VIDEO: Muuse Suudi,”Meesha igu celiya ama haddii aad i dhibsateen dadka iga reeba”.

Puntlandtimes (Jowhar)-Musharixiinta aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta jeediyey khudbadohooda ku aadan waxqabadkooda iyo qorshayaashooda si ay codka uga helaan barlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Goobta ay ka dhacayso hadal jeedinta Musharixiinta u tartamaya aqalka sare ayaa waxaa ka sugan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi, waxaana sidoo kale joobjog ah ah guddiga doorashooyinka Heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle ayaa sheegay in xubnaha tartamaya lagu soo xulay hab caddaalad ah, waxaana mas’uuliyiinta ka tirsan Guddiga oo madasha hadal jeedinta ka hadlay ay sheegen in Doorashadu ay si caddaalad ah ku dhici doonto, isla markaana ay dhankooda mas’uuliyad iska saari doonaan.

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah ragga markale raadinaya xildhibaanada aqalka sare ee Soomaaliya ayaa waxa uu yiri, “Senator aqalka sare ayaan rabaa hadii aan u qalmo iigu celsha hadii aad I dhibsateena adinka iyo dadkaba iga reeba”

3 Comments

  1. SALAAMU CALEEEEEEEEEEEEEEKUM

    MOOOOOOOOOOOORIYAAN WAAXID….. laga soo bilaabo 1991 ilaa hadda is-baaro lee u taal………..

  2. Waxaan yaadoranaayo nin rajo
    Kalah somalia doranmaayo
    Muse suudi magaca uu wato
    Iyo dhaankiisa waa labo
    Dadkii dagalada sokeeye
    Sogalay waa iska tageen kuwan
    Musa sudi cabdi qabdiid
    Xafe dadka aay kasojodan
    Mawaayeen subxn allaah

  3. Waa runtiis. Aqalka Sare muxuu qabtey? Kkkk ka Hoose ayaanan xitaa waxba qabsan. Waa qudbadii ugu runsaneyd uguna cajiibsaneyd.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*