RW Rooble & madaxda dowlad goboleedyada oo la kulmay ku-xigeenka xoghayaha guud ee QM.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa Maanta kulan la qaatay wafdi sare oo ka socday QM oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Amina Jane Momamed.

Shirkaan dhexmaray waftiga qaramada Midopbey ee Soomaaliya  soo gaaray Muqdisho iyo madasha wadatashiga Qaran ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarrada ka jira Soomaaliya, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo Arrimaha bulshada.

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle ayaa aalada ZOOM-ka uga qeyb galay kulanka, halka Madaxweyneyaasha maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay goobjoog ahaayeen kulanka ka dhacay Muqdisho.

Aamina Jane Maxamed ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey iyo waftiga ay hoggaamineysay oo Maanta soo gaaray Caasimadda ayaa kulan hore la qaatay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka wadahadlay arrimaha horumarinta bulshada (SDG), xoojinta xiriirka wada shaqeyneed  ee Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, dhammeystirka doorashooyinka dalka, awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha hortebinta u leh Shacabka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*