Puntland oo mamnoocday in hub lagu dhex qaato magaalada Galkacyo.

Puntlandtimes (Gaalkacyo)-Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay in ay dardar gelin doonaan howlaha suvida Amniga Magaalada Gaalkacyo oo dhowr jeer ay ka dhaceen weeraro iyo qorsheysan.

Guddoomiye Sanyare ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay sidii ay uga hortegi lahaayeen Al-Shabaab oo uu sheegay inay doonayaan in ay falal amni darro ka geystaan Magaalada Gaalkacyo, markastana diyaar u yihiin suvida Amniga guud ahaan Gobolka Mudug.

Waxa uu sheegay in guud ahaanba gudaha Magaalada Gaalkacyo laga mamnuucay in lagu dhex waato hubka noocyadiisa kala duwan, ciddii lagu arkaana tallaabo laga qaadi soono.

Digniinta maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli bilihii la soo dhaafay Ciidamada Puntland iyo kuwa Galnudug ay wadeen howlgallo ka dhan ah Al-Sbabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*