DAAWO: Puntland “Qaadwadayaal, xamaalato iyo argagixiso ayaa hurin jiray colaada Gaalkacyo”

Wasiirka Arrimaha-gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay in saddex arrimood ay sabab u noqon jireen dagaalada ka dhaca magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Wasiir Dhabancad oo ka qeybgalayay bandhigga nabadda Gaalkacyo ayaa xusay in qaadwadayaal, xamaalato iyo argagixiso ay hurin jireen dagaalada Gaalkacyo, balse ay damin jireen isimida iyo culimada.

“Gaalkacyo colaadihii soo maray saddex marxalado ayay soo mareen: xilli Qaadwalayaal hagi jireen, xilli Xamaaliyaal hurin jireen & xilli Argagixiso hurin jirtay, waxaa mar walba Nabadda Gaalkacyo u taagnaa Isimada & Culumada oo markasta oo dagaal qarxo iyagu u istaagi jireen” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha-gudaha Puntland, Maxamed Dhaban-cad.

https://fb.watch/8FoxJZD1el/

PUNTLAND TIMES

2 Comments

  1. ASC.
    Waligeedba waxaa jilicsanaa maamuada puntlaan.War meel uu jiro maamul dowladeed wax uma dhimi karaan Qaadwayaal iyo xamaatlo.Waxay arkeen in ay meeshu tahay cidla oo ay say rabeen ka yeeleen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*