Xiisad saaka ka taagan furimaha dagaalka iyo ciidamadii ugu badnaa oo ka baxay G Mudug.

Waxaa saaka xiisad dagaal markale laga dareemayaa deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, kadib markii uu shalay  dagaal kooban ku dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed oo halkaasi wada dega.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaad Hubeysan ay degaanka Xananbuure ku dileen Nin Shacab ahaa oo lagu Magacaabi jiray Cabdixamiid, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawac ah dagaalkii ka dhacay degaankaas.

Qaar kamid ah bulshada kunool deegaanka Xananbuure ayaa waxaa ay sheegayaan in weli dhinacyadii dagaalamay ay ku sugan yihiin degaanka, isla markaana ay ka baqdin qabaan in markale dushooda lagu dagaalamo.

Waxaa kale oo deegaanka Xananbuure gaaray Ciidamo isugu jura kuwa Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Booliska Galmudug oo ka baxay Magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo la filayo inay kala dhex-galaan maleeshiyaadka dagaalamay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*