogaadeenka gaydhiyo
    Wixii geela laga qaaday
    Iiddoor cayuun godan
    Wixii galab la weydaarshay
    Shirshoorahakan gaankaa
    Wixii guuto lagu saaray
    Garcastii Majeerteen wixii
    Lagu guraabaasay
    Meydkii gebrane siirigay
    Goray ku tumanaysay
    Gerbigii la eegaba
    Laftaad galayax moodaysay
    Keligay ma geysane
    Adduun laysku gaalaase

    Mar kale wuxuu tiriyey gabay nin raggii hore ah uu Harti kaga hadlayo. Wuxuu yiri:

    Harti nimaan aqoon baa
    Ku dhaha hadalka qaarkiise
    Waa nimanka haybtoodu tahay, Haashimka sare e
    Waa nimanka doonyuhu
    Hindiya uga hiraabtaane
    Waa niman hadday rag is-hayaan, huriya baaruude
    Waa niman hunaash lama qabee, haybad-guursade e
    Waa niman hablaha ay qabaan halalacleeyaane

    Isagoo ka hadlaya qaddiyadda Somaliland, lana hadlaya Muuse Biixi, wuxuu yiri: “In Suurka Qiyaame la yeeriyo ayaa k kua dhow aqoonsi Somaliland hesho.”

    C/kariim Cali Nuur videogii ugu dambeeyey ee uu arrimahaas ugu hadlay ayaa loogu dawgalay; toddobaad ayuu ku jiraa xabsiga Laascaanood.

  2. @ Kulankii digniinta iyo shankaroorta xorriyadda ee Laascaanood

    Sida aan la soconno waxay ahayd markii taageereyaasha SNM qabsadeen Laascaanood dhawr iyo toban sano kahor iyagoo adeegsaday siyaasadda qaybi oo xukun, laaluush, iyo horgaleyaal la abtirsiimo ah dadka reer SSC. Waxay SNM si sahlan iyo sibiq ku gaartay guul ay muddo ku riyoonaysay oo ay gaariweyday beryihii hore ee ay ku dhawaaqday qaddiyadda riyada iyo dhalanteedka ku dhisan ee Somaliland.

    Ujeeddada SNM waxay ahayd inay gaarto xadkii 35-sano-jirka (1925-1960) ahaa ee ay jeexeen gumeysteyaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga kadib markii: la jebiyey halgankii Daraawiishta; loo masaafuriyey Suldaan Maxamuud Cali Shire jaziiradda Seychelles; madaafiic lagu garaacay xaruuntii boqor Cismaan ee Baargaal isla markaana boqorkii loo masaafuriyey Xamar; sidoo kale la qabtay Suldaan Cali Yuusf oo loo masaafuriyey Ereteriya.

    Intaa waxaa dheeraa in gadoodkii dadkii ku noolaa dhulkii Daraawiishta iyo saldanooyinka la cabburiyey iyadoo la adeegsanayo ciidamo Soomaaliyeed oo kasoo jeeda qabaa’ilkii waqooyiga ee Ingiriiska ayidsanaa iyo kuwii Talyaaniga la socday ee kasoo jeeday koonfurta Mudug ilaa Banaadir.

    Inkastoo gumeysteyaashu joogeen geyiga Somalia ilaa dabayaaqadii 1880s, haddana, uma suurtogalin in si rasmi ah loo calaamadiyo soohdintii la dhex dhigay dadka walaalaha ah ee ku nool gobollada SSC, Nugaal, Bari, iyo Mudug. Daraawiishta iyo madaxdii saldanooyinka iyo shacabkoodu waxay ka sinnaayeen oo diideen in soohdin la dhex dhigo, waxaase looga faa’iidaystay markii Daraawiishtii jabtay. Waxaa kale iyadana la calaamadeeyey isla xilligaas soohdinta u dhexeysa gobollada Jubbaland iyo NFD.

    Haddaba, soohdinta SNM ku doodaysaa waa mid sidaa iyo jajuubkaas ku timid oo dadka la dhex dhigay aanay weligood aqoonsan oo aqbalin isla markaana aqbali doonin. Sida uu yiri aqoonyahan reer Sanaag-bari ah, ma dhici karto in la kalagooyo Garowe iyo Laascaano, Qardho iyo Dhahar, Boosaaso iyo Laasqoray. Taariikhdaas jiilka cusub ma oga; waa in la baraa.

    Maamulka SNM ilaa maalinkii uu qabsaday Laascaanood waxay u dhaqmayeen sida ciidan ixtilaal (occupation forces). Labo halbeeg oo kala duwan ayey ku maamulayeen Hargeysa iyo Burco iyo dhinaca kale Laascaanood.

