VIDEO: Somaliland oo gobolka Sanaag ku soo bandhigtay ciidamo ka goostay Puntland.

Puntlandtimes (Badhan)-Maamulka Somaliland ayaa deegaamo katirsan gobolka Sanaag ku soo bandhigay ciidamo ku hubaysan qoryaha fudud oo ay sheegeen inay horay uga tirsanaayeen ciidanka difaaca dowladda Puntland.

Saraakiil katirsan ciidanka ku biiray Somaliland oo sheegay inay gaarayaan 35 askari ayaa sheegay inay tababar ku soo qaateen xerada Xorgoble ee magaalada Qardho ayna ugu dambayn go’aansadeen inay ku biiraan Jamhuuriyadda Somaliland sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay sheegeen inay jiraan ciidamo kale oo kusoo dabajira isla markaana maalmaha soo socda ku soo biiri doona dhanka Somaliland iyagoona farriin u diray dhammaan ciidanka Puntland ee ku sugan magaalada Badhan iyo guud ahaan gobolka Sanaag sida ay hadalka u dhigeen.

Saraakiil katirsan maamulka Somaliland oo goobta ka hadlay ayaa dhankooda soo dhoweeyey ciidankaani waxaana ay sheegeen inay sida ugu dhaqsaha badan gacanta Somaliland ugu soo celin doonaan magaalada Badhan iyo deegaamada kale ee ay xilligaan ka arrimiso xukuumadda Puntland.

22 Comments

  1. Gaardigaba islama haystaan ma saasay xorgoble uga soo baxeen
    Aawayse direyskii ay puntland siisay. War ragu been badanaa

  2. Salaad Cali Jeelle muxuu yiri?! Lacag waa Qaadasho, codkuna waa Aniga! Kkkk
    Hadda qolooyinkan reer Sanaag iyo Sool, lacag waa Lada dhinacba ka Qaadasho, laakiin lama huraan waa Harti nimo! Kkkk

  3. SNM kama xishooto soo-bandhigidda afar dibjir oo qaatkii ku bargo’ay! Maxay soo kordhiyeen kuwii Boocame ka goostay?

    Badhan ma waxay ugu hamminayaan in keenaan Abaarso iyo pastor Joy Isa? Waxaa layaab leh kuwa ku hadaaqa ‘Somaliland baa la xasdayaa’ markii loo sheegay inay fasaadinta iyo gaalaysiinta ka digtoonaadaan. Immisa waxgarad, aqoonyahan, iyo culumo reer Somaliland ah ayaa iyaguba arrinkaas ka hadlay oo ka digay; ma Somaliland bay xasdayaan?
    Qofka waxaa lagu xasdaa wixii uu kartidiisa iyo aqoontiisa ku kasbaday amase Alle ku mannaystay ee laguma xasdo wax loogu tabarucay oo weliba ihaano iyo dhalandoorin dabasocoto.

    Tan kale, iskuulkan iyo jaamicaddan ardayda ku jirta kuma koobna reer Somaliland oo qura ee ilaa Xamar bay ka yimaadeen, waxayse u badan yihiin reer Somaliland. Mashruucan fasaadinta iyo gaalaysiinta ee Hargeysa xaruunta looga dhigay, aakhirka Soomaali oo dhan inuu kusoo faafo ayaa loogu talogalay, sidaa awgeed, qof kasta oo Soomaali ah oo muslim ah ayaa xaq u leh inuu ka hadlo oo naqdiyo.

    Abaarso (magacaaba habaar ku salaysan) waa abaar kugu dhacday oo diinta iyo qiyamku kaa xaalufe. Markii labaad, jaamicadda baa Barwaaqo loo bixiyey. Muxuu ku barwaaqoobaa qof kuraynimadii kusoo abaaroobay oo kusoo fasaaday?

    Abaarso iyo Barwaaqo waa laga dhisi lahaa Xamar, Garowe, ama Boosaaso haddii dadka deggan la marsiin karo.

    • Ayda aad ka mid tahay way qaylin waligeed, safarka dheerna ee Somaliland wuu socon, adeer dadka Somali diinta ka haystaa markii la burburay waa reer Somaliland, wax cad baa la hayaa, Xamar maalintii 100 qof oo wadaado iyo bir ma geydo leh baa lagu dili jiray, malaayin Somali baa hantidoodii lagu dhacay oo lagu haystaa, lagu kufsaday, Boosaaso kumanaan Somali ah baa Majeerteen badda ku shubay oo doonyo ka qubay, oromo xataa leh, lacago beena baa la soo daabacday,badda lagu shubay sun, Budhcad badeed loo badheedhay. Meesha qudha ee ka nabad gashay oo dibadda lagu gam’o waa Somaliland, markaa diin la’aan nalagu caayi maayo, wax kasta ku hadla tacliinta iyo dhaqankuba waa kaayagii, kana hadhi mayno, lama hayo Ayaan Xirsi oo kale, qof qudha ee iskuul kasoo baxay Somaliland lama hayo oo macatab xidhan, kuwa qaylinaya ee gudaha waa doqomo , wacallo, intii liidatay ee kuwa Xamar joogaa ka mid yihiin, reer walba waa leeyihiin Coldoon ama belo doon. A. Aarr iyo eeydu ha qayliso, safarku waa soconayaa, Dogs will bark and caravans will continue

  4. @@@ A. Arar: Waxaa cajiib ah, in aadan Soomaalidii Talyaaniga weligaa ka Heleyn, qof ama qoys 100 sano ka hor aay Gaaleeysiiyeen Talyaanigii Koofurta haystay, ku dhawaad 60ka sano! Halka Soomaalidii uu Ingiriisku gumeystay aad ka heleeyso, qoysas ciidaa ka badan oo illaa 4 fac tirsanaya oo “Christian” ah!

