Maxay isku afgarteen RW Rooble iyo Qoyska marxuumad Ikraan Tahliil.

Puntlandtimes (Muqdisho)-Qoyska Marxuumad Ikraan Tahliil iyo xildhibaano kumatala barlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya ku eedeeyey inuu weli hortaagan yahay in caddaalad loo helo baaritaanka kiiska gabadhooda.

RW Roble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan qoyska Ikraan Tahaliil Faarax oo ay ku jirtay hooyada dhashay Ikraan ee Qaali Maxamuud Guhaad kuwaas oo mar kale ka soo codsaday Ra’iisul Wasaaraha in ay kulan la qaataan una soo gudbiyaan cabasho la xiriirta caqabado ay sheegeen in ay ku hor gudban yihiin Xeer-Ilaalinta Maxkmadda Ciidamada si ay u dhaqaajiyaan kiiska Ikraan ayna u helaan baaris madax bannaan iyo caddaalad.

Ra’iisul Wasaare xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu ku celiyay in dhankiisa aanu wax gorgortan ka galeynin kiiska Ikraan ayna ka go’an tahay in ay caddaalad ay hesho maalin uun ha dhawaato ama ha dheeraato.

Dhanka kalena, RW Rooble ayaa qoyska Ikraan Tahaliil uga garaabay xanuunka ay ku heyso gabadhooda oo aan nolol iyo geeri midna lagu heynin ,waalidna uu yahay oo uu qiyaasi karo murugadooda balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in arintaas ay maxkamad hortaallo inshallah maalin maalmaha ka mid ah gacanta lagu dhigi doono dambiilayaashii ku lugta lahaa kiiska.

6 Comments

  1. Miskiinkaan awood maleh wax kale iska daa xattaa Xarunta NISA ma helikaro..
    Ha iskala ooyo Ikraam hooyadeed laakiinse wax kale uu qaban garo baan jirin. Isagaa ka cabsoonaya in lawaayo sidii Irkaam Tahliil..

    Saaxiib Rooble xashiishkaaga iska cab oo shidada iska dhaaf.. To be high and be a prime minster of state of is a good combination of boozing.

  2. War waxaan wax jiraba maaha war doorashada qabo si hogaanka soo socda uu kiiska gabadhaan ula wareego maxaa kudaba dhigay ikraan hooyadeed awood dawladeed adiga farmaajo midna maleh doorashada kabacdi dawlada timaada halawareegto wax kale oo kuu yaal majirto hal bil baa kuu haray hadii kale doorashada waa lagaa wareejin reysalwasaare baahane

  3. Waa la ogaa markii lagu yiri rooble awoodaada ayaa la dhimay, waxaa u soo baxay rooble oo keliya in uu iska aamuso ilayn talo gacan uma jirtee xitaa ninkii uu dilka ikraan lagu ee deeyay xilkana uu ka qaaday fahad yaasiin ahaa wuu awoodi waayay in uu Airport uu ka celiyo kkkkk iskaba dhaaf in uu maxkamad oo soo taago kkkķ

  4. Qof walbow ogow hadaad dulmi qofloo geystay ama qoom loo geystay aad ku taageerto qofkii dulmiga geystey ee aadan diidin dulmiga bari aduu kugu dhacayaa allaah agtiisana dulmi aadan adugu gelin ayaad xambaaratay

  5. Farmaajo dhagax weyn ayaa la hor dhigay haduuu kitaab quraan ah akhriyo waxaa la odhanyaaa.. Waar Farmaajow naga daa quraankan aad akhriyayso nooga waran Ikraan Tahiil arinteeda .

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*