Ololaha doorashada madaxweyne Farmaajo oo bilowday & xiriir khadka telefanka ah oo uu la qaatay amiirka Qadar.

Puntlandtimes (Muqdisho)-Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta wadahadal dhinaca qadka teleefoonka kula yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweyne Farmaajo Sheekh Tamiim ayaa ugu horrayn la sheegay inay isugu hambalyeeyeen munaasabadda ciidda Carafo oo lagu jiro maalintii 2aad kadib markii shalay si siman looga ciidey Soomaaliya iyo guud ahaan dunida Islaamka.

Dhanka kalena, labada mas’uul ayaa waxa ay xiriir telefankooda kaga wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal, iyagoonka u rajeeyay labada dal iyo dhammaan muslimiinta horumar iyo barwaaqo.

Wadanka Qadar ayaa kamid ah dalalka taageerada mugga leh siiya Soomaaliya, waxaana la sheegaa in ay saaxiibo gaar ah la tahay Madaxda dowladda iyadoona lafilayo inay qayb ka noqoto wadamo doonaya dib u doorashada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

3 Comments

  1. Haaheey Tuugsigii miyaa bilowday sowtii Armaajo neef is lahaa baryada Carabta diricyada weyn waad ka maarmi kartaa kkkk.
    Doqon munaafaq ah oo bartay sida caamada loo siro weeye Armaajo neef.
    Eithopia waa cadowgeen ilaa uu dhabta Amxaarka Abiy seexday,kkkkk

  2. MOHAMED ALI CAADI MAAHA MAXAA KA WADAA?
    SOWTII AXMED MADOOBE IYO DENI LAGU CAAYNAYA IMARADKA MAXAA IS BEDELAY?
    MOHAMED ALI MUNAAFUQIIN AAN XISHOON AYAA TAAGEERA FARMAAJO.
    MOHAMED ALI QADAR WAA TERORIST.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*