Madaxtooyada Soomaaliya oo war ka soo saartay kulamo uu maanta la qaatay..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee Dawladda Sweden u soo magacawday Soomaaliya Mudane Per Lindgarde.

Danjiraha Boqortooyada Sweden Mudane Per Lindgarde oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Mudane Carl XVI Gustaf ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Lindgarde ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi, is-ixtiraam si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada amniga, gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha, maalgashiga, horumarinta iyo arrimaha bulshada.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Danjiraha Cusub ee Sweden ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in uu soo dhoweyn wanaagsan kala kulmi doono shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

4 Comments

  1. MADAXWEYNAHA Jamhuuriyadda Soomaaliya, ee masuuliyadda sharciyeed ka saarantahay min Lawyacaddo illaa Libooye-Soomaaliya, waxa aan la soo dhoweyneynaa martida cusub!

    Taa haddaan ka gudbo, waxa aannu cod dheer ugu sheegaynaa in wasiirka koowaad, isaga oo mahadsan, uu waddada uu ka baydhay ku soo laabto.

    Jaalle ra’iisal wasaare, annaga oo xushmad u hayna xilka aad huwantahay, waxa aannu ku xasuusinaynaa in doorashooyinka & amnigooda laguugu igmaday in aad tiri DHEXDHEXAAD baan ahay oo murashax ma ihi. Waxaa, haddaba, hadda muuqata in aad waddadaa ka baydhay oo aad dhinacyadii doorashada isku hayey dhinac raacday; taas cid walba wa u muuqataa. Kalsoonidii lagugu qabay, khaasatan doorashooyinka, waad lumisay sida muuqata.

    Jaalle ra’iisal wasaare, annaga oo ku ixtiraamayna, shicibku kaama aysan filayn in doorashada & amnigeeda aad ku wareejido Xasan Sheikh & xertiisa. Haddaad, haddaba, toobad keeni weydo oo aad dhexdhexaadnimadii wax laguugu aamminay ku soo noqon weydo, golaha shacabka ku soo celi ammaanadii laguu dhiibay ee sida muuqata aad ugu fashilantay ulana ambatay. Waxa aannu ku leenahay ‘STOP’.

    Gunaanadkii, waxa aannu sugnaaba waa 18ka bisha & warbixintii NISA ee kiiskan qoloba dhinaca u jiidanayso, haddii alle idmo. Dagaalba markaas buu biloowyahay, intan ka horraysa waa hordhac. Inta aan la gaarinse, waxa su’aashu tahay, yaa metelaya wasaaradda AMNIGA?! Mase qabsoomayaa kulankaasu?

    • Fadlan ninka waalan oo kursigu madax maray jar ha ka tuurin. Hadaladaada hees jees ka ah ayuu Run moodayaa ee ha waalin.

  2. Rooble mahan resalwasaare
    Waa nin aan uqalmin darajada
    Lasaaray waxaa uu lakulmay
    12 oo jifa ah marka tilabadii
    Uu qaadaa waa ku fashil taas
    Waxaa kentay mahan nin diblimasiyada yaqaano
    Waa nin NGO ahaa
    Umada somali waxaan layahay
    Ninkaas isha kuhaya dalkiina
    Yusan bur burin aniga hada
    Qorbaha ayaan ku nolahay
    Waxaan rajo kalahaa in aan
    Dalkii hoyo kunoqodo laakii
    Dhaqanka rooble waxaan uarkaa
    Inuuyahay nin baahanhadana qabiili ah aqirkii kuwa uu
    Shirinaayo ayaa togN doono
    Sodii caydiid uu utogty
    Kuwii watay oo uu kuhalagay
    Umadii somaliyeed
    Taariikhdu ayadaa isqorayso
    Somali dalkiina ilaalsada
    Uhuro urahaye oo dalkii
    Kenya dhulka lagalay ayaa
    Rabo inuu burburiyo somalaa
    No way

  3. Maxay Ku nuugtaa maxayse ka Nuugtaa???
    Waa Xaalada Dalka Magac Ahaan u jira laakiin Saqxada waxwalba yihiin 00/00,,
    Meel tuug oo dhan usoo xidhxidhay siduu wax uga boobi lahaa Dalkaa Hagaagay khayrkii ka hadhay quwado shisheeye iska maamulanayaan dadkii lahaana ay yihiin daawadayaal afka soo kala haya rabana in waxwakba ajaaniib u qabto kkkkk,,
    Aduunyo kala war la’,,
    Waa xero maafiyo tuugo wada daalimiin ah maxaan boobaa maxaan dhacaa,,ninwalba ka buuxso kana gaadhsii hadhowna ka carar,,
    Waxa noocaas ah ayaa dadka qaarkii Dowlad ku sheegayaan kkk
    Dowladnimo ka dheer reer koonfur intay ninwalba tuugadu iyo maafiyadu u yihiin hogaan iyo madax,,,

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*