GORFEYN: 4 Qodob oo ay Heshay Soomaaliya, Hal laga diiday, Kenya Maxay faa’iiday “12Mayl oo maxay ah”

MUQDISHO(P-TIMES) – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka, ICJ waxay galabtay soo gabagabeysay dacwad badeed u dhaxaysa Soomaaliya & Kenya, 7 sanno oo Malafka labada dal furnaa ayaa lasoo afjaray, waxaana ay Soomaaliya ka heshay faa’iido weyn oo ah in dhulkeeda lagu muransanaa in ka badan 90% loo soo celiyey, sida ay qabaan durba dadka bartay Cilmiga xadeynta Baddaha, kana muuqata go’aanka maxkamadda.

Madaxweynaha ICJ, oo hadleysay wax ka badan 44 daqiiqo, waxay diiradda saartay 7 sanno wixii ay dawladdaha Soomaaliya & Kenya soo gudbiyeen, doodihii Kenya ayay maxkamaddu ka dhigtay kuwa waxba kama jiraan ah, marka laga hadlayo doonisteeda, si gaar ah waxaa loo buriyey hadaladii iska hor imaanayay ee maxkamadda kasoo gaaray Nairobi.

Bilowgii Maxkamaddu, waxay iba furka go’aankeeda ku cadeysay in aysan jirin xadeyn Badda ah oo ay kala lahaayeen dalalka Soomaaliya & Kenya, waxay kale oo daadka raacisay in la adeegsado Is afgaradkii MOU- ee ay horey labada dal u kala saxiixdeen 2009-kii, bishii April, baarlamaanka Soomaaliyana ay diideen.

HALKAAN KA DAAWO WARBIXIN

Madaxweynaha Maxkamaddu, waxay xigatay in bishii Feb 2017-kii ay Garsoorayaasha maxkamaddu isku waafaqeen in Is afgaradkaas aan loo adeegsan karin xalin xaduud, uuna waxba kama jiraan yahay.

Hadda waxaa maxkamaddu wey dhameysay dacwada, waxaana go’aanka kamid noqday in Kenya lo baneeyey wax ka badan 12 Mayl oo dhanka Badda ah, ayna muuqato fursad ay ka heshay halkaas.

Sida ay noo xaqiijiyeen sharci yaqaano & Khuburada baratay Cilmiga baddaha, Maxkamadda ICJ waxay u adeegsatay go’aanka Kenya ay ku heshay marinkan Qodob hab-maamus ahaan cadeynaya in aan dalna laga xiri karin Badda-weyn marinkiisa, haddii uu ka mid yahay dalalka leh, Tusaale “Marka la sameynayo xaduud badeed haddii labo dal oo cirifkoodu is gaaro, uu xayirayo dal u dhaxeeya labada dal, Haddii la raaci lahaa sida Soomaaliya rabtay, waxay deris badeed noqon lahaayeen Tanzania & Soomaaliya, Kenyana waxay noqon lahayd meel xiran oo aan badda looga gudbi karin”.

 

11 Comments

  1. 12ka mile, ma ku qabso oo ku qadimaysid baa?! Yaa laga goostay cadkan?

    Si kastaba, dawladda jamhuuriyadda Soomaaliya (ee sharciyadda u haysata min Lawyacaddo illaa Dhoobley, ee uu MADAXWEYNAHA ka yahay H.E. Maxammad Cabdullahi) baanu ka war sugaynaa tallaabada xigta ee ay qaadayaan maaddaama dawladda Kenya ay horay shacabkeeda ugu caddaysay mawqifkeeda ku aaddan kiiskan.

    Midda kale, waxa ii muuqday MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA oo aad u malayso in maanta dib loo doortay. Calan saarkii ma arkaydeen?! Dhoolatus aan caadi ahayn buu muujiyey. Waxa garbaha ka socday dhammaan madaxdii hay’aadka kala duwan ee dawladda & dhammaan taliyayaashii ciidamada qalabka sida.

    Madaxii golaha baarlamaanka (Mursal). Madaxii hay’adda garsoorka & maxkamadda sare (Iid). Taliyii ciidamada xoogga (Oday-waa). Taliyii ciidamada booliska (Xijaar). Ra’iisal wasaare, H.E. Rooble, xaggee galay?! Ma Qadar buu weli ku maqanyahay?

    Haddii, haddaba, uu Rooble waddanka ku sugan yahay, oo uusan madaxdii waddanka xuska calan saarka kala qayb-gelin munaasabaddaas lagu dhammaa, waddanku malaha ra’iisal wasaare ee halloo raadiyo! Xitaa hadday madaxweynihiisa is hayaan, ma ahayn madashii uu ka maqnaan lahaa. Ma rabo in aan ku sii fogaado, waayo waa ra’iisal wasaarahaygii, laakiin wax WEYN BAA KA KHALDAN ee dib ha isugu noqdo.

    Gunaanadkii, Soomaalidu waxa ay tiraahdaa, “gar dabadeed guuguu baan nacay.” Gartaas waa la naqay oo racfaanna malaha, kaliya waxa aan madaxdeenna ka rabnaa in ay noo caddeeyaan mawqifkooda ku aaddan tallaabada xigta ee ay qaadi karaan. Si la mid ah sida ay madaxda Kenya dadkooda ugu sii caddeeyeen tallaabada ay qaadayaan.

  2. THANK YOU VERY MUCH PUTLANDTIME THE WAY YOU EXPLAIN TO AS VERY CLEARLY IT IS TIME THE SOMALI PEOPLE UNITE AND STOP HATRED AND TRIBALISM ALLAH AND GIVEN SOMALIA A LOT OF BOUNTIES LET BENEFIT FROM IT

    • Go’aanka maxkamaddu ay gaartay waa delimitation Somalia iyo Kenya 2duba cid lagu raacay dacwadooda ma jirin.