    Waxaa la sheegaa in aay maanta “Christian” ahaan lahaayeen dad badan oo Soomaalidii uu Ingiriis haystey ah, haddii aaysan Daraawiish ahaan lahayn! Inta gaaloowdayna Waxaa laga gaarsiiyey, kacdoonkii Daraawiish ka hor!!!
    Marka, meeshu Gaalada raad hore ayaay ka urineeysaa iyo Taariikh u diiwaan geshan!!!!!!!!!
    Bal ka waran Talyaani haddii uu xitaa dad ka gaaleeysiin waaysey, Raxanweyn iyo Abgaal oo taageere-yaashiisa ahaa?!

    Abaarso-Land (ex Somaliland) waxa aay foolaneeyso iyo Webiga Jubba yaa weyn?! Kkkk

    • Daraawiish waxaa ugu dambaysay 1921, Ingiriisna wuxuu baxay 1960. 40 sanno muxuu u gaalaysiin waayey, oo Daraawish ba aanay jirin.
      Raxan weyn diinta ay haystaan waatee, Abgaal Xamar dadkoo nool bay furteen, oo guryahoodii haystaan, adeer A Xade oo kusoo koray boolidii cashuurtii Somaliyeed oo Mareexaan boolli cun ka dhashay oo ibnu xaaraam ah, muxuu ka ogyahay Somali, wallaahi inaanad waslad xalaal ah lahayn, Boolli cune. Ma Siyaad, Gaadhi, baa muslim ah oo Janno galaya?

  5. Waxay maqleeen ciidanka Qaranka Somaliland baa Mushahaarrkii loo kordhiyay 20% kiiba.

    Warsangali buqlayn busaaradi Ku dishay weeye say hadalka udhigeen.

    Waa in bartay ka yimaadeen lagu ceshaa maxaa yeelay waxay rabaan SAXAN BARIIS ah & WASLAD AWLAL amaba GARAB ADHI ah.

    Kkkkkkkkkkkkkk

  6. Puntland waa iska khayaal lagu moodayo inta dadka hoos jooga ay u dhalanayso,kanasoo gaadhayso dawladooda Somalia,oo rajadeedu dheertahay,waana dhicis intaa ka horba iska baqtiyi kara.
    Dadka Harti ee Somaliland hadaba maxaa u dan ah?
    Inay ogaadaan inaanay jiri doonin Somalia tirsanaysa,loona ogyahay Somalilander,sina aanay uga mid ahaan Karin Federaalka u dhexeeya Somalia oo ah Puntland iyo koonfurta,loona soo dhaafayn xadkii isticmaarka.
    Farmaajo waad ogeydeen Garowe ayuu ka laabtay,cagna masoo dhigin dhulka Harti Somaliland,kuwii ka horreeyay lamid xataa C/llaahi Yuusuf umasoo muraadin waxayna taas caddayn u tahay in laba dal kala jiraan oo Somaliland & Somalia ah.
    SU’AASHA ISWEYDIINTA MUDAN AYAA AH
    YAA DAN AY LEEDAHAY KU GAADHA DADKA AAN KOR KU XUSNAY,UGANA FAAIIDAYSTA TOLNIMO AAN DAACAD AHAYN,ISKU BADIYA,DHEEFTOODA FEDERAALKA QAATA,XUBNA XAMA KU METELA U XULA,KURSI SOMALIA MAGACOODA KAGA DILLAALA????
    KOLLAY SOMALILAND MAAHA.

  7. @@@@Prof A.Arar,

    Ustaad, raalli ka noqo inaan jawaabtaadii labaad ciyoow kaagasoo jawaabi kari waayay; xilli dambe ayay igu ahayd oo hawada ayaan ka baxay.

    Sidoo kale, waan kaa raalligelinayaa inaan qudhaydu malaha adeegsaday erey isfahanwaa naga dhex abuuray, aniga oo ula jeeday macne ka duwan kan laga fahmay, sida kuxusan jawaabtaadii cutubkeeda gunaanadka ahaa:

    “Ustaad, tan kale, inkastoo aanan kugu khilaafsanayn, maxaa caddeynaya in luqdaha kale ee Kushitagga, sida Oromada ay ka asalsan tihiin ama ka fac weyn yihiin Soomaaliga.”

    Macnaha aan ula jeeday ma ahayn inay luqadaha aynu bah-wadaagta nahay luqaddeenna ka asalsan yihiin e waxaan ka waday ereyada luqadaha ukala dhaxa in erey walba sida luqaddiisa asliga (asalka?) ah loogu dhawaaqo amase loo qoro.

    Waa sidaa aad sheegtay oo, ereyada Afkeenna qaar ayaa la isku qaldaa oo weliba ruuxa aan kudhex dhalan ama kusoo dhex barbaarin sidayda inta badan ku margadaa. Qasadku waxaa uu ahaa: ‘the borrowed word’s original language/language of origin’.

    Dabcan, kalmadda ku habboonnayd ayaan aniguba weli ka arradanahay oo waan soodhoweynayaa wixii cilmikorosi ah ee aad nagu deeqdo Ustaad, adiga oo kumahadsan.

