GORFEYN: 5 QODOB, oo Kenya guuldarro ah oo la kulmaysa, Haddii laga xukumo Badda!

MUQDISHO(P-TIMES) – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ, labo malin ka dib waxaa laga sugaya soo gabagabeynta muran & dacwad ay Kenya ku doonaysay in ay ku qaadato qeyb muhiim ah oo kamid ah Badda Soomaaliya, waxaana sheekada badda soo bilaabatay 2005-tii, xiligaas oo ay Nairobi ku cadaadisay dawladdii KMG ahayd ee Cabdullaahi Yuusuf in ay u saxiixdo heshiis xagga badda ah, sida uu buugiisa xasuus qor-ka ku qoray Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, hayeeshee 2014 August ayay dawladda Soomaaliya go’aamisay in maxkamadda Dacwada la geeyo.

Ka dib sanado dheer oo ay Nairobi ku war-wareegaysay miiska wada xaajoodka iyo run in loo wajaho qadiyadda Badda, Ka dib 7 sanno oo ay qaateen fadhiyada maxkamadda ayaa lasoo afjarayaa 12ka bishan oo ay maalmo kooban naga xigaan.

Hadda waxaan Gorfeynaynaa 5 arrimood oo haddii Dacwadda laga xukumo Kenya ay kula kulmayso guuldarro weyn, waana talaabooyinka ay welwelka ka qabto Kenya.

HALKAAN KA DAAWO WARBIXINTA

 

4 Comments

  1. Doqonkii wuxu yidhi:
    Maxaa layga heli beriba waan lumiye?
    Soomaaliya waa wada tuug miidhan siyaasigoodu,waxu yaaaanaana waa jeebkiisa iyo calooshiisa.
    Baddoodana ma Amisom u ilaalisaa la keenayaa haddii Sawaaxiligu kusoo duulo?!!!!!
    Dawladee ka difaacaysa talow?
    Turkey ?
    Qatar? KKK
    Saudi ×
    Abiy Itoboyaayaa ugu dhow hadhowtona isagu dhaxli!!!!
    Mashruuc cusub oo ilaalinta badda Somaliya ah ayaa u bislaaday gaaladii allaylehe.

    ================================
    Daarood baa xaraashay,hoos dhigay dabinna siyaasiyiinta Hawiye oo saxeexuun yidhi aadyar.

    Bal haddii alle u gargaaray oo u badbaadsho baddooda kollay sawaaxiligu waa awr la wado oo xataa Qatarta ay u kala dhuumanayaan Ku lugleedahaye ha ilaashadaan,yaanay mar dambena iska xaraashin.

    Xog cusub ayuu Faarah soo bandhigay oo ah in arrintu soon taxnayd ilaa 2004 oo laga saxiixday C/llaahi Yuusuf dawladdii labaad ee Kenya u dhistau Somalia.
    Illeen waa sababta Madaxweyne Kenya uga dhigtay.

  2. Somalia dhulkeedii ayaaba baylah ah badeediina warkeedaba daa,,
    Bada hadaba kenya iyo norway campany ayaa hoosta kawada hawlahooda ma maryooley baa war u haysa????
    Aduunyadan wada dulmiga ah ee laysu xoog sheegtay hadh cad baa lays dhacayaa,,
    Maryooley dowlad ma leh dakeeduna waa Tabcaan Qabyaaladi dilootay garabna ma haystaan iyo cid u gargaarta,,
    Maxkamad ku sheegana waa maxkamad Gaalo, gaal ka dacwood oo gaal kale u dacwood waa wax lagu qoslo,, dunidan sharci kama jiro xeererkiina beri hore ayaa yuhuud iyo gaalo jeebka ku riteen kkkkkkk,,
    Kenya gaalka maxkamada joogaa marnaba waxba uma waayayo waayo adoonta kenya waxoodu waa ku qabso ku qadi mayside iyadoo ka faaiideysatey baaba’a somalida iyo tuugada maafiyada ilaahay ku saliday,,

    Hadaanu nahay dowlada Barakaysan ee somaliland waxaan u rajeyneynaa in ilaahay badooda u sahlo cadowgaa soo hujoomayana ilaah ka qabto,,
    Somalida koonfuureed xaalkeedu wuxuu maraya in iyagoo nool la dhaxal wareejiyo bad iyo beriba waayo waxay noqdeen DUGAAG aan waxba qabsan karin afkana soo kala haya,,
    Bada hadii adoonta kenya xoogaa laga siiyo iga rumaysta inaanay adoonta kenya sidaa ku joogeyn ilaa kismaayo xitaa way sheegan doonaan hadaba si dadban ayay u sheegtaan iyagana hadaba haysta oo ka taliya,,
    Dadka cawaanka ah ee isku maaweelinaya maxkamad GAALO baa cadaalad sameynaysa waa doqon bilaa caqliya aduunyadana aan warba u hayn,, dhul iyo bad baylah ah cid daynaysa ma jirto waaba loo kala dheereeyaa waayo wax difaacanaya ayaanba jirin,,

  3. SAALAX ILAAH AYAAD BEEN U SHEEGTAY.
    CABDULAAHI YUUSUF BAD MA SAXIIXIN.
    TAN KALE FARAH MACALIM MA TAQAAN HORTA KALMAD RUN AH MA YAQAANO.
    WAANA FADLAN KU SHUBO.
    MARKA WAXAAD SOO QOREYSO KA FIIRSO.

  4. Wiil waamo
    OK Sxb waa khalad IGA dhacay,waana dareensanahay inaan C/llaahi Yuusuf aun wax lug ah ku lahayn arrinta badda,tahayna arrin ka dambeysay.
    Faarax Macalinka guulwadaha Farmaajo ah ma sheegayo ee Faarah Gaylan ayaa qoraalkiisa Ku xusay in C/laahi Yuusuf buugiisa xasuus qorka Ku sheegay in Kenya Ku dirqiday inay u saxiixdo badda,wuuse diiday baan maqlay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*