Kooxda Xasaradaha adduunka oo digniin u diray madaxweyne Farmaajo & tallaabo laga cabsi qabo.

Kooxda Xasaradaha Adduunka ee Crisis Group ayaa warbixin ay soo saareen waxaa ay kaga hadleen xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya, xili uu weli taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qoraal dheer oo ay soo saareen Kooxda Xasaradaha Adduunka ee Crisis Group ayaa waxaa lagu sheegay in Siyaasiyiinta Soomaalida ay mar kale dab ku ciyaarayaan, xili dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah iyo doorashooyin.

Crisis Group ayaa Beesha Caalamka kula talisay inay cunaqabateyn ku soo rogaan Hoggaamiyayaasha abuuraya xasillooni darada dalka Soomaaliya, isla markaana ay taageeraan dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble ee ku aadan doorashooyinka.

Sidoo kale Kooxda Xasaradaha Adduunka ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu ka fogaado tallaabo kasta oo lagu ridayo Ra’iisul Wasaaraha, si aysan u carqaladeyn diyaarinta doorashada.

“Madaxweyne Farmaajo iyo xulafadiisa waa inay ka fogaadaan dadaal kasta oo lagu ridayo ra’iisul wasaaraha si aysan u carqaladeyn diyaarinta doorashada. Madaxweynuhu waa inuu ku dhaganaadaa ballanqaadkiisii ​​hore ee ahaa inuu ixtiraamo hadal ahaan iyo ficil ahaan awoodda Ra’iisul wasaaraha ee maaraynta doorashada iyo amniga dalka Somalia ” ayaa lagu yiri Qoraalka ay soo saareen Crisis Group.

8 Comments

  1. Beenta kadaa dadka wadanka
    Somali baa lah dhibka jiraa
    Qofkasta waxa buu qorayaa
    What’s that,xasaradaha
    Adiga webkan qoro dant kugujirto inuu dhib dhaco
    Maxay tahay qofku waa inuu
    Allah kabaqaa
    ,Ali mahdi maxamed tusaale
    Uqaado xamar dartiisa udheer
    Wuuna kadhintay wilashisa
    Ayaa isku qabsaday in masjid
    Lagadhiso oo odaga lodhiso
    Mid baadiiday oo yiri markuu
    Noolaa maxuu udhisanwaayay
    Arinkas majogin waan maqalay,
    Nikan danweynow allah kabaq
    Oo dalkada difaaco asc

