Golaha ammaanka oo war ka soo saaray xaaladda guud ee Soomaaliya.

Puntlandtimes (New York)-15 xubnood ee golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta Soomaaliya ka dhageystay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay walaac xooggan ka muujiyeen khilaafka socda ee ka dhex taagan Dowladda Soomaaliya iyo saameeynta taban ee uu ku yeelan karo jadwalka geedi-socodka doorashada. Waxay ku boorriyeen dhammaan saamilleyda inay isxakameeyaan, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Golaha Amaanku waxay ku boorriyeen dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal sida ay ku jirto danta Soomaaliya ayna hortabinta siiyaan qabsoomidda doorasho daah-furan, lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, oo ku dhacda waqtigii lagu heshiiyey si waafaqsan heshiisyadii 17-kii Sebtembar iyo 27-kii Maajo.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay ku boorriyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah inay xaqiijiyaan in khilaaf kastoo siyaasadeed uusan ka weecin tallaabooyinkooda  wadajira ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee mintidiinta ah.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*