Maxay ka wada-hadleen Golaha Wasiirada Puntland ?, Karaash oo amar dul-dhigay “SAWIRRO”

Golaha Wasiirada Puntland oo kulankoodii khamiislaha ahaa maanta ku yeeshay Madaxtooyadda Garoowe ayaa ka wada-hadlay Arrimaha deegaanka iyo xaalada dadkii Somaliland kasoo barakicisay magaalada Laascaanood ee gaaray deegaano kamid ah gobalka Mudug.

Shirkan oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa sidoo kale looga hadlay daah-furka hannaanka isku-dhafka ah ee korjoogteynta iyo dabagalka shaqooyinka Dowliga ah iyo mashaariicda, dardargelinta Qaadashada tallaalka COVID-19,  arimaha Gobollada iyo Degmooyinka Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa faray Golah Wasiirada Puntland inay dardar-geliyaan shaqooyinka dowladda, si loo xoojiyo wada shaqeynta shacabka iyo dowladda.

PUNTLAND TIMES

2 Comments

  1. Karaash waa shaqaale waana shaqaynayaa oo shaqadiisa wuu yaqaan.Hadal uma baahna Karaash.Laakiin waxuu shaqadiisa waayi doonaa markuu xamar aado oo markuu soo noqdo uu madax taag keeno.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*