Abiy Ahmed oo magacaabay wasiiro cusub iyo Soomaali ka soo muuqatay.

Ra’iisul-wasaare Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta magacaabay wasiiru-dowlayaal gaaraya 61 oo ka tirsan wasaaradaha kala duwan ee dowladda federaalka ah ee waddankaasi, waxaana ay noqonayaan wasiiru dowlayaashii ugu badnaa ee uu yeesho wadanka Itoobiya.

1.Saxarla Cabdulaahi, wasiiru-dowlaha wasaaradda caafimaadka.

2.Dr/Enjineer Suldaan wali, wasiiru-dowlaha wasaaradda ee waaxda horumarinta Tamarta.

3.Xasan Maxamed Macallin, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga.

Horayna Soomaalida qaab dhismeedka dowladda dhexe ee dalka Itoobiya waxay ugu yeelatay oo horraanti toddobaadkan loo magacaabay.

1.Axmed Shide, Wasiirka Maaliyadda .

2.Adan Faarax, madaxa xaruunta dhexe ee xisbiga xisbiga dalka Itoobiya haya ee EPP ama Barwaaqo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*