  8. @@@Salax

    Warsangali waxaa dersi iyo cibro ugu filan in Suldaan/Garaad Maxamuud Cali Shire oo ilaa maalinkii Daraawiish la aasaasay kasoo horjeeday, lana dagaallamay oo sutida u hayey — in maalinkii Daraawiish jabtay uu Ingiriis oo ku shaqeynaya talada camiilkiisii weynaa, Muuse Igarre, qabtay kadibna u masaafuriyey Garaadka jaziiradda Seychelles oo uu 8 sano ku ahaa xabsi-guri. Waxaa loogu dowgalay inuu Daarood yahay oo aanu marnaba ka raalli noqon doonin xukunka Ingiriiska.

    Nabsi ma daahee, waa tii Habar Yoonis dileen Allen Gibbs kadibna Ingiriis uu Burco dakkan dakkan kaga dhigay isla diyaaridihii uu ku burburiyey Taleex. Waa tii Habar Yoonis qaxday oo kala firxatay, Burcana uu kusoo haray ina Igarre oo jamiis leh oo aan diin iyo tol midna hayn.

  9. Kkkk kuwaan awalba idoor kaa soo dirsaday oo fariin amaba mission impossible usoo dhiibtay, hadaanse reer puntiland nahay labada reer oo Hartiga u gumeeyay idoor wagaash waa labada reer ee dega Sool & Sanaag, inta labadaa reer Ku dhex jiraan harti, waligeen guul Gandhi mayno.

  10. @A.Arar
    Ma hayo meel Suldaan Cali Shire lagu masaafuriyay,mana jirin sabab loo masaafuriyo,isaga oo ka wakiil ah Beesha Warsangeli iyo madax dhaqameedkii Dhulbahante ee waagaas way ogolaadeen 100% in xadka la jeexo,iyagoo qanaacad Ku qabay inay dal yeelan doonaan Somaliland ah,lehna xuduudo kala dhex mari doona Harti,waxana halkaa ka cad in Harti waagaas waxba ka dhexeyn,aan ka ahayn in dushaa layska tirsado.
    Annaga ayaa soomaali is barnay,meelna isugu keenay,anagoo u sadqaynay dawladnimadii umadda Somaliland,hadase khaldkaa waa la saxay.

    Ina Kanadiid ayaad Ku khaldi malaha Suldaan Maxamuud Cali Shire.

  11. Xusuus-qor: Markii aan ahaa Guddoomiyaha Ceel-Buur W/Q: Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil)

    Maxkamaddii noo haysatay Inqilaabkii naga fashilmay 1961-kii, waxay na sii daysay 1963-kii markii aanu xidhnayn ku dhawaad laba sanno. Sharciyan waxaannu weli ahayn saraakiil ka tirsan ciidanka. Hase ahaatee Taliyihii Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Daa’uud Cabdalle Xirsi, ayaa dawladda ku wargaliyey in aanu aqbali doonin in aanu ku soo noqono shaqadii ciidanka, iyada oo aan arrinkii weli xal laga gaadhin ayuu qarxay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray horraantii 1964-kii. Kadibna waxa loo baahday saraakiishayadii tabobarka Ingiriiska qabtay ee inqilaabka ka qayb-qaadatay. Wuxuu Jeneraal Daa’uud oggolaaday in aanu ka qaybgalno dagaalka, ciidankana ka mid ahaano inta dagaalku socdo oo kali ah. Markii uu Cabdirisaaq Xaaji Xuseen noqday Ra’iisal-Wasaaraha bishii Juun 1964, wuxuu go’aamiyey in nalagu kala qoro wasaaradaha dawladda. Aniga waxa la igu qoray Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
    Waxaan la kulmay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Daahir Cismaan Sharmaarke oo ay ilma’adeer ahaayeen Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ahaa Ra’iisal-Wasaarihii uu Cabdirisaaq Xaaji Xuseen xilka kala wareegay. Wuxuu ii geeyey Wasiirkii Arrimaha Gudaha Cabdulqaadir Soobe. Wasiir Soobe wuxuu wax ku soo bartay dalka Masar. Wuxuu ahaa qof aad isugu kalsoon oo aan cidna u habran. Wuxuu ka soo jeeday beesha Digil-Raxanweyn. Si fiican ayuu ii soo dhoweeyey isagoo igu yidhi; “Soo dhowow. Isku mabda’ ayeynu nahay. Haddii aanu nahay beesha Digi-Raxanweyn, waqtigii xornimada Soomaaliya qaadatay 1960-kii beeshaydu waxay aaminsanayd in aannu gooni isaga taagno Soomaalida kale ee Reer Koonfureed, maamulkayaguna gaar noo noqdo. Waxaannu lahayn xisbi la odhan jirey Xisbiga Digil Midhifle ee Soomaaliyeed (H.D.M.S). Dawladdii markaas jirtay oo uu madax ka ahaa Ra’iisal-wasaare Cabdillaahi Ciise ayaa aniga iyo madax kale oo xisbiga ka tirsan xabsiga nagu gurtay. Waxay nagu eedeeyeen in aanu ka dambaynay dilkii safiirkii dalka Masar u fadhiyey magaalada Muqdisho, kaasoo la odhan jiray Kamaaludiin Saalax. Wax dembi ah waa nalagu waayey aan ahayn in ninka dilay safiirka oo la odhan jirey Wiilo uu ka soo jeeday beesha Raxanweyn. Muddo ka bacdi ayaa xabsiga nalaga sii daayey. Sababta ugu weyn ee uu ninkaasi Raxanweyn u dilay safiirka Masar waxay ahayd iyada oo safiirku ka soo horjeestay in beesha Digil-Raxanweyn yeelato maamul u gaar ah, halka Talyaaniguna arrintaas soo dhoweynayey.”
    Waxa la ii magacaabay Guddoomiyaha Degmada Ceel-Buur. Waa degmo ku taal gobolka Mudug ee ay Gaalkacayo u tahay magaalo-madaxda. Ceel-Buur waxay ku caan-baxday digirta oo aad loogu beero, dhoobada (white lime) laga sameeyo dab-qaadyada ama burjukooyinka iyo “pipe-ka” dalalka Yurub ay buuriga ku cabbaan. Saddex beelood ayaa deggan degmadan oo kala ah Duduble, Murursade iyo Cayr.
    Waqtiga roobabka biyo ayaa fadhiista kalana xidha suuqa iyo xafiisyada dawladda. Waxa la iiga sheekeeyey in wiil yari inta uu foostooyin isku xidhay uu dadka u kala gudbin jiray suuqa iyo xafiisyada dawladda. Dadka Ceel-Buur ku nooli waxay wiilkaas u bixiyeen “Doonyaale.” Wuxuu markii dambe noqday sarkaal sare oo ka tirsan millatariga Soomaalida. Kornayl Ibraahim Rooble “Doonyaale” waxanu is baraney maalintii iigu horraysay imaatinka Muqdisho oo ahayd saddex bilood ka hor markii aanu ku tallaabsanay inqilaabkii dhicisoobay. Wuxuu igu soo dhoweeyey maddaarka Muqdisho. Wuxuu i dejiyey gurigiisa oo ku yaallay meeshii la odhan jirey “Secondo Lido” ee ku dhowayd dekaddii hore ee Muqdisho. Ibraahim Doonyale wuxu ahaa sarkaal aad u qiimo badan oo aan xabsiga ka bixin muddadii uu Siyad Barre dalka ka talinayey.
    Galabtii aan gaadhay Ceel-Buur waxa fiidnimadii i soo booqday suldaanka beesha Duduble, Suldaan Faarax Foodey iyo Caaqilka Guud ee Duduble, Cali Jimcaale “Madoobe.” Waxay warbixin buuxda iga siiyeen degmada, taariikhdeeda iyo nolosha ay ku sugan yihiin ummadda ku nool degmadu. Xidhiidh sokeeye ayaan la yeeshay Suldaanka iyo Caaqil Cali Jimcaale. Waxa kale oo aanu isbaranay cuqaasha kale ee beesha Duduble, sida Faarax Cabdi oo caaqil u ahaa jilibka Maqalsame iyo Geeddi Farayare oo caaqil u ahaa jilibka Habar Awradeen. Caaqil Cali Jimcaale wuxuu caaqil u ahaa jilibka Maxamed Camal ee ugu badan beesha Duduble.

    ◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼◼
    ◼◼◼Isla habeenkaasi ayuu suldaanku i weydiiyey “Igaarkay, ma isaaq baad tahay?” Haa, ayaan ku idhi. Wuxuu iigu jawaabay “Isaaq waan jeclahay.” Waxaan weydiiyey halka uu Isaaq ku bartay. Wuxuu iigu jawaabay: “Soo Ina Igarre Isaaq ma ahayn; ninkii tobanka kun (10,000) ee qori noo keenay ee nagu yidhi Boqor Keenadiid xukunkiisa iskaga dul qaada.”
    Qisaddan cajiibka ah oo aanan hore u maqalin ayuu iiga sheekeeyey. Wuxuu yidhi; “Nin Ina Igarre la yidhaahdo ayaa noo yimid. Markab ayaa badda u dhignaa. Wuxuu watay askar Soomaali ah iyo askar kale oo Hindi ah, cumaamadona madaxa ku sita (Singha singh-yaasha). Wuxuu la shiray salaadiintii iyo odayaashii Hawiye. Wuxuu noo sheegay in uu noo keenay 10,000 kun oo qori oo aanu iskaga dul-qaadno xukunka Boqor Keenadiid ee xaruntiisu ahayd magaalada Hobyo. Waa markii iigu horreysey ee aan arko qoryo cusub oo xaydhii marsan tahay iyo sanaadiiq fara badan oo rasaas ka buuxdo. Sagaal jir ayaan markaa ahaa. Aabahay ayaa suldaanka beesha ahaa. Goob-joog ayaan kulankaasi ka ahaa, anigoo had iyo jeer aabahay la socon jiray si aan wax uga barto. Salaadiintii iyo odayaashii waxay Ina Igarre ku yidhaahdeen “toddoba maalmood na sii aanu ku soo arrinsano.” Wuu naga aqbalay. Waxaanu go’aansanay in aanu qoryaha qaadano oo dagaal ku qaadno Boqor Keenadiid. Sidii ballantu ahayd toddoba maalmood kadib ayuu nagu soo noqday Ina Igarre.
    Waxaanu u sheegnay in aanu diyaar u nahay in Boqor Keenadiid aanu dagaal ku qaadno. Qoryihii iyo rasaastii ayaa naloo qaybiyey.
    Nagama maqnayn baqdin iyo walaac aanu ka qabno la-dagaallanka Keenadiid. Wuxuu lahaa ciidan tiro badan, aadna wuu noo dhibay. Wuxuu Ina Igarre u ballan-qaaday salaadiintii iyo odayaashii Hawiye in haddii ciidanka Keenadiid ka itaal roonaado ay ciidanka uu wataa gacan siin doonaan. Ballan-qaadkaasi aad ayuu noo dhiiri-geliyey, baqdintii iyo walaacii aanu qabnay ayuu naga saaray.
    Laba shardi ayuu Ina Igarre nagu xidhay intaanaan dagaalka bilaabin; kuwaas oo ahaa:
    1. Inaan la taaban karin Suldaanka iyo qoyskiisii, gacantana loo soo geliyo iyagoo dhammaan bed qaba.
    2. Labada boqol ee khusuusiga ahi waa dad gob ah, waa in aad gaadhsiisaan deegaannadii ay ka yimaadeen iyaga oo aan wax dhibaato ah loo geysan.
    Labadii shardiba waanu ka aqbalnay Ina Igarre.
    Dagaalku toban maalmood ayuu socday. Maalin tobnaadkii ayey Boqorkii iyo ciidankiisii is dhiibeen. Annaga oo wadna ayaanu Boqorkii iyo qoyskiisii gacanta u soo gelinay. Khusuusigiina ciidan ayaanu ku darnay gaadhsiiya deegaannadoodii, sidii uu ballanku ahaa. Ina Igarre wuxuu amar ku siiyey askartii la socotay in laba taanbuug loo dhiso Boqorka iyo qoyskiisa. Laba maalmood kadib ayuu Ina Igarre boqorkii markabkii uu watay ku qaatay. Intaanu ambabixin ayuu kulankii ugu dambeeyey la yeeshay salaadiintii iyo odayaashii Hawiye. Wuxuu kula dardaarmay in aanay wax aargoosi ku kicin; isagoo noo sheegay in ciidda aargoosataa ay aakhirka guul-darro ka dhaxasho.”
    Ina Igarre iyo ciidankii uu watay waxay Boqorkii geeyeen Jasiiradda Sychelles, halkaas oo uu ku xabisnaa muddo toban sanno ah. Kadibna Ingiriiska ayaa Boqorkii geeyey magaalada Asmara, wuxuuna ku wareejiyey dawladdii Talyaaniga ee Ereteriya xukumaysay. Sannad kadib ayuu Talyaanigu Boqorkii keenay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku geeriyooday.
    Markii aan danjiraha ka ahaa Nayroobi ayaan xasuustay qisadii uu iiga sheekeeyey Suldaan Faarax Foodey ee ku saabsanayd Ina Igarre iyo Boqor Keenadiid. Waxaan galay maktabadda la yidhaa “Mac-Millan Library” ee ku taalla Nayroobi. Waxa halkaas ku keydsan wax alle wixii hawlgal ahaa ee uu Ingriisku ka fuliyey dalalkii uu gumeysan jirey ee Afrikada Bari, sida Somaliland, Kenya, Tanzania iyo Uganda.
    Tallaabadaas Ina Igarre ka qaaday Boqor Keenadiid, sidan ayey ugu qornayd kaydka:

