Wasiirka arrimaha dibadda Qadar oo la shirsan madaxda Taliban.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Qatar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Althani ayaa booqasho ku tegay caasimada dalka Afganistan ee Kabul, isagoo Kulamo la leh Hoggaamiyayaasha Taalibaan.

Afhayeenka Taalibaan, Suhayl Shahiin ayaa u xaqiijiyey Suxufiyiinta booqashada Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Qatar, wuxuuna xusay inuu Kulamo la leeyahay Madaxa Dowladda Imaaradda Islaamiga Afganistan, Maxamed Xasan Akhund.

Afhayeenka ma bixinin Faahfaahin dheeraad oo ku Aadan qoddobadii looga hadlay Shirkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*