DAAWO: Kuma ayuu ahaa Madaxii Hubka halista ah u sameeyey PAKISTAN ee dhintay SHALAY!!

Tijaabinta Hindiya ee hubkeedii nukliyeerka ugu horreeyay ay sameysay sanadkii 1974tii, ma ahayn dhacdo caadi ah oo dabiici aheyd taasoo ka dhacday Jasiirad u ekaha Hindiya, balse Dhacdadaas waxay in badan kicisay shucuurtii wadaninimo ee dadyowga reer Pakistan, kuwaasoo xiisad xoogan kala dhaxeysay Hindiya, waxaana dadkii sida weyn u qiirooday dareenkoodana aadka u shaqeeyay kamid ahaa Abdul Qadeer Khan .

Cabdul Qadeer Khan oo 82 sano jir ah ayaa maanta (Axad ah) geeriyooday marxuumka Allaha u naxariistee talaabada Hindiya ku tijaabisay Nuglerkeedii ugu horeeyay waxay kicisay Dareenkiisa, wuxuuna dhexda u xirtay sidii uu Dalkiisa Pakistaan ugu sameyn lahaa Hubka Nugleerka uguna dari lahaa Dowladaha Waaweyn ee heysta Hubkaan wax gumaada, taasoona uu ugu dambeyntii ka dhabeeyay.

HALKAAN KA DAAWO XOGTAN

Waqtigaas ay Hindiya Tijaabineysay Hubkeeda Nuglerka, marxuumku wuxuu ka shaqeynayay oo uu injineer dhanka biraha iyo Macdanta ka ahaa warshada kobcinta yuraaniyamka ee ay laheyd Dowlada Holland (Nederland) xiligaas, wuxuuna ku riyoonayaa inuu hormariyo dalkiisa oo uu ku daro quwadaha nukliyeerka heysta, sidaas owgeed durba wuxuu bilaabay inuu sameeyo tijaabooyin kala duwan oo dhanka cilmi baarista iyo sahamin dheeri ah, sidaas owgeed wuxuu u shaqeyn jiray habeen iyo maalin asagoon wax nasiino iyo kala joogsi sameynin intuu hamigaas ka gaarayay.

Hadaba waxaan halkaan kusoo qaadan doonaa Qofka uu ahaa Abdul Qadeer Khan iyo sida uu Pakistaan uga dhigay Dal heysta Hubka awooda badan ee Nuglerla;

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*