XOG: Imaaraadka oo Axmed Madoobe uga yeeray Dubai & qorshaha soo saarista xildhibaano taabacsan M/weyne Deni.

Puntlandtimes (Nairobi)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa looga yeeray wadanka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa casumaad rasmi ah ka helay dowladda Imaaraadka Carabta, kadib markii uu halkaasi ka soo laabtay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kulamo la soo qaatay saraakiil katirsan Imaaraadka Carabta.

Dowladda Imaaraadka ayaa Axmed Madoobe kala hadli doonta arrimaha doorashada Soomaaliya gaar ahaan soo saarista xildhibaano taageero gaar ah u noqon kara madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la sheegayo inuu u sharaxan yahay xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Siciid Deni oo qudhiisu ku laabtay magaalada Nairobi ayaa waxa uu halkaasi kulamo kula lee yahay diblumaasiyiin ka socota dalal saamayn ku leh siyaasadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah ganacsatada maalgelinta siiya musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta iyo dalal kale ayaa doonaya inay meesha ka saaraan rabitaanka wadamada Qadar, Sucuudiga iyo Turkiga oo doonaya inay xafiiska madaxtinimada Soomaaliya markale ku celiyaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

14 Comments

  1. Waa garanay Emirateska iyo kuwa kale, SOOMAALI aaway?? Dadka noocaas ah sidee DAWLAD u noqon karaan, yar iyo wayn waxay raadinayaan dal ay rufyaan u noqdaan!! Waana arin kasoo bilaabatay maalintii gaalo dalka timid…

  2. Haddii aad Axmed-madoobe kasoo horjeeddo maxaad magaca Soomaali Galbeed u wadataa? Maxaadse iskaga dhigtaa nin Ogaadeen difaaca? Mise tuulada Raaso ayaad ka timid?

    Somali Galbeed is Ogaden and Ogaden is Somali Galbeed, and rest are rats and toads — including other Daaroods in DDS.

  3. @@@Ustaad Arar,

    Talk of the tail trying to wag the elephant kkkk.

    عيد مبارك Ustaad, adiga iyo akhyaarta xaqa iyo runta difaacda.

  4. SOMALI GALBEED OK MIYAA IN QADAR IYO GAAL ORAMO AH (ABIYE), IYO GAAL TIGREE AH (AFAWARQE)LOO NOQDO RUFIYAAN??????
    OK MIYAA IN KABA QAAD LOO NOQDO GAALKA ORAMKA AH ABIYE AHMED LANA CAAYO CABDI ILEEY??????

    • Axmed madoobe dantiinaad ka dhex aragteen taariikhdiina haka baxsanina isagaadba TIKREA ka gadeen , nimankaad maanta u baroor diiqaysaan(TIKREA)baa xabad ladhacay xabsigana dhigay, malahayga 2000kii baad dhalateen!!

      AXMAD islaana daba dhilifnimo uma noqon karo nin saxara degan, caalamkana petrolka waa laga guuri waana sababta reero khaliij ugu haystaan dad kale dhulkood, hadaad SOOMAALInimo diideen nin walow tuuladaada aamin..

      Liiska dadkii TIGRAI loo dhiibay wixii dhintay iyo meelihii laga dhiibayba dhawaan bay soo baxayaan waana waxyaabaha AXMAD ABIY lagula heshiiyay inuu daaha ka faydo, Ku sii bushaaraysta…

      • Dadkan ku wareray afarta wiil ee ilmaaderka ee is ximiya, meel ay siyaasadoodu kusocoto ma yaqaanaan xataa ayagu, shalay Emirates iyo SACUUDI baa xulafo ahaa maantana ways hayaan, shalay qatar maantana waa la heshiiyeen, marka dawarsigii waa gabaabsi sidaa halala socdo..

  5. CIID MUBARAK WA KULLU CAAM WA ANTUM BIKHAYR ..

    dhmaan inta midnimada, xoriyada iyo islaamnimada jecel, inta MELES, Seyoum mesfin iyo TIGRAI u baroor diiqaysana waxay ila tahay DOOFAARKOODA haku ciidaan…

  6. @@@Awlal

    Ustaad, adiga iyo akhyaarta kaleba: عيد مبارك. كل عام وانتم بخير.تقبل الله منا ومنكم صالح الاعمال

