Ra’iisul Wasaare Rooble oo awaamiir cusub soo saaray & mas’uuliyiin digniin loo diray.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen  Rooble ayaa amar ku bixiyay in aan wax kharash ah laga bixin karin lacagta Hey’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ee loo yaqaan SDRs, iyadoo aan ogolaansho laga heeysan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

War ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa waxaa la faray wasaaradda maaliyadda in mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeega dowladda waa in ay marka hore  mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda ay ogolaansho ka helaan Ra’iisul Wasaaraha.

” lyada oo laga ambaqaadayo marxaladda kala-guurka ee dalku marayo iyo baahida loo qabo
in taxaddar dheeraad ah loo yeesho hannaanka kharash-bixinta DFS iyo isticmaalka
qoondada lacagta hay’adda IMF ee looyagaan SRDs, Ra’isul Wasaaraha XFS wuxuu farayaa
Wasaaradda Maaliyadda ee ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto:

1. In aan la bixin karin wax kharash, noocii doono ha ahaadee. ilaa oggolaansho laga helo
Ra’iisul Wasaaraha.

2. Mushaarka Ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka cidamada, mashaariicda iyo wixii kale
ee kharash lagama maar-maan u ah adeegga dowladda, waa in marka ay mas’uuliyiinta
Wasaaradda Maaliyaddu waajibaadkooda shaqo ka gutaan, oggolaansho ka helaan Rw XFS
inta aan la bixin wax lacag ah.

3. Wax lacag ah lagama soo qaadi karo qoondada DFS ee lacagta hay’adda IMF ee loo
yaqaan SDRs iyada oo aan oggolaansho laga helin RW XFS.

4. Ma jirto wax kale oo iska beddelay shaqada hay’adaha dowladda ee warqaddani ku
socoto.

7 Comments

  1. Ninkii hadlayaa ha iska hadlo, Somali waxaa usoo baxay hoggaamiye, dhiirran, daacad ah, damiir leh, mana soo marin ilaa maalintii ay gobanimada qaadatay ninkan oo kale, Aun Abdirashiid Cali SHarmaake iyo Adan Cadde malaha odoyaal sharaf leh bay ahaayeen. Mafiyadii Farmaajo , tuugtii, kufsato, disho, xado, Allah dalkii nin mahdi ah oo ka af qabta waa soo diray,
    Abiya Ahmedow hooyadaa goblantay, Farmaajo daldalaad buu ku dhowyahay, adna ka darrid, Afewerqi mee, magacaa ba’.
    Wuxuu ummanda Somaliyeed ka donna lama wuxuu ka doonay Amxaaro iyo shisheeye iyo inta ugu xun Somali êe inan gubbeed tuug beenaalayaal ah, mee Gorgor, mee Duufaan, kkkkk, caruuro cabciis, kii adeerkaa ee xididaystay ee wax walba haystay baa duhur halhaleel ku. baxay oo xataa inankiisii Ła qabtay, macdala Farmaajo fulay xaarle, walaashaa baa noo kaa sheegtay, iyada ayaa haddaad kheyr leedahay kaa heli lahayd, Ikraan maxay kaa heli, adigaaba hablaha Somaliyeed soo wada kufsaady. Nin madaxweyne sheeganaya oo leh, kiis maxakamad lama geyn karo, caddaalad is hortaagaya, maxaa laga sugayaa, ninkan inta la qabto baabuur halagu jiido suuqyada Xamar, kii xilka ku wareejiyey iyo kii Buffalo iyo busaaraddii kasoo kaxeeyey (Shariif iyo Hassan Shiiklh) buu dad ugu horreeyey, wallaahi inta Somali u liidataa waa intuu wato reer walba.

    • Wax fiican waa wada
      Laakiin ha iska ilaaliyo indhegta wax loogu sheego. Waxaa lagu xantaa nin ku dooda in sharciga la maro isagan lagu tuhmayo in uu dalka dembi ka galay. Weliba mid weyn oo u baahan in cadaadlada la hor keeno.

  2. Waxaa la yaableh, laba nin oo XIL GAARSIIN ah oo ay laba bilood u hadhay oo ummad dhan raba in ay rogaan!!!

    Si kastaba, wax la ammaano meesha kama muuqdaan. Waxaa kaliya oo muuqda waa in wasiirka koowaad uu DHEXDHEXAADNIMADII ka baxay oo uu koox ku biiray. Marka, waxa hadda noo muuqdaa waa laba kooxood oo iska soo horjeeda, sidaana doorasho kuma qabsoomayso.

    Sidaa daraadeed, labada kooxood waa in hal koox lala fuqaa ama kooxi ay kooxda kale u qoordhiibataa. Waliba warqaddan waxaa igala habboonayd (marka la eego sida uu Rooble ayaamahan wax u waday kaddib markii uu ku biiray kooxda la baxday BEDBAADO QARAN) in uu soo saaro warqad uu xilka uga qaadayo wasiirka maaliyadda sidii Xundubay.

    Gunaanadkii, wax la ammaano meesha kama muuqdaan, waxaase habboonaan lahayd in fududaynta doorashada lagu mashquulo.

  3. Shaqo wacan ROBLE. Saas baa loo baahan yahay in wax loo qabto ama meesha waa layskaga tagaa. “Qalbi qooqan iyo qooro aan wax qaban qaadoow adaa leh” ayuu ni ku gabyey.
    Somali waxaa la haray Niman qalbiga ka qooqan oo uu ku dhacay ‘qarow xileed’ oo aan lahayn wadaninimo iyo karti iyo caqli iyo xeelad iyo xishood iyo diin iyo aqoon ay wax ku qabtaan. Waa wada haawey xishood lahayn oo u haysta in xilku yahay mashruuc loogu hibooday. Waa wada argagixiso dhaqaale oo dalka iyo dadka somaaliyeed mooraduugay oo curyaamiyey.

    • Maadaama uu Rooble u muuqdu in uu yahay nin ka xishoonaya daliiqida hantida qaran, waaxaan kula talin lahaa in uu gacmihiisa ku saxiixo jeeg kasta oo lacag lagu bixinayo oo uu ku amro IMF iyo bangiga dhex in aysan sarifi karin jeeg aan diinwaan gareysneyn oo aan lahayn saxiixiisa rasmiga ah. Wakhtiga kala guurka waa wakhtiga maalin taajirku wadanka mooraduugaan.

  4. Waxaa la yiri, adduunyada Waxaa loo yaabaa marka la arko, Asharaaf Geel dhaceeysa oo uu Xawaadle wacdinayo oo uu leeyahay, War waa Xaaraan xoolaha Islaameed iska daaya! Kkk

    Hadda, waa arrin cusub in la arko, nin Hawiye ah oo leh, war xoolaha Ummadda yaanan la dhicin, waase ifafaalo fiican haddii laga dhabeeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*