    “Hawl-galkaas magaciisu wuxuu ahaaa “Twilight”. Safaaradda Ingriisku ku leeyahay Berlin, magaalo-madaxda Jarmalka, ayaa ogaatay in ay salaadiinta iyo odayaasha Hawiye ee ku sugan magaalada Hobyo ka codsadeen dawladda Jarmalka in ay soo degto Hobyo, heshiis ganacsina la gasho. Wuxuu Jarmalku markaas ka talinayey dalka Tanganiika ee haddana la yidhaahdo Tanzania. Ingiriisku diyaar umuu ahayn in uu Jarmalku soo dego xeeb kale oo Afrikada Bari ku taal. Talyaanigu xilligaasi wuxuu isna ka talinayey magaalada Boosaaso. Wasaaraddii Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska ayaa amartay safiirkoodii u fadhiyey Rome, Lord Rennell Rodd, in uu dawladda Talyaaniga hor dhigo qorshe ay soo dejiyeen Ingiriisku kana codsado in ay ka qayb-qaataan. Lord Rennell Rodd waa safiirkii Boqor Menelik la saxeexday heshiiskii la magac-baxay “Anglo-Ethiopian Treaty” ee 1897-kii ay dawladda Ingriisku ku wareejisay Boqor Menelik dhulkii Soomaaliyeed ee la odhan jiray “Hawd and Reserve Area.” Warbixinta iyo qorshaha dawladda Ingiriiska oo isku lammaan waxay leedahay:
    “Ninkan Keenadiid ee budhcad-badeedka ah, ee markiibteenii nafta u keenay, kana fallaagoobay ina’adeerkii oo ah Boqorka Cismaan Maxamuud, aynu si ay maraakiibtu uga nabadgasho dejino magaalada Hobyo, meeshana ka saarno in uu Jarmalku soo dego Hobyo. Waa in aynu Keenadiid qalcad uga dhisnaa Hobyo; ciidana waxaan uga keenaynaa Jasiiradda Zanzibar, kuwaas oo khibrad u leh madaafiicda la saari doono qalcadda dusheeda. Waxaannu Keenadiid u hubayn doonaa ilaa iyo saddex boqol oo askari oo uu ku hawlgalo.
    Wuxuu Ingiriisku ka codsaday in uu Talyaanigu kharashka wax ka bixiyo; inta qalcadda loo dhisayo Keenadiidna uu xeebta Hobyo soo joojiyo markab dagaal oo ilaaliya Hobyo. Talyaanigu wuu aqbalay codsigaas Ingiriiska. Wuxuu keenay Hobyo markab dagaal oo la odhan jirey “Voltorno”. Sidaasi ayey Ingiriiska iyo Talyaanigu Keenadiid ku soo dejiyeen magaalada Hobyo.
    Xilligii uu socday dagaalkii Daraawishta ee uu hoggaaminayey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, ayaa wax weyn iska beddeleen xidhiidhkii uu dhexeeyey Keenadiid iyo Ingiriiska. Keenadiid iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa kala guursadey. Sida warbixintu sheegeyso Ina Igarre ayaa Ingiriiska ku qanciyey in uu Keenadiid iska illaaway abaalkii ay Ingiriisku u galeen, maantana uu cadow ku yahay Ingiriiska, hubka ay Daraawiishtu ku dagaallamaysana laga soo dejiyo dekadda Hobyo, iyaga oo ay Keenadiid iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan isu seedi yihiin. Ingiriisku wuu ku qancay soo-jeedinta Ina Igarre. Markab dagaal ayaa la soo siiyey iyo askar Soomaali iyo Hindi isugu jirta, qasdigooduna yahay in ay soo qabtaan Keenadiid, geeyaana xabsi ku yaal jasiiradda Sychelles. Sidaasi ayey u dhacday qabashadii Kenadiid.”
    ——————————————————————
    INTAAS AYAAN UGA SOCDAA QORMADA AMBASSADOR CAWIL OO AH TAARIIKH.
    ——————————–
    Qormadii oo sii socota…

