SAWIRRO: Booliska Puntland oo la faray xoojinta amniga magaalada Boosaaso

Shir looga hadlayo xoojinta Amniga gobalka Bari, uuna shir-guddoominayay Taliyaha Qeybta Booliska gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen saraakiisha Amniga gobalka Bari ayaa intii uu socday diirada lagu saaray dardar-gelinta Amniga gobalka iyo sidii la isaga kaashan lahaa istiraatijiyada Amniga si looga hortago falalka lidiga ku ah sugida Ammaanka.

G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, Taliyaha Qeybta Booliska gobalka Bari ayaa kula dardaarmay saraakiisha amniga in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada degmada Boosaaso, taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta gobalka Bari, waxaana uu intaas ku daray inay joogteyn doonaan kulamada looga hadlayo xoojinta Amniga.

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*