Wakiilada beesha caalamka oo cadaadis ku bilaabay Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble.

Beesha Caalamka ayaa aad uga walaacsan khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo saameeyay Hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa tiro laba jeer ah waxaa ay soo saareen qoraalo ay uga dalbanayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble in ay khilaafka xaliyaan si uusan saameyn ugu yeelan howlaha doorashooyinka ee socda.

Wararkii ugu dambeeyey ee aannu ka helayno Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Xerada Xalane ay cadaadis xoogan saarayaan Madaxda is khilaafsan ee dowladda, iyaga oo ka dalbanayay inay wax walba wada-hadal ku dhameeyaan.

Xogta ayaa sheegaysa in saaxiibada Soomaaliya ay u soo jeediyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inay joojiyaan qoraalada sii hurinaya qoraalkooda, si uusan u sii xoogeysay.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa weli taagan, waxaana dhawaan fashilmay dadaalo xal raadin ah oo ay sameeyeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

5 Comments

  1. Beesha calamka waxa layirahdo
    Majiraan tusaale adùunku
    Wadankasta asagaa xor uah
    Dalkiisa laakìin waxaa jiro
    Wadamo sida mafiyada ushaqeeyo oo aduunka dhaco
    Tusaale shaqaalaha somalia waa
    50.000 oo aay kujiraan cidamada xooga dalka mushar
    Ayay qaataan 5,sano iyo 8bilood lacagtaas
    Màali makadaahin,hayeeshee waxa
    Besha calamka aad kuhaysaan
    Waa kuwii lacagahaas dhicijiray ,xasan sh maxamud
    Askarta ayuu ku yiri 100$
    Ninkii aan rabin haiska tago
    Been mahan meelkasta ayay
    Kujirtaa ninkii ciidan ah ee
    Malitaas nolaa miyuu yalikaraa 500$ maanta qaadanaayo
    Xasan iyo xulufadisa hasonoqdèno hadaba beel calam
    Majirto èe tuugo ayaa jirto

    • Wasiirkii amniga ee xilka uu ka qaaday Ra’isul Wasaare Rooble ayaa kashifay xogo xasaasi ah oo ku saabsan qorsheyaal aan caadi aheyn.

      Hoos ka akhriso qoraalka Xundubey:

      Ka dib: markii aan dareemay in dawladda Soomaaliya ay dhaqaala la’aan xoogani hayso, ayaan Rooble u tegay. Waxa aan ku iri: walaalow, dhaqaala la’aantaan kuma sii jiri karnee, aan Wadamada Carabta ee afartii sano ee la soo dhaafay aan wax dhaqaala ah oo muuqda na siin, aan albaabadooda garaacno! Carabtiina waa taas heshiisay oo arimihii Gacanka Carabtu waa iska dhamaadeene, yaanan kaligeen meel cidla ah iska fadhine!

      Waxa uu igu yiri: waa yahaye, ka soo shaqeey. Waxa aan go’aansaday in aan Masar ka bilaabo. Waxa aan la hadlay rag furayaasha Masar in ay haayaan aan ogaay. Arinkii Masar waa laga soo shaqeeyay. Waana lagu guuleestay. Markii uu arinkii bislaaday, asaga ayaa toos ula xariiray oo waa na dhinac maray, hawshiina waxa uu u dhiibtay DAD ay isku JUFA yihiin!

      Markii aan ogaaday AF-GEMBIGAAS, waan u tegay Rooble. Waxa aan ku iri: waaba arkaa dhaqankaaga, ee maxaad Masar ula tegi rabtaa? Waxa uu ii sheegay waxyaaba yaryar oo aan i qancin! Waxa aan ku iri: walaalow, dal walba waxa uu leeyahay dad fura oo ay xantamaan, kuna kalsoonyihiin, ee maad qof iyo laba ka wadatid dadka Masar fura, arinkana horay u soo bisleeyay? Waa uu diiday. Waxa aan mar dambe xog ku helay in markii uu Masar tegay lagu yiri: waxa aad rabto ma taqaanide, marka dambe noo imaaw adiga oo yaqaana waxa aad rabto!

      Asaguna marna nalama wadaagin wixii uu socdaalkaas iyo kuwii kale ee faraha badnaa uu kala soo kulmay!