    Markii aan laba toddobaad ahaa Guddoomiyaha Ceel-Buur waxaan Gaalkacayo ku booqday oo aanu is baranay Xuseen Maxamuud “Koofiyad-Cadde” oo xilligaa ahaa Guddoomiyaha Gobolka Mudug, mar dambena noqday guddoomiyaha shariikadda Somali Airlines iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti. Si fiican ayuu ii soo dhoweeyey; war-bixin mug lehna iga siiyey dareemada kala duwan ee ka aloosan beelaha wada dega gobolka Mudug.
    Ceel-Buur waxaan iyagana xidhiidh sokeeye kula yeeshay qoyska Reer Faracadde oo ka soo jeeda saldanadda beesha Murursade oo ay ka mid ahaayeen Cismaan Shaacuur Ugaas Faracadde iyo Yuusuf Ugaas Faracadde oo ahaa Xoghayaha Dawladda Hoose ee Ceel-Buur. Waxa kale oo xidhiidh fiican na dhexmaray caaqil caqli badan oo inta badan ku sugnaan jiray tuulada Dirri, Caaqil Xaaji Xasan Mahadelle. Wuxuu caaqil u ahaa jilibka Reer Maxamed ee Murursade. Waxaan iyagana xidhiidh fiican la yeeshay ganacsatada ay ka mid ahaayeen Weheliye Macallin iyo Cali Ciid oo labaduba ka soo jeeday beesha Murursade. Dhinaca beesha Cayr, wuxuu xidhiidh sokeeye na dhex maray Caaqil Maxamed Jimcaale (Qooryare) iyo Caaqil Cabdi Diini. Wuxuu kaloo xidhiidh saaxiibtinimo na dhexmartey ganacsade Nuur Ciiriish oo ii noqday La-taliyehaygii gaarka ah.
    Galab kasta waxaan tegi jiray makhaayad uu lahaa ganacsade Cali Ciid, halkaas oo aan kula kulmi jiray dad fara badan oo wax-garad ah. Maalinta Jimcaha waxaan booqan jiray xarunta Sheekh Maxamed Faarax. Waxa xarunta Sheekha ku noolaa xer tiradeedu gaadhayso shan boqol oo qof. Waxa ka dhisnaa guryo qurux badan oo hortooda ubax lagu beeray. Waxay ahayd xarun aad u nidaamsan. Sheekha ayaanu wada qadayn jirnay, aadna u sheekaysan jirnay. Wuxuu ahaa Sheekh caalim ah oo aan ka helay talooyin waxtar ii noqday. Abbaaro maqribka ayaan ka iman jiray xarunta Sheekha.
    Waxyaalaha aan aad u xasuusto muddadii aan joogay Ceel-Buur waxa ka mid ah subax aniga oo xafiiska fadhiya ayaan maqlay Suldaan Faarax Foodey oo dibedda ka qaylinaya. Xafiiska ayuu iigu soo galay isaga oo uu weheliyo Caaqil Cali Jimcaale. Waxaan Suldaanka weydiiyey arrintan ka qaylisiisay. Wuxuu iigu jawaabay in beesha Maxamed Camal ka dhego-adaygtay in ay bixiso mag laga sugayey. Wuxuu kaloo iga codsaday in ciidan lagu saaro oo boqol halaad laga soo qabto beesha Maxamed Camal.
    Markii uu suldaankii iga baxay ayaan amar ku siiyey taliyihii booliiska degmada Maxamed “Hunguufe” in uu berrito ciidan ku saaro beesha Maxamed Camal, kana soo qabto boqol halaad. Warkii ayaa gaadhay Suldaankii. 10.00-kii habeennimo ayey ilaalladii gurigaygu ii sheegeen in ay i rabaan suldaankii iyo Caaqil Cali Jimcaale. Markii ay ii soo galeen ayuu suldaankii i weydiiyey “Igaarkay, ma ciidan ayaad ku saaraysaa Maxamed Camal?” Waxaan ugu jawaabay “Suldaan, sowdigii saaka iga codsaday in boqol halaad laga soo qabto beesha Maxamed Camal.”
    Kadibna, wuxuu igu yidhi; “Igaarkey, ciidanka jooji. Waxaan doonayey in ay Maxamed Camal maqlaan suldaankii oo cadhaysan ayaa ciidan ka dalbanayey guddoomiyaha si boqol halaad looga soo qabto. Waxaan beesha Duduble suldaan ugu ahay in aan usha ku waabiyo, balse aanan ku dhufan. Haddii aan ku dhufto, oo aan dhiig ka keeno, suldaannimadii dhimatay. Ciidankani rag qoryo sita ayuu toogan. Dhallinyaro ayaa ku dagaalami doonta bedbaadinta geela, qaar baana ku dhiman doona. Waxay beeshu isweydiin yaa ciidankan idiin dalbaday. Jawaabtu waxay noqonaysaa “Suldaanka ayaa idiin dalbaday.” Halkaas ayey ku nuqsaamaysaa saldanaddaydii. Igaarkay jooji ciidanka. Marka uu warku gaadho in aan ciidan kaa dalbaday, iyaga ayaa keeni magta.”
    Isla habeennimadii waxan la xidhiidhiyey Taliyihii Boliiska Degmada, waxanan ku amray in uu joojiyo ciidankii uu ku saari lahaa beesha Maxamed Camal. Waxa dhacday sidii uu suldaanku sheegayey, beesha Maxamed Camal magtii laga rabay oo dhammaystiran ayey keeneen.
    Waxaa kale oo aan xasuustaa mar Caaqil Cali Jimcaale i weydiiyey in aan xaas leeyahay. Waxaan u sheegay in aanan weli guursan. Wuxuu igu yidhi; “Igaarkay, marka aad guursato yaan xanta gurigaaga lagala fogaan.” Waan fahmi waayey waxa uu caaqilku u jeedo. Waxaan ka codsaday in uu ii macneeyo. Wuxuu igu yidhi; “Waxan ahay caaqil beesha Duduble ka soo jeeda. Haddii aan guursado gabadh ka soo jeeda beesha Murursade, oo ay Murursade dhibaato na dhexmarto, odayaasha Duduble bannaanka guriga ayey istaagayaan iyaga oo iga codsanaya in aan guri kale u raaco. Sababta oo ah odayaashu kama hadli karaan arrin Murursade ku saabsan iyada oo xaaska oo Murursade ah shaaha noo dhigayso. Guriga xanta lala tago ninka iska leh ayaa beesha taladeeda la wareegaya.”
    Taladaas Caaqil Cali Jimcaale i siiyey waxay i hor timid labaatan sanno kadib markaas oo ay socdeen dagaalladii u dhexeeyey dawladdii Siyaad Barre iyo jabhaddii SNM. Waxaan xasuustaa in xanta iyo iswaraysiga lagala fogaan jiray guryaha ay leeyihiin rag u dhashay beesha SNM, laakiin xaasaskoodu ka soo jeedaan beelo kale.
    Xilkaas aan ka qabtay degmada Ceel-Buur wuxuu fursad ii siiyey in aan wax ka barto xeerarka beelaha kala duwan iyo hab-dhaqanka madax-dhaqameedyadooda. Aqoon iga maqnayd ayaan korodhsaday. Waxaan degmada Ceel-Buur ku bartay madax-dhaqameedyo caqli badan, deggan, dul-qaad badan, kuna tilmaaman xaq-soornimo.
    Waxa ii soo baxday in odayaashaas iyo kuwo la midka ah ee ka tirsan beelaha Soomaaliyeed, meel kasta ha ku noolaadeene, ay ahaayeen maskaxdii ummadda Soomaaliyeed daadihinaysay, kalana bedbaadinaysay muddo ku siman 900 oo sanno oo ah wakhtigii ay soo if-baxday qowmiyadda Soomaalidu; iskuna fidisay dhulka ballaadhan ee ay maanta ku nool yihiin.
    Sababta ugu weyn ee dagaal-oogeyaal uga dillaaceen magaalada Muqdisho markii dawladdii Maxamed Siyaad Barre burburtay waxay ahayd iyada oo odayaashii iyo madax-dhaqameedyadii cuslaa meesha ka baxeen, intoodii badnaydna geeriyoodeen, kaalintoodiina ay buuxiyeen dagaal-oogeyaal iyo rag kale oo aan ehel u ahayn beelaha ay ka soo jeedaan.