  2. BISMILLAHI RAHMANI RAHIM

    HA SOO QAADANINA KUWAAN.
    WAA CADOWGA SOMALIA 🇸🇴 MADAXWEYNE FARMAJO SI GOONI AH BAY U COLAADINAYAAN IYO MADAXDII HORE EE PUNTLAND OO XITAA WAX AAN JIRIN OO DACAAYAD AH WAXA UGU XUN AYEY KA QORAAN. MARKAAD BAARTO SABABTA AYAAD OGAANEYSAA. MADOONAYO INAAN MAGACYO MAGACAABO WAXAAN OGATAGAYAA AL XAAJI “AWLAL” HADUU YIMAADO MAANTA. WAXAAN INAAN WEBKAN PUNTLANDTIMES CANAANTOODA SII ADKEEYO OO AY NOQDAAN KUWO WALIBA CILADAHA BAYAAMIYA SIDII HORE WAA KA SOO ROONAANAYAAN LAKIIN WAA INAY FAHMAAN IN WEBKAN SITA MAGACA WEYN EE PUNTLAND INAY KA ILAASHAAN IN DOWLAD NIMADEEDA IYO DADKANAGA LAGU WAREERSHO TAA INTAAS MAANTA.
    INATA KALE INSHA ALAAH WAXAA SI FIICAN CASHARO WAX BARASHO OGA SUGEYNAA AWLAL INUU IDINKUGU DHIGI DOONO MUHIIMADUSE WAXAY TAHAY IN DADKANAGU FAHMAAN AMA GUUD AHAAN SOMALIDA JECEL IN SOMALIA 🇸🇴 XASISHO OO BAR WAAQOWDO OO MAR UN HORU MARTO OO DOWLADNIMADEEDU XASISHO DADKA CRIMINAL KA AH NA UMADA LAGA QABTO OO POLICE KU SHAQEEYO OO MAX KAMADUHU SHAQEEYAAN OO SHAREECADA ISLAM KA SHAQEYSO DALKEENA OO LA JOOJIYA UGASHIGA QABIIL KA DIINTEENA SUUBAN “AMA SHAATIGA SHAYDAAN KA” OO DHIIG QOF MUSLIM AH LAGU DAADSHO. OO MUJRIMIINTA SIDA HASSAN DAAHIR AWEYS OO KALE TUSAALE LOOGA DHIGO QOFKII DIINTEENA SUUBAN UGASHTA SHAATIGA SHAYDAAN KA IN SURKA LAGA JARO TABEELE LA SURO QOFKII SOO AGMARANA DHAGAX UGU DHUFTO WAA MUHIIM IN TAAS LA SAMEEYO SI LOO XAKAMEEYO MUJRIMIINTA.
    KOOXDAN NIMAN KA NOOGOHOODU WAA ISAAQ SIDA MR. BRYDAN OO KALE SIDII AAN IDIN SHEEGAY INTA KALE WAXAAN OGA TAGAYAA AQOON YAHAY ALXAAJI AWLAL IYO SABABIHII QAARKOOD LOOGA MAMNUUCAY SOMALIA 🇸🇴 INAY YIMAADAAN OO PROPOGANDA FAKE AH KA FAAFIYAAN XITAA ISKU DAYEY INAY CARQALADEEYAAN DEYN CAFINTA SOMALIA 🇸🇴 IYO MADAXWEYNEHII HORE EE SOMALIA 🇸🇴 PROFESSOR HASSAN SHEIKH MOHAMUD HAFIDULLAH INKASTOO DADKA QAARKOOD JECLEYN HADANA ANIGA WAA II NIN WANAAGSAN WAA RUN IN KASTOO INTA BADAN SOMALIDA MAANTA LAWADA NACAY DHURWAAYADA QABUURAHA MOGADISHU EE CURYAAMISAY UMADA SOMALIYEED HORU MARKOODA XISILOONIDOODA IYO DOWLAD NIMADOODA DHIBKA BADAN LOO SOO MARAY IN LA HELO SYSTEM U SHAQEEYA GUUD AHAAN UMADA SOMALIYEED
    BISMILLAHI RAHMANI RAHIM

  3. Crisis group waa tuugo magaca ku dhistay magaca somalia. Midka Yehudka ah ee urkaan maanusha waxaa u hoyata qof dumar ah ee ah somali. Ururkaanu waxuu geed dheer iyo ku gaaban u fuluulay si ay u kala gooyaan oona u hagardaamiyaan geedi socodka umada somaaliyeed. Warkasta ee ay sheegaan waxaa ku jidha khiyaano yuhuudeed. Aad bay iskugu taxaluusheen in ay puntland burburiyaan laakiin tii Alle ayaa dhakartoodii kala dhantaashay. Sharwade iyo Khaain ma guuleysto. Ey-gaan uruurkaan maamula waa in abidkiis laga mamnuucaa in uu abid cag soo dhigo arlada somaaliyeed.

  4. This is Mark Briden’s initiative to see one day Somalia progression toward peace stopped, since he is a person who believes in Somaliland sovereignty.

  5. NGO ayaa wax weyn ka dhigaysaan.
    TUUGO AYAY AHAAYEEN SANNADKII KU CUNA SOMALIYA 50 MILLION NAIROBI KU RAAXAYSTA.
    Shaqada ugu weyn ay qabtaan waa in ay CRISI abuuraan magacooda fiiri un.
    Waa wasa CIA miiran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*