Barlamaanka Hirshabeelle oo doortay 3 kamid ah kuraasta aqalka sare.

Doorashada kuraasta labaad iyo midka saddexaad ee Aqalka Sare ee  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa habeenimadii xalay ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Doorashada kursiga labaad ee Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Nuur Maxamed Geedi Canjeex iyo Maxamed Cusmaan Dhega-Juun oo afartii sano ee la soo dhaafay ka mid ahaa senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Nuur Maxamed Canjeex ayaa markii ugu horeysay ka mid noqday Senatarada Aqalka Sare, isagoona ka guuleystay Dhega-Juun, wuxuuna Musharax Nuur helay codad gaaraya 70 Cod, halka Maxamed uu isna helay 27 Cod.

Sidoo kale Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama ayaa Cod gacan taag ah ku kusoo baxday, ka dib markii ay u tanaasushay Sacdiyo Yarow oo la tartameysay.

Kursigii ugu horreeyay ee doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamay afar Musharax oo kala ah Muuse Suudi Yalaxow, Axmed Xuseen Caddow Daaci, Cabdullaahi Sheekh Xasan iyo DR. Xasan Caddeey.

1 Comment

  1. Waxaan maqlay xilligii la dooranayey C/qaasim ee shirkii carte, in uu yir nin Talyaani ah, Xaalka Soomaaliya ma dhawo mar haddii aay Madaxweyne nimadii Soomaaliya isku haystaan, raggii Wasiirada ka ahaa, Kacaankii la yiri dambi buu galay!

    Hadda Anigu Waxaan leeyahay, xaalka Soomaaliya ma dhawo Mar haddii aay aqalladii Xeer dejinta Soomaaliya isku haystaan maanta, Muuse Suudi, Axmed Daaci iyo Cabdi Qeybdiid!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*