Axmed Karaash oo xariga ka jaray buundo laga hirgeliyey Garoowe.

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta xarigga ka jaray Buundo cusub oo laga hirgeliyey Magalaada Garoowe.

Buundada uu Madaxweyne Ku-xigeenku maanta xarigga kajaray oo ay dhistay Dowladda hoose ee Degmada Garoowe oo kaashanaynsa shirkadaha wadaniga ah, waxay noqonaysaa tii labaad ee Garoowe yeelato, Iyadoo fududeyn doonta isku-socodka caasimadda iyo saxmada wadooyinka kale ee magaalada.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa munaasabaddan wehelinayey, Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Taliyaha Ciidamada Booliska , Duqa magalaada Garoowe iyo Saraakiil Madaxtooyo.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

6 Comments

  1. SALAAMU CALEEKUM

    Wariyee maxaad u soo dhigi weyday SAWIRADA BUUNDADA se dadku u arko waxa la dhisay..

    Walee saxaafado dhan beey ka aradatahay…

  2. Puntlandtimes waa mucaarad,waxqabad Deni sameeyayna ma muujinayaan hadaan qarashkeeda lasoo raacin.
    Xayaysiiskaba beeso ayaa lagu baxshaa ee Qardhonews.com ka fiirso haduu jidho.

  3. horumarka bulshada?
    ——————-
    Horumarka bulshaddu waa horay usocod iyo himilo sare hiigsasho ay bulshadaasi ku hantiddo ama ay gaarto heer nololeed ama horumar.
    ————————————————————————————
    Better policies
    for better lives (Siyaasado ka wanaagsan
    nolol wanaagsan)?…
    mingistume
    wadani (Dhab Ah- iga-dheh

  4. walaahi intii itaalkiina waa dadaleeysan hadaad dariiqyadii u dhisteen oo ceelashii uqodeen oo axzaabtii ufurteen oo amaankii usugteen aad iyo aad baad u mahadsantihiin reer buntland DAni, Karash,waziirada, shaqaala fiicanoo kartidle aad ayaan ula yaabay laamiga ceeldaahir sidu uweenyaha quruxda somali baa saa wax udhiisankarta caqligee waa geliweeyday guul Baran dhowaan casimad labaad beey noqon haday heshay laami iyo jaamacad guul cashuurta bixiya,xasadka daaya hormarka ka qeeybkaala madaxda cayda kad daaya uduceeya mandoryaha dadkiina lugu haligin ka fogaada kii laguu qabto dila shabaabka ka xun waayo qofka barta dhoor sano ka bacdi waa finish markaas wixii la doono ayaa lagusameeyn khaniis.dilaa,gawaad,rufyaan waayo draagaas iyo khamrikaas uyuu qabtimay ninkii daraag siiya ayuu maqlin(slow DEAth) dhalintiin ilaashada sancada barata hurdada kakaca

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*