DAAWO: Miyey dhamaatay Muranka Badda Soomaaliya & Dalal kale u dhaxeyn karaa?

MUQDISHO(P-TIMES) – Dawladda Soomaaliya, waxay shalay guul wanaagsan ka gaartay dacwadda Badda ee kala dhaxaysay dawlada Kenya, waxayna heshay 90% dhammaan dhulkii ay muranka galisay dawladda Kenya, waxaana taasi ay kaliftay in ay Nayroobi diiday go`aanka maxkamadda.

Hadda waxaa soo baxaya macluumaad muujinaya in ay imaan doonaan is qabadyo kala duwan oo u dhaxeyn doona Soomaaliya & dalal kale oo ay ku jiraan Yemen iyo Jabuuti, si buuxda wali murankaas qeybtiis uma soo bixin, hayeeshee dawladda Yemen ayaa ah cida koowaad ee arinta ka hadli doonta.

Soomaaliya, ka sokow in ay hadda guul gaartay, waxaa sugaya arrimo wa weyn oo ah xadeynta Badda ee dhinaca Yemen iyo Jabuuti oo labaduba u baahan doona ama kala baxa ICJ ama ugu yaraan Heshiis rasmi ah oo ay dalalkaas yeeshaan, maadaama ay labaduba ka xiisad yar yihiin Kenya.

HALKAAN KA DAAWO WARBIXIN

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*