DAAWO: M/weynihii hore ee ICJ, muxuu ku duray go’aankii shalay “12 QODOB”

MUQDISHO(P-TIMES) – Madaxweynihii hore ee Maxkamadda ICJ Garsoore Cabdi qawi Yuusuf Axmad oo kasoo jeeda Soomaaliya ayaa soo saaray  go’aan ugaar ah maadaama ay jireen arimo uu kaga aragti duwanaa  Garsoorayaasha.

Sida ay jideenayaan Qodobka 57-aad ee lagu dhisay Maxkamadda iyo Q. 96/2-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda 1978 soo baxay, waxaa u banana Garsooraha in uu aragtidiisa si gaar ah usoo saaro hadii uusan ku qancin go’aanka.

Garsoore C/qawi ayaa ku raacay maxkamadda diidmada sheegashada Kenya ee ah in iyada iyo Soomaaliya ay lahaan jireen xaduud badeed lagu cabirey loo raacay cabiridiisa loolka is bar-bar socda.

HALKAAN KA DAAWO WARBIXIN

Sidoo kale waxuu ku raacsanyahay Maxkamadda diidmada ay diiday dalabka Kenya ee ah  in la Maxkamadda ay ku cabirto xadka labada dal cabirka loolka is bar-bar socda taas oo ay Kenya u aragtay in lagu gaari karo cadaalad.

Mr, C/qawi waxuu u arkaa Maxkamadda in ay raacday xariiqa toosan ee lagu cabiro badaha marka ay xadeynaysay Biyaha qaranka, aaga dhaqaalaha iyo qol-foof-qaaradeedka intaba, taas oo uu ku tilmaamay mid waafaqsan Q. 15-aad ee Heshiiska Caalamiga Ah ee UNCLOSE, hanaanka saddexda heer ee ay Maxkamadda u isticmaasho xadaynta iyo tubta toosan ee Maxkamadda balse waxa uu sheegay in uu ka gows-haysto habka doorashada tiirarka El-elada ah taas oo uu ku sheegay mid aan waafaqsanayn Xeerka badaha iyo fiqhiga qaanuunka.

6 Comments

  1. Si fiican buu garyaqaanku u dul istaagay!

    Waar badda Kenya loo xukumay hay noo danbaysa e, waxaa qoraalkiisa ku jira in labada waddan madaxa laysu geliyey, oo arrin aan bislayn ay meesha ku jidho! Waxa aan maqli jiray ‘waar hadalka ha ii dhuubin’. In wax la isu hoosgaliyey baa halkaa ka muuqata, Soomaaliduna meel cidla ah bay ka BURAANBUDHAY sida muuqata.

  2. Kahor intii aan lagu dhawaaqin go’aanka Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga ah, waxaan sii diyaarsaday maqaal ahaa dabbaaldeg iyo digasho laakiin markii lagu dhawaaqay natiijadii kiiska ayaan candhuuftayda dib u liqay. Anigoo oo aan arag cid kale oo arrinkaas ka faallootay ayaan halkaan kusoo qoray shalay maqaal aan ku muujinayo sida aan uga qawaday go’aankaas. Anigu ma ahi khabiir sharci laakiin maskaxdayda yar iyo caqligayga kooban waxay i tuseen in Kenya loo gooyey bad aysan xaq u lahayn. Waxay la mid ahayd iyadoo Kenya loo sheegay inay gardaran tahay oo dooddeedii aan laga garaabin laakiin wixii la isku haystay cad loo gooynayo!

    Waxaan isku samirsiiyey in laga yaabo in Maxkamaddu hore u xukuntay kiis midkan la mid ah laakiin sida uu sheegay garsoore C/Qawi Yuusuf go’aankaas wuxuu ahaa mid ugub ah oo aan isaga oo kale Maxkamaddu hore u gaarin. Way iska caddahay inaan go’aankaas lagu salayn xaqiiqda juqraafiyeed ee soohdinta iyo badda ee xeerka caalamiga ah balse lagu saleeyey siyaasad ku salaysan dalalka garsooreyaashu kasoo jeedaan.

    Ilaa hadda cid dhaliilsan go’aankaas waxaan ka arkay garsoore C/Qawi Yuusuf. Waxaa layaab leh in madaxda dowladda federalka iyo siyaasiinta Soomaaliyeed go’aanka ku qaateen farxad iyo fardo-kula-carar. Waxay ahayd inay sheegaan inay go’aanka aqbalayaan laakiin aysan u arag mid caddaalad ku salaysan — oo Kenya loogu gooyey bad aysan lahayn. Taasi waxay digniin u noqon lahayd damaca waalan ee Kenya ee aan weli samrin.

    Halkaan waxaan kusoo gudbinayaa garsooreyaashii taageeray go’aanka xarriiqa loogu durkiyey waqooyi ee Kenya loogu gooyey badda iyo kuwii diiday. Dadka Soomaaliyeed waa inaysan
    illoobin oo xisaabta ku darsadaan garsooreyaashaas iyo dalalka ay kasoo jeedaan.

