Gen Goobbe oo xilka ka qaaday taliyihii NISA ee G Banaadir & Cumar Filish oo wax ka og.

Puntlandtimes (Muqdisho)-Agaasimaha kumeel gaarka ah ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ee Bashiir Goobe ayaa xilkii waxaa uu ka qaaday  Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir  Yasiin Fareey, isaga oo taliye Cusub Magacaabay.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Bashiir Goobe ayaa waxaa xilka Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir loogu Magacaabay Muxudiin Maxamed Jimcaale (Warbac), waxaana lagu xusay in uu ogyahay xilka qaadistan iyo Magacaabista  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

5 Comments

  1. Kani Galbay ku kale mooyee Farmaajo galbay waa guul Alleh.
    Doqon Farmaajo, wallaahi hooyadii inaanay nin dhalin, waddankii lagu aaminay ayuu wiil yar oo ARGAGAXISO ah oo Shiikhaal ah 4 xabbo, u dhiibay oo sharaftiisa ku baaba’ashey. 🤣

  2. Bashiir Goobe:
    Marka sharciga la eego ma aha,madax NISA,shaki kuma jiro in laga qaadi ja gada uu haatan hayo ee ah,maareeyaha shirkada dhisan Soomaaliyeed.
    NISA waxa madax u ah si ku meel gaar ah,Yaasin oo uu magacaabay,madaxwaynaha Soomaaliya oo ah mida saxa ah.
    Wasiirka amniga waa Xuntubay ee ma aha,CabdullahiNaxamed nur,
    oo lago xasuusto sida uu ku helay lacagta 33 ka MALYUUN ooDollar oo isaga sheegay.
    Rooble shaqsi uu ogyahay in uu sameeyey boob hanti dadwaynaha Soomaaliyeed ,ayuu so aan sharci ahayn u soo magacaabay.
    Mudane Raiisal wasaare,arinta Ikraan Tahliil Faarax,waxa ay u taal maxkamadaha iyo danbibsarayaasha ee howshaasi faraha kaka bax.

  3. WALAAHI FARMAAJO WAXAA DADKA NACSIIYAY
    CAYAYAANKA BARAHA BULSHADA (C B B),
    INTI SOOMAALI UGU AKHLAAQDA XUMEYD AYAA TAAGEERAY.
    KUWA MEDIAHA KA CAAYTAMAYA AYAA LAGA NASANAYAA HADDUU FARMAAJO TAGO OO ISKU SII DIRAYA,SII KALA FOGEYNAYA
    SOMALIDA.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*