Madaxweyne Deni oo mas’uuliyiin xilka ka qaaday kuwa kalena magacaabay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26 ee 12ka September 2021, kuna saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qardho iyo Magacaabid Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen Degmada Qardho.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu garawsaday: In ay dhamaatay muddo xileedka Golaha Deegaanka Degmada Qardho

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda, kartididooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la kala direy Golaha Deegaanka Degmada Qardho

2. Waxaa Maxamed Faarax Abdiseed (Buraale) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Qardho.

3. Waxaa Maxamuud Maxamed Ciise si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Qardho.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Dhanka kalena, madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa duqii Qardho Cabdi Siciid Cismaan u magacaabay guddoomiyaha gobolka Karkaar.

3 Comments

  1. Waa riwaayad,hadba ka soo cusboonaysiiyo:
    Maamul goboleedyada iyo xitaa Dowlada federaalka ee Soomaaliya runtii madaxdooda,waxay u dhaqmaan oo ay jecelyihiin in gobolada dalka guud ahaan,si ku dhisan nidaam kalitalis ah,oo nasiibdaro ay dadkii Soomaaliyeed ay sidaasi u dhisteen,ka danbow markii,dastuurka,Puntland maamulka ka Puntland aan xitaa sida uu yaha looga dhaqmin,oo waxwalba,ay hoos tagaan,haddaba shaqsiga ah madax maamulka.
    Waa la ogaa wixii mudane Deni uu ka sameeyey soo xiligii xildhibaanada aqalka sare oo isaga kaligii soo nagacaabay,arintaasi waa,mid shaki wayn galinayaa soo xulida xildhibaanada Baarlamaan ka federaalka ah ee Soomaaliyeed Soomaaliya.
    Waxa lago sheegay doorasho tijaaba ah,waa wax aan runtii loo baahnayn balse ujeedado tahay in waxoogaa lacag ah looga qaato hay’adaha caafiyo Dimoqoraadiyada wadamada soo,aan ku dhaqmin habkaasi.
    DENI iyo kuwii ka hor ayey a waa ku guuldaraysteen in ay habkan qabaa’ilka ee ku dhisan cadaalad darada in la joojiyo mudo ka badan 22 sanadood.
    War beenta iyo xayeysiinta umadda ka daaya.
    Guul Puntland cusub oo ku dhisan in sharcigo sareeyo iyo cadaalad.

  2. Afar todobaad ka hor Madaxweynaha Puntland wuxuu isugu yeerey madaxa sirdoonka Puntland – Puntland Intelligence and Security Agence. Wuxuu ka dalbadey in ay meel ku sheegaan Ikraan Tahliil… Madaxa sirdoonka waxay Madaxweynaha ka dalbadeyn in uu siiyo muddo saddex maalmood ah..

    Saddex beri ka dib waxaa Madaxweynaha Puntland u caddaatey in aysan Puntland laheen wax hey’ad sirdoonka ah laakiinse magac hey’ad ay leedahay…

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*