  12. Maadaama Sayidku dhac Ku hayay beesha Isaaq xoolohooda isagoo hubna ka helaya innaadeerkii Kenediid ayaa Ina Igarre Ku khasabtay in Kanadiid sidaasi Ku dhacdo.
    Sayidka xataa waa la qabtay,waxase uu Ku badbaaday qabkii dadka soomaaliyeed,waxana odayaashii Isaaq go’aamiyeen in lasii daayo,loona gacan gelin Ingiriiska.
    NINKA DAAROOD EE FIICAN XATAA SUN AYAY KU AFUUFAAN SI UMADDA SOOMAALIYEED UGA HORTIMAADO,UGUNA FIIQAAN FARTA MEEL HOOSE.
    BAL SAYIDKII EEG OO HALGAN,DIFAACA DIINTA,DHAQANKA,DHULKA SOOMAALIYEED MARKII HORE WADAY WUXU KU DAMBEEYAY BOOBKA XOOLAHA UMADDA,CAYDA QABAAILKA SI ANSHAX DARRO AH,GAALAYSIINTA SOOMAALIDA ILAA GARBIHIISA LAGA BAXAY,KUNA SOO BAXAY SHUFTO QABIILAYSAN,QABAAILKII KALENA ISKA DHICIYEEN,ILAA UU CARARAY OO ITOOBIYA OROD KU GALAY.

