Maxaa looga hadlay kulankii Axmed Madoobe iyo guddiga doorashada heer Jubbaland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa waxaa uu kulan la qaatay guddiga doorashooyinka xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya deegaan doorashadooduna tahay Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Xubnaha Guddiga ku booriyay in ay howsha doorashada u maamulaan si hufan oo caddaalad iyo daahfurnaan leh.

Dhankooda qaar kamid ah xubmaha Guddiga ayaa Madaxweynaha Jubbaland waxaa ay warbixin ka siiyeen halka ay u marayaan howlaha ay wadaan iyo qorshahooda xiga, xilli loo diyaar garoobayo qabashada doorashada xildhibaanada labada aqal.

Dhamaan Xubnaha Guddiyada doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ayaa dib ugu laabtay degaannadooda, iyada oo qorshuhu yahay in 25 Bishaan ay bilaawdaan doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*