    Sida aan qoraalka hore ku sheegay waxaa dhowaan la xiray afhayeenkii Daarood, C/Kariim Cali Nuur. Waxaa kale oo la xiray oo weliba loo dhaadhiciyey xabsiga Mandheera ee Hargeysa xagga Jibuuti kasii xiga dhallinyaro da’ yar oo lagu eedeeyey inay lasoo baxeen calanka buluugga ah ee Somalia maalmihii la xusayey xorriyaddii 1960kii.

    Arrimahaas waxaa aad uga dhiidhiyey guud ahaan shacabka SSC, waxaana Laascaanood shir ku qabtay waxgaradkii magaaladaas oo ay ka maqan yihiin garaaddadii magaaladaas oo aan Laascaano imaan ilaa maalinkii SNM qabsatay, taas oo muujinaysa sida looga soo horjeedo maamulka SNM.

    Raggii kulankaas ka hadlay waxay muujiyeen dhiirranaantii iyo qiiradii Dhulbahante lagu yaqaannay, waxay sheegeen inay la qabaan waxa uu ku hadlay C/Kariim Cali Nuur. Waxay kaloo sheegeen inaysan aqbalayn in qofka jooga Hargeysa amase Burco uu si xorriyad ah ugu hadlo wixii uu doono laakiin kan Laascaano jooga la cabburiyo. Waxay digniin u direen maamulka Hargeysa oo ay u sheegeen in haddii aan dhawr beri gudahood lagu siiddayn dadka xabsiga la dhigay — ay dhigi doonaan bannaanbaxyo waaweyn, ugu dambeyntana haddii ay ka fursanweydo ay dagaallami doonaan.

    Raggii halkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa nin yiri: ” “Uma sii dulqaadan karno waxa Somaliland waddo. Kuma sii jiri karaan dadkayagu sida loola dhaqmayo. Dhegta haddii la gooyo, daloolkaa hara. Somaliland iyadaa mushkiladda abuuraysa; in gaariga madow iyo tuutaha madow bal uu xoog nagu haysto iyo in rabitaan annagu aan raalli ka nahay uu nagula joogo — taana, Muusow, waannu ku tusi doonnaa.”

    Nin kale wuxuu yiri: “86 baan jiraa, madaxayguna waa cad yahay, maanta kahorna ma xanaaqin. Waxa wejigayga ka muuqda waa dhidid. Ha idin gasho oo ha idiin muuqato inaan nala ciili jirin. ”

    Mid kalena wuxuu yiri: ” Sidii xoolo xero ku jira oo hadba mid qoolka la galinayo baannu hadda gaarnay. Nin xiniinyo lehi waa meeshii uu ka dhiidhiyi jirey.”

    Muuse biixi wuxuu dhowaan sheegay in si Somaliland u hesho aqoonsi — ay u baahan tahay inay dhiig badan daadiso, dhanka kalena waxaa muuqata in haruubkii dulqaadka ee reer Laascaano uu buuxsamay. Haddii aan caqligu talin, waxa soo fool leh Alle uun baa og.

    • A.Arar, laxad soo malmaluuqday waa null & void, Nada & nothing, wax macno ah samayn mayso, Dhulbahante iyo Laascaanood la qabsaday ma jirto, SNM qabsatay ma jirto, dadkii lahaa baa haysta, cid cid Somali qabsan kartaa ma jirto, maxaa Buuhoodle loo qabsan waayey, dadkeeda badankooda ayaan rabin, cudurka kaa gala fardaha haddii laga gubo dameer dawada lama gaadhayo, adder jooji beenta iyo propagandaha Laascaanood halka ay marayso waa la ogyahay iyo halka ay joogtay 15 sano ka hor, tan kale ee aad ku andacoonayso dhul Harti lama kala dhex dhigi karo xuduud, adeer sowta lakala dhex dhigay Hartiga Somali Galbeed iyo kuwa Somalia, sowta la kala dhexdhigay Seylac iyo Djibouti oo Ciise/Mumaasan wada deggan yahay oo 2 dal kala ahaa, Sowta la kala dhexdhigay, Gaashaamo iyo Oodweyne, iyo Balligubadle iyo Xarshin. Sheeko kale keen Africa oo dhan bay ka dhacday, oo aan lugu kala qaybin xuduuda isir iyo ab toona balse siday doonaan gumeystuhu isu raacshay, ama ralli ka show ama ha ka noqon, waana raadintaa dadkaa iyo dhulkaa wixii Xamar na geeyey, illeen caqli iyo cilmi toona uma raadsane. (the Scramble for Africa, also called the Partition of Africa, Conquest of Africa, or the Rape of Africa, was the invasion, occupation, division, and colonization of most of Africa by seven Western European powers during a short period known to historians as the New Imperialism (between 1881 and 1914). )