      • Mohamed Ali.
        Wax soo aqriso waxba ma ogid…soomaliaya ayaa guuleysatey waayo badii kenya rabtey wey ku guuldareysatey. Xariijintii soomaliya geysay ICJ WAA la saxay waxaa laga jiray 8% waa 16km…. soomaliya guul weyn bey gaartey…guusha waxaa leh Soomali oo dhan cid ama koox gooni malaha….damacii kenyanka wuu hungoobey

        • Culusow iyo farmaajo waa ku mahadsanyiin shaqaday qabteen, iyo ciddii la shaqaysayba..

          MARYOOLEY doorkan aad bay nasiib u yeelatay waana wax Alla lagu mahadsho, kamana dhicin tii NFD ku dhacday (Arusha accord) ee kenya loogu saxeexay dhulkaas, Siyaasiyiin ku sheegii waxaa sameeyey iyo reerahoodiiba Allaa doorkan naga fogeeyay, inkastooy Kenya galaa bixiyeen safaro biyo col dhaanshay kasoo qaad.

          MARYOOLEY Allay leedahay…

  3. Just reminder:

    ILma uhuru kenyatta(formerly ilma MELES)
    Siyaasada 2013 wuxuu kasoo galay albaabka ICC(international criminal court) hadana wuxuu kabaxay albaabka Icj oo soo afjartay damacii beenta ahaay. MELES meeshuu kasoo galay iyo meeshuu ka baxay adinkaaba tacsidii u fadhiya…

    • Awood lagu difaacaa loo baahanyahay marka badda. Adduunka awood baa kashaqaysa, waddamo badan oo dhul maxkamadda ICJ ay u’xukuntay baa jira laakiin waddamo kale haystaan oo anfacsadaan iyaguna kaqatan! De jure iyo de-facto wax lakaladhahaa jira oo micnuhu yahay sharci ahaan iyo xaqiiqo ahaan yacni xaqiiqda dhulka kajidha.Hadda Somalia de Jure ama sharci ahaan iyadaa badda leh laakiin Kenya ciidamay rabtaa inay usoo dirto oo de-facto ama ardul waaqic ahaan bay rabtaa inay baddaas kuhaysato oo ku hantido. Sida aanu wada ognahay jasiiradda Crimea sharci ahaan Ukraine bay katirsantahsy oo loo aqoonsanyahay, Laakiin Ruush baa kataliya, Ossetia gobolka ladhaho sharci ahaan waddanka Georgia buu katirsanyahay laakiin ardul waaqica waa ismaamul kamadax bannaan oo ruushka xiriir laleh! Jasiiradda Cyprus waa waddan katirsan EU’da oo loo aqoonsnayahay inay jasiiradda oo dhan kataliyaan laakiin xaqiiqda dhulka taal (de-facto) waxaa weeye waqooyiga jasiiradda waxaa ladhahaa Turkish Republic of Northern Cyprus waana “waddan” uu aqoonsanyahay Turkiga oo keliya! Tusaale kale, Ethiopia iyo Eritrea 2000’kii magaalada Badme maxkamadda ICJ waxay u’xukuntay inay katirsantahay Eritrea laakiin xaqiiqda dhulka taallay waxay ahayd Ethiopia ayaa haysatay illaa 2018!tusaale kale, Magaalooyinkii 1967 ay Israel kaqabsatay Falastiin sida bariga Qudus, magaalada Nazareth iyo deegaamo badan oo kuyaal West Bank/daanta-galbeed UN’ka iyo maxkamadda ICJ waxay sharci ahaan u’xukumeen oo u’aqoonsantahay inay Falastiin katirsanyihiin laakiin xaqiiqda dhulka taal asd bay uga duwantahay! War iyo dhamaadkii, waxba yaan aad loo farxin waayo maxkamadda cadalladda adduunku inay wax kuu xukunto wax micna ah oo ay samaynayso majidho haddaadan haysan awood ciidan oo aad isku difaacdid oo aad dhulkaaga kusoo dhacsatid.

  4. 1964tii Cigaal ayaa NFD qalinka ku duugay shirkii ka dhacay Arusha Tanzania, Haddeerna Waxaa la soo dhigay duqdii uu qabi jiray oo aad oga xumaatay, in arrintii badda Kenya laga xukumay!

    Waxaay tiri, waxaan ka xunnahay guul darrida ku dhacday walaalahayo Kenya, waxaanna u sheegeeynaa in aan ka xunnahay guul darridiinu, waxaanna idiinla qeybsaneeynaa murugada, waana idin garab taaganahay!!!!!

    Ninkii Reer ABAARSO-LAND Soomaalinimo iyo Muslimnimo ka dugsanayoow waa kaa aragtidooda iyo wejigooda dhabta ah Iidoor!!

    Muslimnimo aaadan igu sireeyn iyo Midibka Soomaale!
    Makaamkiina Anigaan dageyn Maalin gelinkeede!
    Wallee uur Mariidlow anaan Muxubbo kuu haayne!

    Makhribkii haddii lay Miroo Gaal I Mooro duugo!
    Anigaan Maciin bidin Wallee Minan aad joogtaaye!
    Wallee uur Mariidlow anaan Muxubbo kuu haayne!

    Axmaar Magansi baa kaaga roon hadal Macaankoode!
    Waa Mas Good ah oo aad dugsani oo aan Muuqanine!
    Mingistiyo iyagaa ka daran show Mahiigaba’e!
    Wallee uur Mariidlow anaan Muxubbo kuu haayne!!!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*