Siciid Deni oo dalbaday in dib loo dhigo furitaanka kalfadhigga Baarlamaanka Puntland, & Guddoonka oo..

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland ayaa ka dalbaday Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland in dib loo dhigo furitaanka kalfadhigga 49-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Kalfadhigga 49-aad ayaa lagu waday inuu furmo 25 bishan October, balse Madaxweyne Deni oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa waraaq uu soo diray Guddoonka Baarlamaanka Puntland kaga codsaday in hal maalin dib loo dhigo furitaanka kalfadhigga, si aysan isugu beegmin furitaanka Kalfadhigga iyo doorashooyinka hordhaca ah ee 3 degmo oo loo madlan yahay 25 October.

Sida ay ogaatay PUNTLANDTIMES, Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa aqbalay dalabka Siciid Deni, iyadoo furitaanka kalfadhigga loo madlay 26 October.

PUNTLAND TIMES

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*