Midowga Musharixiinta oo war ka soo saaray tallaabadii uu qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble

Golaha ay ku midaysan yihiin inta badan musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa war ka soo saaray tallaabadii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu xilka uga qaaday Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

War-saxaafadeed kasoo baxay Musharaxiinta ayaa lagu soo dhaweeyay Go’aanka uu Rooble xilalkii uga qaaday Taliyihii shaqaalaha Hay’adda NISA Cabdullaahi kullane iyo Taliyihii Nabadsugida Garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sh Cali, kuwaasi oo jebiyay amar uu soo saaray Rooble.

Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeediyay in tallaabada uu Ra’iisul Wasaaraha uga hortegayo xayiraadaha sharci darrada ah ee dhanka xorriyada safarka Muwaadiniinta iyo Mas’uuliyiinta ay noqoto mid si siman uga hirgasha dalka.

Sidoo kale Golaha ayaa ugu baaqay dhammaan laamaha amniga qeybahooda kala duwan ee dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliya inay si wadajir u dhowraan Dastuurka u yaalla dalka, isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo dib u dhac.

Ugu dambeyn Midowga Musharaxiinta ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka dalbaday inuu ka waantoobo ku tumashada Dastuurka dalka, iyagoona ku eedeeyay inuu faragelin ku haayo arrimaha doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan dalka.

3 Comments

  1. MIDOWGA MUSHARAXIINTA + plus MAAMUL GOBALEEDYADA OO DHAN WAXAA LAGU QASBAY IN AY ROOBLE UNOQDAAN NACAMLEEYAAN WAXA AY KA DIIDEEN FARMAAJO AYAY ROOBLE SI BILAA SHARUUD WARKIISA LOO HOGAAN SAMAY KKKKKKKKK WALEE WAA CASHARKII NABAD IYO NOLOL EE SI BILAA HABSAMI AH U SHAQEYNAAYA

  2. iljeex habar gidir hutu futomadoobe qabiilka ugu liita Somalia waaye.

    1993 waxa mooryaanta Habar Gidir yiraahdeen “waxa dilnay askar mareykan ah”

    2018 waxa Habar Gidir cabaadaysa tiri “ciidanka cirka Mareykan ayaa 20 askari inaga dilay(Galmudug)

    2021 waxa Habar Gidir(Galmudug) baryaysaa mareykan ayago leh “Mareykan kaalay diyaaradahiina ku duqeeya Galmudug”

    Habar Kintir/Habar Gidir ma shalay ayaa waalnaa mase maanta?????

    Habar Gidir iljeex hutu futomadoobe dameerahiis ha iska raacdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*