Maraykanka oo sheegay in Soomaaliya halis wajahayso iyo qorshihiisa.

Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Maraykanka  Avril Hanes ayaa hadalkaasi ka sheegtay Shirka sanadlaha ee Amniga iyo Sirdoonka ee 2021 oo lagu qabtay magaalladda Washington DC.

Kulankaasi waxaa isku soo duway Ururka Isgaarsiinta iyo Elektroonikada ee Ciiddanka Hubeysan  iyo Isbahaysiga Sirdoonka iyo Amniga Qaranka dalka Mareykanka.

Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Maraykanka, Avril Hanes oo Shirka kaga qeyb gashay Aaladda Fogaan Araga  ayaa waxaa ay  tiri: “Cabsida ugu sareysa ee Argagixisada ee Xilliga ma aha dalka Afganistan, balse waxaan aad u arkaa inay Khatarta ka soo fool leedahay dalalka Somalia, Yemen, Syria, Iraq iyo Kooxda Daacish, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay sii raacisay Cabsida Koowaad ee Argagixisada ma aha Afganistan ee waxa ay Hay’addaha Ammaanka iyo Sirdoonka si gaar ah indhaha ugu hayaan khataraha Argagixisada ee Maraykanka uga imaan kara dhowrka dal ay farta ku fiiqday ee kala ah Somalia,  Yemen,  Syria,  Iraq iyo Kooxda Daacish ee ISIS.

Dowladda Maraykanka waxay horey u sheegtay in Kooxda Daacish-ta Afganistan ee ISIS-K tahay Khatarta weyn ee ay ugaarsan doonaan, kadib, markii ay weerar Is-qarxin ah bishii hore August 26-dii la geysteen Garoonka Diyaaradaha Hamid Karazai International Airport ee ku yaalla Caasimada dalka Afganistan ee Kabul,  iyadoo weerarkaasi lagu dilay 170 qof oo ay 13 ka mid Askar Maraykan ahaayeen.

3 Comments

  1. Ninkan rooble laxabay waligii
    Mausan arag maamul dowli ah
    Bad ayuu ku dhex dhacay
    Markaan fiiriyo qaabkiisa
    Waa nin anxiety qabo waa xanuun dhanka maskaxada ah hadii
    Aad fiiriso jirkiisa waxaad
    Arki kartaan dhibka kamuqdo jirkiisa
    Waa nin ujilcan ajanabiga
    Waana nin lagu qaldi karo dhaldhalaal
    Been ah lagu jiidankaro
    Waa nin hadii aan laga hortagin somalia ku calinkaro
    1991 tusaloyn gaagaban
    Kenya somalia dhulkeda ayay
    Bobaysaa in uu lahashiyo
    Mahayen 2 masar Ethiopia
    Ayaa dhib kala dhaxeeyaa
    Oo somali bay rabtaa in aay
    Dagagaal galiso in uu aado
    Lahashiiyo mahayen sacuudi
    Waan ognahay 80milion in uu kadiiday farmaajo laakii
    Xogta aan hay 10milion buu
    OgalaadY rooble mida cajibka
    Ah inuu ciidamDii gacanta
    Lagalo waa tusaale nagufican
    Maxaa talo ah somali
    Ninkaas sumaysan gacan bir ah laguqabto barlamanka
    Hafadhisto ayagaa horay mandate usiyay kalalabta
    Cidamaduna waa in aay difacan
    Qaranka somalia
    Si awood ah qabilkii isku dayo dagaal waa in cashir
    Lodhigaa anagoo kalaharin
    Because yeeli mayno
    In aan ku noqono 1991
    Asc

    • Cajiib itoobiya in badda lasoiyo waa sax miyaa dadka iyo dalka in lasiiyo waa sax qaadka itoobiya waa dawo miyaa kan kiiyanah sun itoobiya walaaleheen miyaa kiinyanah cadow farmaajo waa nin cafimaad qaba oo wadniyah miyaa kkkk warka isii iii waran oo hadanah ii waran

  2. Arinto ma aha,sida aad wax u sheegayaan,labadii a fadhi ku dirirka ah.
    Raiisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble,arinta
    Ikraan Tahliil Faarax,waxaa shaqo ku keh maxkamada oo waa in ka baaro oo ka dibna ka soo bandhigo wixii dhacay waa arin sharci.
    Arimaha doorashada oo uu xilsaaranyahay qaarna ay dhamaadeen,kuwana socdaan,waa kuwa aqalka sare.
    Waa in xildhibaanada aqalka hoose si dhaqsa ah loo bilaabo.
    Marka waa in dhabta ah ee jira laga hadlo.
    Soomaalido waa in aysan noqon kuwo laga kee iyo dad ta guud.
    Musharixiinta waxaa la gudboon in ay muujiyaan biseel siyaasadeed,oo aysan noqon sida,website yada beelaha ee ay qoraan dad aan ahayn ,wariyaal sax ah,laakiin iska dhiga,waa ay badan yihiin.
    Soomaaliya guul iyo horumar,cadaalad iyo in sharcigo oo sareeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*