  7. CIID MUBAARAK ALL.
    SIDA NINKA WATA SOMALI GALBEED OO KALE AYAA LOO WAREERAA AMA WAA LA ISKA DHAAFA.
    MUJAAHID CABDI ILEEY AYAA SOO DIRSAN JIRAY NABAD SUGID OO RAG KA QABSAN JIRAY GAALKACYO,BOOSAASO,HARGEYSA,BURCO, GALMUDUG IYO MAGAALO KASTA SOMALIYA.
    MARKA NINKII NACEYB MAJEERTEEN CALOOSHA UGA BUUXDO LIISKAAD DOONTO HAYSO CARADAADA UNBAA LA DHIMAN.
    PUNTLAND IYO JUBBLAND WAA DEGAAN AY DEGAAN DAD ISKU ISIR AH, NINKII JIRAN OO AH HATER WAXUU DOONO HA AAMINSABADO
    WA BILAAH TAWFIIQ

    • Waamo axadka wata

      Waa runtaa TIGRAI iyo daba dhilikoodaba aad baa u neceb nahay inaad ka mid tihiina jabka uun bay u siyaadinaysaa, hadaad rajo ka qabtaan inay villa Somalia idin geeyaana war ayagii baa meelay galaan la’ !! nin caqli leh ma ahidi… dadkiina dhinac ka raaca, JUBALAND way ka balaadhan tahay meel jifo yari sheegato, xasaradaada GAROOWE haku ekaato, khayr nin soo waarida laguguma aqoon, Arsonist land warkeedii isku dir miyuu kusoo ururay????

  8. @A Arar.
    MA OG TAHAY ONLF iyo OLA INEY KA WADA SIMAN YIHIIN DOQON NIMO WAA LABADA JABHADIID EE ETHIOPIA UGU LIITA LAMA OGA WAXEEY RABAAN. ARINTAN AH CID BAA LA DHIIBEY ….BAL ONLF INEY XOOLO YIHIIN MAXEEY UGU SOO CARARIJITREN MAAMULO IYAGUBA HAL LUG KU TAAGN…. ONLF WAA HORE AYEY BURBURTEY …ONLF TII RUNTA AHEED IYO DAGAAL YAHANADII WAA HORE AYEY LE’DEEN WEY SHAHIIDEN HADA WAXAA WAXAA SOO HAREY KOOX YAR OO TUUGO AH IYO CARUUR AY DHALEEN OO DADKA DEGAN NAIROBI NAFTA U KEENAY INTAAS AYEY KU SOO ARUUREN.

  9. Eid Mubarak all musliminta
    Oo dhan intas kadib
    Somali farmaajo doorta
    Why may question ok may
    Answer waa nin yaqaano
    Sida dalka bur buray loodhisikaro 2, from 8February 2017 waxaa uu bixiyaa musharadkii shaqalaha
    Ciidamada, waxaa uu dhisay
    Malihii taariikhda dalka
    Uu lahaa waxaa uu dhunta
    Qabtay cadawgìi somalia
    Adunkii ayuu cashir udhigay
    Wadamadii dariska ayuu meel
    Saaray intaas inbadan
    Ayuu qabtay ee nin doorta
    Axmed madoobe
    Xasan sh maxamuud
    Khayre
    Dani
    Shariif
    Waa jawaa siis
    Xasan sh maxamuud
    Jaajus mahan lakiin
    Waa tuug xoolo doon ah
    Salaad ali jale ayaa
    Shagay waa corporation man

  10. Mohamed ali daacad ma tihid cadaaladna uma adan hadal.
    farmajo waa jaajuus u adeega qadar oo ah dal tagera argagixiso caddeyna waa la hayaa.
    Farmajo waxu isu dhiibay ORAMKA GAALKA ah EE abiye AHMED iyo tigreega GAALKA ah AFAWARQE.
    FARMAAJO WAA Ninka DHALINTII soomaaliyeed ku shubay dab iyo DAGAAL aan shaqo ku lahayn kaasoo ah TIGREE VS abiye iyo AFAWARQE.
    FARMAAJO WAA Ninka yiri waxaan joojiyay jaadkii Kenya laakiin abiye uu la galay heshiis ah in KALLUUNKII SOOMAALIYA uu u raro ethopia uuna uga bedesho JAAD iyo kolay khamri.
    SXB DADKA soomaaliyeed ka XISHOOD FARMAAJO WAA ka LIITA kuwii ka HOREEYAY.

  11. Waxaan is qaadan karin Doorasho Xor iyo Xalaal ah baan dooneynaa !! Haddana Axmed Kenyatta wuxuu doonayaa inuu soo saaro Ciddii Cod siin laheyd Balballaarka,waaba scandal and Hypocrisy,Looters.
    Axmed Kenyatta Seddex Qof ii keen anigaa kala baxaya Qofkii I dooran lahaa, jidkii buu ku socdaa,laakiin waxaan Aaminsanahay in waqti aan Fogeyn ay shaqeyn doonto Sarreynta sharciga, iney Suuli doonto fekerka ah Waxaan la kulmay Safiir Hebel,waddan Hebel baa I casumay>>> Adigoo aan u aheyn Counterparts.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*