    Waxaa taageeray:
    1. Sebutinde (Uganda)
    2. M. Bennouna(Morocco)
    3.Donoghue (USA)
    4. Hanqin ((China)
    5. Gevorgian (Russia)
    6. Nolte (German)
    7. Iwasawa (Japan)
    8. Tomka (Slovakia)
    9. Trindade (Brazil)

    Waxaa diiday:
    1. C/Qawi Yuusuf (Somali)
    2. Salam (Lebonan)
    3. Robinson (Jamaica)
    4. Bhandari (India)
    5. Abraham (France)

    Fadlan sharegaree oo sii fidi

  3. @Aar. Waan kugu raacsanahay sida Aad wax u bayaamisay. Waa runtaa, waxay ahayd in ICJ laga hadlo 12miles ka ay Kenya siisay ICJ. Madaxda, siyaasiyiinta, wax garad Iyo Somali idayl keed ba, maysan hadlin. Fadlan Waa in la ga hadlo in Kenya loo xugmay waxaysan lahayn. ICJ, hal kaas Kenya bay u hiilisay. Ayadaana wali dood sii qabta.

  4. Meel dhow & xukun baad ka hadlaysaan, waxaa muuqata in aysan Kenya rabin in ay Kismaanyo & jubbooyinka ka baxdo! Itoobiyana, Allaa isku diraye, waa horay nala wareegi lahayd. Iyada oo MARAAKIIB DAGAAL soo iibsatay buu Alle isku jeediyey. Laakiin labo ayaan is qabanayn, in uu qabiil walba CALAN samaysto oo uu DAWLAD sheegto oo uu MADAXWEYNE samaysto & in aynu qarnimo & Soomaalinimo ka hadalno; qabyaalad & qaranimo isku meel ma galaan.

    Isku soo wada xoori, Kenya waxaa badda loogu xukumay, kaddib markii shaashadaha caalamka laga daawaday ra’iisal wasaarihii oo macawiso xirxiraya oo DHIILO xanbaarsan & AMXED-ISLAAM oo aanba hawlahan ku jirin oo kolba madaxtooyada Nayroobi looga yeerayo & Saciid-Deni oo Sawaaxili u eg oo hadba dhinac u gurguuranaya, MARKAAS bay maxkamaddu go’aankan gaadhay. Badda loo jaray waxaa ka khatarsan, sida uu markhaatiga nooli sheegay, miinada kale ee go’aanka lagu soo dhex aasay. Dastuurkii Soomaaliya oo kale baa laga dhigay xukunka maxkamadda. War kalana waa sugaynaa haddii alle idmo.

  5. SALLAAMU CALEEKUM

    MAANSHAALLAAAHO .. Wiikaas dhaladka ah, ee geesiga ah, hadii uu noo joogin lahayn ICJ, waxaa laga yaabi lahaa in badda SOOMAALI WEYN la dhici laha.

    Hadii uu joogi lahaa wiil ka soo jeeda HAAWEYDA HAWIYAH ama IIDOOR WAGASHLEEE, xoogaa yadh ee sandareerto ah ay ku lunsan lahaayeen BADDA SOOMAALIYEED.

    TUSAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLEEEE:

    Maxaa dhacay 1964… shirkii caruusha ee TANZANIA… Taariikhda dib ugu noqda.. Hishiishkii 1964 ee Dawlada Somaaliyaa ay ku ogolaatay in la raaciyo NFD waddanka Kenya..

    Hishiishkaas CARUUSHA waxaa saxiixay Nin IIDOOR WAGASHLEE isaga oo aan la tashin BARLAMAAN, MADAXWEYNE..

    NFD waxaa KENYA raaciyey MOXAMED IBRAHIM CIGAAL isaga oo aan qofna la tashan.

    ++ SOOMAALI WEYN lama tashin
    ++ BAARLAMAAN lama tashin
    ++ GOLI WASIIR lama tashin
    ++ MADAXWEYNI lama tashin.

    Isaga oo xaarku ka dareerayo, oo isku kaashayaa, oo khamriyeesan aa laga saxiixday… hadda waa sidii uu sameeyey AXMED YUSUF DUCAALEEE, oo ahaa JAAJUUS Amxaar, markii laga sameeyey isaga oo daba-laga wasayo..

    Marka, SOOMAALI WEYN hal reer baa bad-baadin kara.. waa nimankaas DAAROOD ISMAACIIL JABARTE…

    HAAWEYDA HAWIYE, iyaga waxoodo waxaa weeyee, maxaan taabta, maxaan cunaa, maxaan dilaa, maxaan kufsada..

    IIDOOR WAGASHLEEE, wax la yiraahdo waddaniyad ma laha.. Hadii maantay la yiraahdo dhulka IIDOOOR aa la biicinaa, MUUSA HANDRAAB aa ugu horeeyaaa…

    Marka, SOOMAALI WEYNII, kani ku tahay XAAR FARMAAJO, waa in la doortaa wiil ka so jeeda DAAROOD ISMAACIIL JABARTE.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  6. abdiqawi garsoorah somalia guul Allah ku siiyo aad ayaad somalida ugu hiilisay intii awoodaada ah laakiin waxaan layaabay ini cabdrashiid waxa looxusi waayey waxaan dhegeestay ninkii somaliya maxkamada somalidu a. daahir oo yidhi nimaakaa tiraadeen bad beey gateen anigu madaliya dahaba ayaan siinlaha xalay odagii barlamaanka aqalka sare wuxuu yidhi wilkeegiyo abdishakuuro cafs ayaan ku weediisteey dembii baa kaa galynay

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*