      Imaaraadka:
      Markii uu fashiliyay arinkii Masar, waxa aan sii wadnay arinkii Imaaraatka, anaga oo reja ka qabna in uu is garan doono. Sidii hore oo kale waxa aan ku guulaysanay in aan xariirkii Imaaraadka soo celino. Laba jeer ayuu Rooble la kulmay Danjiraha Imaaraadka Soomaaliya u fadhiya. Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliyana waa joogtay fadhiyadaas. Waxa aan ka codsanay Imaaraadka, in ay dhaqaale ugu deeqaan Dawladda Soomaaliya, waana ogolaadeen, wax SHURUUD ah oo ay nagu xireena ma jirin, oo aan ka ahayn in aan RAALI-GELIN ka bixino arimihii lacagta ee horay looga xayiray.

      Markii hawshii leesku afgartay waxaa leesku raacay in aan anugu tago Imaaraadka oo aan gogol xaar u sii sameeyo, asaguna uu yimaado.

      Habeenkii talaadada ee 07/09/21, ayaan aniga iyo Rooble balanay oo uu ila dardaarmay.

      Hayeeshee, Rooble wuxa uu mar kale go’aansaday in uu AF-GEMBI kale sameeyo oo uu arinka u dhiibto Dad JUFADIISA ah, anigana uu DHABAR-JEBIN igu sameeyo.

      Maalintii Arbacada ee 08/09/21, waa maalin kadib uun, markii uu ila dardaarmay, ayuu qaatay go’aan sharci dara ah oo uu leeyahay xiliki waa ka qaaday!

      Waxa aan isku dayay dhowr jeer in aan la xariiro oo aan waydiiyo sida ay wax u jiraan? Marnaba Taleefan igama qaban, ilaa haddana isma maqal, hadii laga reebo dad waxgarad ah oo uu ii soo diray oo uu ku yiri: Xundubey igala hadla ee qoraalada ha joojiyo!

      Intaa kadib: DADKII ay isku Jufada ahaayeen ayuu u diray Imaaraadka, si ay arinkii ula wareegaan!

      Ma aqaano halka arinkaasi ku dambeeyay! Asaga – waa Rooblee – ayaa laga rabaa halka uu arinkaasi ku dambeeyay!

      Sida lawada ogyahayna XOGAHA socdaaladiisa oo dhan cid JUFADIISA ka baxsan lama wadaago!

      Sida wax u dhaceen oo kooban waa sidaas.

  2. Waa maxay mauqiifka Beesha caalamka. Ma xaqa iyo cadaalada ay umada somaaliyeed rabto ayey rabaan in ay indhasarceeyaan. Arinku alamtara ayuu soo dhaafay oo kuma eka farmaajo iyo roble. Umada somaaliyeed ayaa cadaalad raadinaysa oo waxay rabaan in xaqa loo hiiliyo oo cadaalada la hor keeno dulmiileyaasha dooxata ah ee ikraan tahaliil iyo kuwii ka horeeyey Dooxatay. Wakhtigii umada somaliyeed lagu bajin jirey shabaab iyo doorasho ayaa khalkhal galeysa waa la mooday. Maanta somali waxay rabaan dhiig dulmiile oo ay cabaan. Cidii is hortagta rabitaanka cadaaladeed ee umada somaaliyeed raadinayso ayadaa kala kulmin wajiqabax iyo ixtiraam la’aan. Waxaan kula talin in saaxibada caalamka ee somaaliyeed ay la saftaan rabitaanka iyo cadaalada ay umada somaaliyeed raadinayso. “Beesha caalamku” ma waxay garan waayeen waxa ay garowsadeen shabaab. Shabaab gacmaha ayeey ka dhaqdeen dilkaan waayo maysan Rabin in ay la Hardamaan hirarka xoogeystey ee umada somaaliyeed ee ku saleysan cadaal raadiska.

  3. Waxaan kaloo kula talin pubtland in ay joojiso shirka loo balansanyahay in lagu qabto Garoowe. Waxuu shirkaasu sababi karaa in xaley Dhaley laga noqdo dulmiyadii ka dhacay xamar oo ay dulmileeyaashu halkaas ku helaan mus ay uga xaluushaan cadaalada.

  4. Somalina waxaa kula talin in ay cadaalada u hiiliyaan ayagoo eegin qabiil ama siyaasad ama gayi dagaan, waayo, dulmigii walaalkaa maanta la kulmay adna bari ayuu kugu habsan. Nabsigu ma sal dhigto ee hadba meel buu ku hoy bariistaa. Hadii aan dulmiga laga dhidhiyin waxaa la gaarin wakhti ay somaaliya noqoto sida kenya oo habeen madoow hadba muwaadin hoy-giisa lagala baxo oo iL dambe la saarin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*