XOG: Xagee ku dambeeyey khilaafkii madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiye Jibriil.

Puntlandtimes (Garoowe)-Xog hoose oo ay warbaahintu heshay ayaa xaqiijinaysa in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ay heshiis hoose ka gaareen arrimo khilaaf siyaasadeed ka dhex abuuray.

Madaxweynaha iyo guddoomiyaha oo khilaafkoodu la xiriirey xulashada xildhibaanada aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ugu dambayn heshiis hoose ka gaaray khilaafkoodii, kadib markii ay wada-xaajood ka yeesheen.

Ilo wareedyo ka agdhaw madaxtooyada ayaa noo xaqiijiyey in labada dhinac gaareen is-afgarad hordhac ah, iyadoona lafilayo in madaxweynuhu kulamo hordhac ah la yeelan doono guddoomiyaha iyo xubno katirsan golaha wakiilada Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu soo dhoweynayaa magaalada Garoowe waxaana lafilayaa inuu dhowaan soo saaro liiska musharixiinta xildhibaanada aqalka sare ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*