DAAWO: Soomaaliya, maxay uga dhigan tahay Guusha ay ka gaartay Dacwadda Badda?

MUQDISHO(P-TIMES) – Soomaaliya, oo dib uga soo kabanaysa Faragalin shisheeye, dagaalo Argagixiso & kuwa siyaasadeed oo lasoo xawilay, waxay gaartay guul-weyn oo xagga sharciga ah, waxayna kaga guuleystay dawladda Kenya dacwad socotay mudo ka badan 7 sanno oo ay Nairobi ku doonaysay in ay kuqaadato dhul-dhan 160,000KM oo isku wareeg Bad ah oo ay muran-galisay.

Kenya talaabo kasta wey qaaday 7daas sanno si ay u hesho dhulkaas ugu yaraan xataa qeyb laga siiyo, dawladdo waa weyn oo ay ku jiraan Mareykanka, UK, Imaaraat, Qatar & Norwayd ayaa door xoogan ka ciyaarayay in la raaco rabitaanka Kenya.

HALKAAN KA DAAWO WARBIXINTA

Madaxweynayaashii xukunka iskaga dambeeyey Xasan Sheekh & Max’ed Cabdullaahi ayaa labaduba la kulmay hagardaamooyinkii ugu badnaa ee lagu qaado masuuliyiin Soomaaliyeed, si loogu qasbo ka laabasho, laakiin labaduba wey diideen gorgortan nooc kasta oo uu yahay, maantana guul weyn ayay joogaan.

Hadda go’aanku wuu dhacay, maleh wax racfaan ah doodna kama furna, Kenya maalmo sii horeeyeye ayay garowsatay jabka sharci ee kuwajahan, waxayna xiligaas cadeysay in aysan aqbali doonin go`aanka maxkamadda.

HALKAAN KA DAAWO WARBIXINTA

12-ka October waa maalin ku weyn Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed & Dawladooda ayaana ku jira dabaaldagyo labo ah oo isku beegan Maalinta Calanka & Maalinta helida Baddooda oo ay muran mudo dheer ay ku heysay Kenya.

Soomaaliya, awood ahaan maleh hadda ciidan badeed oo ay ku difaacan karto biyaha loo xukumay, hayeeshee waxay naawilaysaa in ay maalin uun gaarto halkii ay joogtay intii aysan Soomaalida dhexdooda isku qabqabsan qabiilka, dumina Qaranimadii iyo awoodii ay lahaayeen.

Maxay uga dhigan tahay Sooomaaliya, xukunkan ay ku guuleysatay Diblumaasiyad & Sharci ahan, ayaa lays weydiinayaa, waxaa inoo sharaxaya Garyaqaan, Cali Sh Aden Yusuf (Cali Soomaaliya?.

HALKAAN KA DAAWO WARBIXINTA

Sheekada xiisaha leh waa in cod-bixinta Garsoorayaasha ICJ ay ahayd mid ay Kenya ku dhex lahayd taageerayaal, balse looga guuleysatay ayna codeeyen 15 Garsoor, waana markii 2aad oo ay Garsoorayaal dhankeeda ahaa laga cod batay.

Su’aal kale oo muhiim ah waa sidee loo fulinayaa xukunkan, maadaama ay Kenya goor sii horeysay shaacisay in aysan aqbaleyn go’aanka maxkamadda, ayna ciidamadeedu joogaan aaga hadda loo xukumay Soomaaliya.

HALKAAN KA DAAWO WARBIXINTA

Jawaabcelinta Garyaqan Cali Soomaali, diidmada Kenya soo qadintay kahor go’aanka maxkamadda ee hadda soo baxay, waxay talo iyo arrin adag u taalaa Hoggaamiyayaasha Soomaalida, Ma kursiga uun ayay isku ceyrsan doonaan mise waxay la imaan doonaan qorshe & Hiigsi Qaran oo dhulka Soomaaliyeed looga badbaadinayo cadowyadaha fara badan ee doonaya in ay booban.

5 Comments

  1. Waa Guul wayn oo somali usoo hoyatay laakiin ini firgaajo libintaas maleh , libintaas waxaa leh dowladii sheikh shariif iyo tii xasan sheikh, khaasatan mudane Cumar Cabdirashiid oo ahaa masuulkii dacwada u gudbiyay maxkamada aduunka. Ini firgaajo waa khaain daalim ah wuxuuna isku dayay inuu fashiliyo kiisks bada. Somalidu waxay ku maahmaahdaa caano ninkii soo lisay layaqaan ninkii doonaa ha sheegto ini firgaajo iyo kooxdiisu hayska sheegteen libin aysan lahayn.

  2. Anigu haddii aanan khaldanayn, sida aan ka fahmay naagta garsooraha hadalkeeda iyo khariidadihii ay soo bandhigtay — Kenya dooddeedii oo dhan waa khasaartay laakiin garsooreyaasha gaalada u badan waxay ugu garaabeen in haddii khadka sida Somalia doonayso toos loo jeexo ay Kenya noqonayso dal baddu ka xiran tahay oo waxaa labo-aabbur gelinaya badaha Somalia iyo jaziiradda Pembe ee Tanzania. Sidaa awgeed, 12ka mayl ee khadka ugu horreeya toos ayaa loo jeexay laakiin wixii intaa ka dambeeya ilaa aagga dhaqaalaha ilaa wixii kasii dambeeya, khadka waxaa loo weeciyey xagga bari si Kenya
    looga qaado go’doonka badda oo innigaa nala soo ciriiriyey. Haddii xukunkaas oo kale ay maxkamaddu hore kiisas kale uga gaartay waa wax la fahmi karo, haddii kale gaalo waa isu hiillisay.

    Innaga awalba nama hayn bad-yari, marka, haddii gaaska iyo batroolka la tuhmayaa raacaan inta Kenya ku heshay xarriiqa cusub — markaas Kenya ayaa guuleysatay iyo dalalka gadaal kasoo riixayey, haddiise khayraadku raaco qaybteenna — markaas Kenya waxaa ku dhacay hoos-u-booy, weligeedna aqoosanmayso go’aanka maxkamadda.

  3. Waa heshiis horre loo gaaray oo shan geesood ah.
    UK, Kenya, Somalia, Qatar iyo Italy ayaa shuraako ku noqday, go’aankii dhacayna wuxuu ahaa shaacin sharciyeesan.

    The real victory is the $400M For Farmaajo in Cayman Islands

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*