SAWIRRO: Barakac ka soconaya Guriceel, & Ciidanka DFS oo ku dhawaaday

Waxaa magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud ka soconaya barakac balaaran oo ay sameynayaan dadka deegaanka, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay Ciidanka DFS iyo kuwa Galmudug ay duulaan ku yihiin magaaladaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay gacanta ugu jirtay Ururka Ahlusunna.

Xaafadaha kala ah Wadajir, Daryeel iyo Tawakal, ayaa ah meelaha sida gaarka ah ay dadku uga barakaceen, Ciidanka Ahlusunna ayaana difaacyo ka sameystay gudaha iyo hareeraha magaalada Guriceel, halka Ciidanka huwanta ah ee DFS iyo Galmudug ay fariisin ka sameysteen deegaanka Ceeldheere oo ku dhow Guriceel.

Xaaladda degmada Guriceel ayaa maanta ka duwan sidii hore, waxaana qaar kamid ah bulshada ay sheegayaan inay dareemayaan cabsi la xiriirta in dushooda lagu dagaalamo, isla markaana ay waxyeelo kasoo gaarto.

PUNTLAND TIMES

1 Comment

  1. SALAAMU CALEEKUM

    HABAR GEDIR cawaan qaawan oo aan caqli lahayn… Mar waa Koxeed, marwaa mooriyaan, marwaa maxaakim, mar waa alshabaab, marwaa ahlu sunna waljamaca, mar wa galmudug.

    Iscuna waligeen, sidaas baa asgeen uga haraysaan..

    WA BILAAHI TAWFIIQ

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*