    SIYAAD BARRE LAMID WAXA LA SHEEGAA INUU INTII HORE FIICNAA,WADDANI AHAA,DAMAC IYO CUQDAD CID GAARA LOO QABAY AYAA ISNA GALAAFATAY,IYO ISKU XEERIDDA BEESHIISA IYO TALO QADHMUUNAANTOODA.

  13. Ma jiro ciidan melateri oo dawlada Puntland gaar u leedahay, markaa cinwaanka maqaalka
    saxa. Puntland waxaa ka jidha ciidan beeleed, gaadiidkooda dagaal iyo askartuba waa qabiil qudha. Waxayna ku qadhaabtaan ama quud ku raadsadaan 4-ta tiknikada ee ay wataan.
    Been yaan laysu sheegin!kkk

    @Salax salaan sare caaqil. Si fiican ayaad DDT ugu buufisay cayayaanka meesha ka ciyaya.kkk kkk kk

  14. @@@@@@ Salax.
    Sxb salaan sare Si fiican ayaad cashar ugu dhigtay Kuwan xinka iyo xasadka somaliland meesha lasoo yuurura,

    Sheekadaa cajiibka ah waan maqlay waans sheeko cajiiba oo run ah,
    Boqortooyo iyo bla bla ayay ku harawsadaan Reer koonfureedka kale Qoladan Maddheedheen laakiin bahdilkii lagu sameeyey way qariyaan iyo sida INA IGARE uu sharafta uga qaaday Kaa boqorka sheegan jirey kkkkkkkk,
    I salut you Mr Salax well done.

    Halkaa kawada Oo buufiya qudhaanjooyinkan cuqdadeysan naxliguna ka buuxo.

    Ciidanka soo goostey waa kuwii markii horeba la khalday Iyo sheekadii caanka ahayd ee Yaa DAAROODAAY KKKKK,
    Markiise ay ogaadeen in lagu awrkacsadey cidlana looga tegey gaashona bogu isku dhegey mushaharna warkiisaba daa markaas ayay soo baraarugeen ogaadeena in la qiyaameeyey kkk,
    Waaxaase ciidama Qaranka somaliland laga rabaa in ay askartaa Galbeedka fog la geeyo Loona sameeyo Dhaqan celin si looga shubo Qashinkii iyo kudaafadii lagu shubay, iyagoo markaa nadiifa ciidanka lagu daro iyagoo si fiican u dhisan,,

  15. Runsheege

    Aad & aad ayaan kuugu raacsanahay fekirkaaga ah in ciidan beleedka kasoo laabtay Puntland dhaqan celis loo geeyo Galbeedka Somaliland. Waa in laga masaxaa maal-raadinta la fahansiiyo-na inay yihiin muwaadiniin dalkooda gees ilaa gees ka
    shaqayn kara kuna noolaan kara.

  16. Laalays iyo Runsheege
    Salaan qaddarin mudan anna iga gudooma.
    Gudoomiye Laalays allaa yacizak.
    Waar waxba meesha kuma hayaan Puntland waad aragteen iyagoo malioshiyo tababar u xidhaya loox qori u eeg Ku gaardiyaya!!!
    Kuwii naf biday waakuwaas nafohooda ugala soo firxaday ee afkooda ka caddaynaya.
    Waa lana khalday kulahaa
    Habaar qabe miyaadan caqliba lahayn weligaa miyaa lagu khaldi?

  17. Maliishiyaadkan ilaa ay kasbadaan aqminaada dalkooda lama siinayo tababar fiican oo had how caqabad Ku noqonaysa isla qarankeena ee sidaa ula socda.
    Khibrado milateri oo Puntland hayn sida dagaal gelin haddii la siiyo ciidan beeleed aan lagu kalsoonaan Karin waxay uga faaiidayn Puntland,waana caqabad aynu innagu isku samaynay.

    Hadda oo qaranku mushahar isaga qoray oo ay maliishiyo yihiin ayay marba Garowe u ordayaan siday innaga wax innagu yeeli karaan ee ka warrama iyagoo khibrad milateri oo fiican leh.

    Iyagaa is bahdilaya,xaga Puntland laftooda laga fahan oo waxa uun lagula macaamili si kasii liidata sida dalkooda loogu cizaynayo.
    QORIGOODAA LA QABTAY….

  18. Maliishiyaadkan ilaa ay kasbadaan aaminaada dalkooda lama siinayo tababar fiican oo had how caqabad Ku noqonaysa isla qarankeena ee sidaa ula socda.
    Maliisjiyo degaankooda jooga oo mushahar qaaata ayay ahaanayaan.
    Khibrado milateri oo Puntland hayn sida dagaal gelin haddii la siiyo ciidan beeleed aan lagu kalsoonaan Karin waxay uga faaiidayn Puntland,waana caqabad aynu innagu isku samaynay.

    Hadda oo qaranku mushahar isaga qoray oo ay maliishiyo yihiin ayay marba Garowe u ordayaan siday innaga wax innagu yeeli karaan ee ka warrama iyagoo khibrad milateri oo fiican leh.

    Iyagaa is bahdilaya,xaga Puntland laftooda laga fahan oo waxa uun lagula macaamili si kasii liidata sida dalkooda loogu cizaynayo.
    QORIGOODAA LA QABTAY….

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*