  3. @A.ARAR AFHAYEENKA BEESHA DAAROOD NINKA SHEEGATAY YAA U DOORTAY INUU NOQDO? NINKAAS AAD SHEEGTAY AFHAYEEN BEEL DAAROOD MUU AHAYN EE WUXUU AHAA KANA MIDYAHAY CAYAYAANKA BARAHA BULSHADA INI FARMAAJO KUSOO DAAYAY EE CBB) NINKAASI WUXUU AHAA NIN JIRKIISA KA GANACSADA WUXUU AHAA CALL BOX SANDAREERO KU QAATA CAYDA DADKA AY IS HAYAAN INI FARMAAJO KHAASATAN MADAXDA PUNTLAND IYO JUBLAND IYO WALIBA BEELAHA MAJEERTEEN IYO OGAADEEN SIDAA DARAADEED WAXAA KUU FIICNAANLAHAY MALAHA ADIGOO ADEEGSADA ERAYGA AFHAYEENKA VILLA WARDHIIGAY AMA FARMAAJO.

  4. Ma Kismaanyaa hadda la isugu tagay?!

    Horta waa arrin aad u fool xun in hawada ISBAARO la isu dhigto oo la iska celiyo, xaqiiqada marka laga hadlana sunnahaa villa Soomaaliya ragga fadhiya ayaa jideeyey ama qayb libaaxle ka qaatay. Siyaasad xumida Soomaaliya maantay halkaas ayay maraydaa.

    Haddaba, waxa muuqata in meel walba ninka horjoogaha ka ihi uu si sharci darro ah oo dhaqan xuma ah oo fool xuma ah ugu takrifalayo awooddiisa. Dhibaato kasta iyo fool xuma kasta oo dhacdana waxa ASAL u ah ragga markaa horjoogaha ka ah villa Soomaaliya, ama kuwii hore ha ahaadeen ama kuwa hadda joogaba.

    Dastuurkii way dhammaystiri waayeen, garsoorkii way tayayn waayeen oo madax bannayn waayeen, baarlamaankii madaxtooyadooday hoosgeeyeen, dadka ka aragti duwan sida ay doonaan bay ula dhaqmeen, oo Kenya & Itoobiyay waddankii ku sharciyeeyeen qabsashadooda; ogaada, kuwa hadda jooga kaliya kuma koobna, kuwii xilalka uga horreeyeyna waa la mid oo waana ka xumaayeen. Marka, maxaa diidaya in markooda hawada ISBAARO loo dhigto oo la soo eryado.

    Waddanka caynkaas ah rajo intee le’eg baa laga qabi karaa? Xulashooyinkuse sidee bay ku suurtagalaytaan haddii dadkii ka qayb qaadan lahaa sidaa loola dhaqmayo oo hawada lagu dubanayo?! Arrintan Kismaanyo hadda ka dhacday haddaan qoraal laga soo saarin waxa ay furaysaa oo ay horseedaysaa oo ay dhiirigalinaysaa in horjooge waliba uu ISBAARO u dhigto kuwa aan ku siyaasadda ahayn.

    Gunaanadkii, aniga oo ah MADAXWEYNAHA SSC ee kaligii is magacaabay, waxa aan ka digayaa in waddada ay Kismaanyo/Nayroobi hadda fudhay ay bar madoow & caqabad ku noqon-doonto habsami u socodka doorashooyinka iyo in ay jadwalkooda ku dhacaan. Waa in si degdeg ah arrinkan meel loo saaraa.

  5. Gaafaw- Boowe, Hjecel iyo Dhuloos dhexdoora kuma qaaddee bannaanka ka istaag; maxaa khaldaamiinta kaaga dhex maqan?!

    Midda kale, Kista ma adigbaa goof Absame ka dhigay? Far-Dhulbahante waa Kismaanyo korkeera. Kudhaa & Badamadow & Raaskaanbooni & hoosingoowna anig baa iska leh. Mawduuc baa la soo dhigayaa markaasaad gabay iyo wax aan loojoogin soo qoraydaan.

  6. @Guillaume William

    Saaxiib, anigu waxaan la hadlayaa Soomaalida muslimka ah ee la hadlimayo umana jawaabo gaal ‘diinta foolxumo kala baxay’.

    @@@HILLAAC
    Waxba ha ku raadgadan Gaafow. Gaafow gabayga ma soo qorin; anigaa soo qoray. Anigu weligay ma aaminin mana aamini doono xitaa inaad Daarood tahay, marka, adiga daraaddaa marnaba uga faalloonmayo wax Dhulbahante khuseeya. Dadka wax aad qortay awgood u aflagaaddeeya
    Dhulbantana waa khaldan yihiin.

    Gabayga waxaan kasoo xigtay nin Dhulbahante ah oo dhalad ah oo ku qabweyn Dhulbahantenimadiisa, Hartinimadiisa, iyo Daaroodnimadiisa.

    Waxaad hore u sheegtay in hooyadaa Isaaq tahay laakiin weli waxaan dhawraynaa inaad noo sheegto aabbahaaga dhabta ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*